Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta degmooyinka Muqdisho oo xilalkii laga qaaday
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan yariisow ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu xilalkii ka qaaday Mas'uuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii xilalka laga qaaday.
Tan iyo Bishii Ramadaan waxaa gobolka Banaadir ka socotay Magacaabis iyo xilka ka qaadis lagu sameynaayay Mas’uuliyiintii horay xilalka u haayay.
Maalintii shalay aheyd waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenadii iyoXogheynadii degmooyinka Kaaraan Hilwaa iyo Yaaqshiid .
Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa ah Gudoomiye ku xigeenada Arrimaha bulshadda iyo Amniga iyo Siyaasadda.
Waxaa sidoo kale jira Isbadel lagu sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiye waaxeedyadda degmooyinka Muqdisho, waxaana markii ugu horreysay loo dhiibay dhalinyaro da’yar.
Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa jira Mas’uuliyiin kale oo xilka laga qaadi doono sidda ay sheegeen ilo lagu kalsoonaankaro.
Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta degmooyinka Muqdisho oo xilalkii laga qaaday
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan yariisow ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu xilalkii ka qaaday Mas'uuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii xilalka laga qaada