Kenya Oo Shaacisay xilliga ay Maxkamadda ICJ u gudbinayaan jawaabtooda muranka Badda ee Somalia
Labada Dowladood waxay Gal-dacwadeedyo ka furteen Maxkamadda ICJ oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Hague ee dalka Holland , si ay go’aan uga gaarto Muranka Xuduud-baddeedka saddex geesoodka ee la isku haysta oo dhererkiisu dhan yahay 100,000 oo mitir oo isku wareeg ah, isla markaana hodan ku ah Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga
.
Murankaasi oo soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii Xuduud-baddeedkaasi ayaa la sheegay inuu ku jiraan
Dowladda Kenya waxay doonaysaa in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin, halka DFS doonayso in lagu saleeyo Xuduudka saxda ee dhinaca Koonfureed ee Badda ee ay Kenya la wadaagaan.
DFS waxay horey u sheegtay inay sharci-darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.
Bishii Feberaayo ee sannadkii hore, Kenya waxay ku guul-daraysatay Wareegii 1-aad ee Kiiskaasi oo ay ku doonayeen inay Maxkamadda ICJ ku joojiso dhegeysiga buuxa ee Dacwadaasi.
Kenya Oo Shaacisay xilliga ay Maxkamadda ICJ u gudbinayaan jawaabtooda muranka Badda ee Somalia
yadoo ay DFS bishan June 18-dii u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee ICC gal-dacwadeed ku adaan Caddaymaha Lahaanshaha xuduud-baddeedka ay ku murunsan yihiin Somalia iyo Kenya ayey Dowladda Kenya shaacisay inay iyagana Maxkamadda ICJ u gudbin doonaan