Wiil U Eg Pogba Oo Kaalintiisa Galay (Dhacdo Layaab Leh)

0
Wednesday June 20, 2018 - 14:25:09 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil U Eg Pogba Oo Kaalintiisa Galay (Dhacdo Layaab Leh)

    Wiil dhigta fasalka lixaad ee dugsiga sare ee iskuul ku yaalla koofurta London ayaa loo adeegsaday in uu beddelo xiddiga reer Faransa ee Paul Pogba. Efeme Temienor waxay hore ugu sheegeen saaxiibadiis iyo qoyskiisaba inuu aad ugu eg yahay cayaartoyg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil dhigta fasalka lixaad ee dugsiga sare ee iskuul ku yaalla koofurta London ayaa loo adeegsaday in uu beddelo xiddiga reer Faransa ee Paul Pogba. Efeme Temienor waxay hore ugu sheegeen saaxiibadiis iyo qoyskiisaba inuu aad ugu eg yahay cayaartoyga. Laakin isu ekaanshahaas si aan la sii filayn ayuu faa'iido ugu yeeshay, ayadoo Efeme lacag lagu siiyey inuu buuxiyo kaalinta Pogba ee xayeysiis loo samaynayey Shirkadda Adidas.

17 jirkaas ayaa u adeegsan doona lacagta hawshaas ka soo gashay inuu isaga bixiyo jaamacad uu doonayo inuu galo marka uu iskuulka dhameeyo.
Efeme ayaa isaga qudhiisa aad u jecel Kubadda cagta.
Waxaa loo kiraystay hawl uusan weligii galin iyo inuu aado Manchester, ka dibna Madrid, oo uu soo duubo xayeysiinta, halkaasoo uu sidoo kalena kula kulmay Pogba.
Wuxuu sheegay inuu isku dayey "inuusan dhaygagin oo uusan kala badbadan”.
"Qof walba wuu I eegay. Waxay ila tahay in dadku aysan rumaysan markii aan ka hadalay xayeysiinta. Xataa hooyadey waxay ii sheegtay in aan aad ugu ekahay” ayuu yiri.Wiil u eg Pogba oo kaalintiisa galay (Dhacdo Layaab Leh)
Wuxuu kaloo aad u danaynayey in uu waayo aragnimadan u adeegsado sidii ay u noqon lahayd irridda uu ka galayo dhabbaha mustaqbalkiisa.
BBC Somali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip