Qarax gaari oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0
Wednesday June 20, 2018 - 16:27:13 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

    Waxaa goor dhow qarax laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa qarax loogu xiray gaari qof uu saarnaa, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo. Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Xaaji Baasto ee degmada Hodan, una dhow Jidka Maka Al-Makarama, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow qarax laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa qarax loogu xiray gaari qof uu saarnaa, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo. Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Xaaji Baasto ee degmada Hodan, una dhow Jidka Maka Al-Makarama, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca raaxada ah. Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay oo ahaa ninkii gaariga waday, waxaana jira in qof kale uu ku dhaawacmay oo ka ag dhowaa. Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaasoo wadada xiray, baaritaana wada.

Gaadiidka gaarka loo leeyahay ee qaraxyada lagu xiro ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada lagu khaarijiyo shaqsiyaadka kala duwan, sida saraakiisha ciidamada, wariyeyaasha iyo dadka kale, waxaana mas’uuliyadooda sheegata Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip