Madaxweynaha Somaliland oo cafis Madaxweyne ku sii daayay Boqor Buur madow

0
Wednesday June 20, 2018 - 14:46:59 in Wararka by
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo cafis Madaxweyne ku sii daayay Boqor Buur madow

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay in Cafis Madaxweyne maanta uu ku sii daayay Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Buur Madow oo Somaliland horay ugu xukuntay xabsi saddex sano ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay in Cafis Madaxweyne maanta uu ku sii daayay Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Buur Madow oo Somaliland horay ugu xukuntay xabsi saddex sano ah.

Qaar ka mid ah ehelada Boqor Buur Madow, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta gudaha Somaliland ka hawlgasha in Cafis Madaxweyne lagu sii daayay Boqor Buur madow.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhawaan la filayaa inuu socdaal ku tago Gobolada Bariga Somaliland, sida masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay xaqiijiyeen.

Horay ayaa Boqor Buur Madow loogu xukumay Shan sano oo Xabsi ah, balse Garsoorka Somaliland ayaa xukunkii ka qafiifay, markii maxkamadda mar kale la horgeeyay.



Ehelada Boqor Buur Madow ayaa soo dhaweeyay tallaabada xabsiga looga sii daayay ee Madaxweyne Muuse Biixi cafiska uu ugu fidiyay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horay cafis ugu fidiyay Abwaan Naciimo Qorane oo ah gabar Baraha Bulshada wax ku qorta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip