Maxaad kala socotaa Is bedelka Siyaasadeed ee dhowaan ka dhacaya Turkiga ?

0
Thursday June 21, 2018 - 19:38:00 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad kala socotaa Is bedelka Siyaasadeed ee dhowaan ka dhacaya Turkiga ?

    Dalka Turkiga ayaa waxaa ku soo wajahan doorasho ay dadkiisa u dareeri doonaan 24-ka bishan, iyadoo noqon doono doorasho taariikhi ah oo ay marki ugu horeysay taariikhda Turkiga Hal maalin oo qura la wada dooran doono Madaxweynaha dalka uu yeelanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Turkiga ayaa waxaa ku soo wajahan doorasho ay dadkiisa u dareeri doonaan 24-ka bishan, iyadoo noqon doono doorasho taariikhi ah oo ay marki ugu horeysay taariikhda Turkiga Hal maalin oo qura la wada dooran doono Madaxweynaha dalka uu yeelanayo iyo Xubnaha Baarlamaanka dalka, halka markii hore la kala dooran jiray xilliyo kala duwan.

Doorashadan ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo gudaha Iyo dibada Turkiga, waxaana ay bog cusub u fureysa siyaasadda iyo taariikhda dalka Turkiga oo sanadihii u dambeeyay sii xoogeysaneysay saameyntiisa dhaqaale iyo mid milateri uu Adduunka ku leeyahay.

Sanadkii 2017-dii Waxaa dalka Turkiga cod loo qaaday Dastuurka uu dalka yeelanayo, kaasoo awoood dheeri ah siin doona Madaxweynaha ku guuleysta doorashada soo socota.

Qaab dhismeedka Dowlada Turkiga ayaa ah mid dhisan sidan:-

1- Hey’adda Sharci dajinta
2- Hey’adda Fulinta (Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiradda.
3- Hey’adda Cadaaladda

Waxaana xisbiga ku guuleysta kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka uu marki hore maamuli jiray aqlabiyada Baarlamaanka iyo Hey’adda Fulinta, iyadoo Madaxweynaha dhex dhexaad ka yahay xisbiyada oo dhan, waxaase si madax banaan howshooda u wadan jiray Hey’adda Cadaaladda.

Balse nidaamkan cusub oo ay hada rabaan inay u guuraan ayaa baabi’inaya kursiga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana howshiisa la wareegaya Madaxweynaha oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa soo magacaabayaa Madaxweyne kuxigeenka dalka, golaha wasiirada iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants), waxaana muddo xileedka xafiiska Madaxweynaha cusub uu noqonayaa 5-ta sanno ee soo socota.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha awood u yeelanayaa soo jeedinta Bajadka Dowladda ku shaqeyneyso (Budget proposal), isagoo u gudbinaya fadhiga Baarlamaanka oo uu uga baahanayo meel marin.

Nidaamkan cusub ayaan uga baahan doonin Madaxweynaha dhex dhexaadnimo xagga xisbiyada ah, maadaama uu isku yahay Madaxweynaha ahna Madaxa Xukuumada, iyadoo nidaamki hore madaxa Xukuumadda u fasaxayay ku shaqeynta ajandaha xisbigiisa. midkan cusubna uu taas kala siman yahay.

Waxaa iyadana muhiimad gaar ah leh oo nidaamkan cusub Madaxweynaha awood u siinayaa in Madaxweynaha kala diri karo xubnaha Baarlamaanka, inta lagu guda jiro xilli shaqeedkooda, waxaase ka dhalanaya in isagana uu labaxo, waa Madaxweynaha, maadaama nidaamkan cusub dhigayo waxaa hal maalin oo qura la wada dooranayaa Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka taasoo markale u horseedeysa Madaxweynaha inuu doorasho cusub soo galo isagana.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Turkiga lagu soo kordhin doonaa kuraas dheeraad ah oo gaaraya 50 kursi waxeyna wadarta guud ee Baarlamaanka Turkiga noqoneysaa 600 oo Xildhibaan, halka markii hore uu ka ahaa 550 mudane.

Waxaa iyana meesha ka baxaaya sameynta Maxkamadaha Militariga, iyagoo loo isticmaali doona qaadista iyo anshax marsiinta Xubnaha ciidamada oo kaliya, waxaana howshoodi kale oo dhan la wareegaya maxkamadaha rayidka.

Ugu dambeyn waxaa Madaxweynaha cusub ee Turkiga ku guuleysan doona Musharaxii hela codod dhan 51%, waxaana Madaxweynaha xilligan Recep Tayyib Erdogan uu yahay ninka ugu cad cad ee la dooran doono, maadaama shacabka dalkiisa ay taageero weyn u hayaan.

Waxaa diyaariyay: C/raxmaan Aadan Cusmaan (Kampaala)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip