Jubbaland oo sheegtay AMISOM in aysan qeyb ka aheyn hawlgalada socda

0
Wednesday June 20, 2018 - 12:54:41 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo sheegtay AMISOM in aysan qeyb ka aheyn hawlgalada socda

    Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, ayaa shalay la wareegay deegaan ay gacanta ku hayeen Shabaab, Dagaal ay qaadeen ciidamada is garabsanaya ayey ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Muuse Xaaji oo ku yaalla d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, ayaa shalay la wareegay deegaan ay gacanta ku hayeen Shabaab, Dagaal ay qaadeen ciidamada is garabsanaya ayey ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Muuse Xaaji oo ku yaalla duleedka deegaanka Sanguuni, waxaana hawlgaladan ay qeyb ka yihiin kuwa ka socda guud ahaan dalka dalka.

Magaalada Kismaayo shalay waxaa ka dhacay shirka Golaha Amniga Jubbaland, kaasi oo daba socday shirkii Golaha Amniga Qaranka, waxaana diirada lagu saaray ammaanka deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay shirka kadib soona hadal qaaday hawlgalada socda ayaa sheegay hawlgalkan in AMISOM ay qeyb ka noqon doonto maalmaha soo socda, wuxuuna tilmaamay in Jubbaland aysan u dulqaadan doonin ciidamo xeryo iska dega oo aan ka qeyb qaadan dagaalka.



Dhinaca kale Taliye kuxigeenka hogaanka ciidanka Daraawishta Jubbaland Salmaan Ahmed Bashiir oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in AMISOM aysan qeyb ka aheyn hawlgalka, ilaa haddana aysan garaneyn sababta.

Wuxuu sheegay AMISOM weli in aysan soo buuxin kaalintii ay ku lahaayeen hawlgalada socda, wuxuuna tilmaamay in ay rajeynayaan dagaalka socda in ay qeyb ka noqdaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa laba maalmood kahor Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Jubbooyinka ku amray inay qaadaan hawllgalo ka dhan ah Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip