HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA JUUN 2018-KA

0
Wednesday June 20, 2018 - 11:10:16 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA JUUN 2018-KA

    R/WASAARE KHAYRE, XOGHAYA GUUD EE QM IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA NORWAY OO SI WADAJIR AH U FURAY SHIRKA MADASHA OSLO R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khayre, Xoghaya guud ee QM, António Guterres iyo W/arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriks

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/WASAARE KHAYRE, XOGHAYA GUUD EE QM IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA NORWAY OO SI WADAJIR AH U FURAY SHIRKA MADASHA OSLO R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khayre, Xoghaya guud ee QM, António Guterres iyo W/arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wad ajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.
R/Wasaare Xassan Cali Khare oo kul anka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuuxnuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wa da noolaado dunida oo dhan.

R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khayre, Xoghaya guud ee Q/M, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si war baahinta kula hadleen afaafka hore ee xa runta uu shirku ka socdo, iyada oo R/Was aare Khaye uu uga mahadceliyay dawlad da Nowray casuumaadda shirkaan muhi imka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay DFS shaqa da wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo la da gaalanka Musuqmaasuqa. Rl Wasaraha XFS Md.Khayre, ayaa Shalay kulamo ga ar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah ma daxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.DHAMMAAD

SIYAASIYIIN SOOMAALIYEED OO SOO DHA WEEYAY HESHIISKA SOMALIA IYO ITOOBIYA

Xilli hadal heyn badan oo ka dhashay Heshiiskii ay wada gaareen dalalka Som aliya iyo Itoobiya si weyn la iskula dhexm arayay Baraha Bulshada , Warbaahinta iyo Goobaha lagu qaxweeyo ayaa waxaa arrintaasi shalay ka hadlay Siyaasiyiin So omaaliyeed oo si weyn looga yaqaanno Geyiga Somaliya.

Engineer Axmed Salaad Aw Aadan oo ugu horreyn ka hadlay Shir Jaraid oo ay wada qabteen Isaga iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ku baaqay in Bulshada Soomaaliyeed aan la marin habaabin isla markaan ay yihiin warar ku turu ku teen , wararka sheegaya in Dekeddo Soomaali yeed la bixiyay ama dhul Somaliyeed la siiyay dowladda Ethiopia.

Dhinaciisa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in Heshiis ka ay wada Saxiixdeen Somaliya iyo Itoo biya uu Muhiimad weyn ugu fadhiyo Dad ka Soomaaliyeed marka loo eego qodoba da qaar oo sheegaya in la ilaaliyo midnim ada iyo Madax banaanida umadda Soo maaliyeed iyo qodobka kale ee ku aadan la dagaalanka wax loogu yeero Argag ixisada kuwaas oo ah qodobo ay aad ugu baahan tahay Somalia.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle oo soo hadal qaaday dadka duraya heshiiska ay wada Saxiixdeen Somaliya iyo Itoobiya ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa tag eera Argagixisada kuna hor gudban la da gaalankooda sidaas daraadeed ay laga ma maarmaan tahay in iyagana lagu daro sida uu hadalka u dhigay.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii dowladaha Somalia iyo Itoobiya ay hehiis kala saxiixdeed, kadib markii uu booqa sho ku yimid M/ Muqdisho R/wasaare Abiy Axmed.

ASKARI KA TIRSAN CIIDANKA NABADGEL YADA WADDOOYINKA OO SHALAY LAGU DILAY MUQDISHO

Askari ka tirsan ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa kala hagida gaadiidka waddooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida oo saarnaa gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Nabadsugida.

Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Hilowle, waxaana la sheegayaa in ka hor inta aan la dilin uu muran dhex maray askartii la socotay gaariga ciidan ee wadada marayay, kuwaasoo la sheegay in si qaldan wadada ku soo galeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigay, lana geeyay xarunta Dambi baarista.

Gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada ee lagu galbiyo saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta ayaa waddooyinka u mara si qaldan oo hareer marsan sharciga waddooyinka, waxaana mararka qaar ay xoog ku maraan waddooyinka aan seedkooda aheyn.

Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ayaa ah kuwo ugu badan ee dhibaa too yinka loogu geysto, xilliyada ay ku guda jir aan howlaha kala hagida waddoo yinka, waxaana ay aheyd bil ka hor markii agagaarka Isgoyska Bakaaraha lagu toogtay askari Taraafiko ahaa, kaasoo dilkiisa ay sheegatay Kooxda ISIS, markii la dilayayna laga qaaday sawirro lagu faafiyay baraha bulshada

CIIDAMADA AMISOM OO SAACADO KU XAYIRAY GAROONKA MUQDISHO GUDD OOMIYAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baar lamaanka FS iyo Kolonyo uu la socday ayaa saacado lagu xayiray mid ka mid ah irdaha laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho, halkaasoo ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu shalay barqadii ka dho ofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdi sho, isagoo ku sii jeeday M/Nayrobi, hase ahaatee Kolonyadiisa oo ay qeyb ka ah aayeen Xildhibaano sagootinayay ayaa lagu hakiyay dhanka Marina Gate.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in aanay ogolaansho u heysan in Kolonyada G/Aqalka sare oo ay wehliyeen Ilaaladiisa ay gudaha u galaan Garoonka, waxaana taasi keentay is maandhaaf iyo muran dhex maray labada dhinac. Is maandhaaf ka ka dhashay xayiraada Guddoomiyaha ayaa waxaa soo farageliyay Taliska Bool iska iyo Mas’uuliyiin, waxaana markii da mbe la fasaxay gaadiidkii uu saarnaa Gud doomiyaha kaliya, halka kuwa kalena la celiyay.

AMISOM ayaa la sheegay inay ku and acootay inay ogolaansho u heysataan kal iya Kolonyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan garoonka, iy agoo aan la baarin, maadaama amnig ooda ay qeyb ka yihiin Ciidamo AMISOM.

Aqalka Sare ayaa kulan degdeg ah oo arrinta xayiraada Guddoomiyaha uu ka ye eshay waxay ku cambaareeyeen falkaas tacadiga ah, waxaana ay ka dalbadeen AMISOM inay jawaab degdeg ah ka bixiy aan.

CANADA OO MALAAYIIN DOLLAR UGU DEE QE YSO DALAL AY KU JIRTO SOOMAALIYA

Dowladda Canada ayaa sheegtay in la cago gargaar ah ay ugu deeqeyso dal alka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimoq uraadiga ee Congo iyo Niger oo ay ka jir aan dhibaatooyin dhinaca bani’aadini mada ah.

Lacagtaasi oo gaareyso 38 milyan oo dollar ayey dowladda Canada u soo mar ineysa hay’adaha Qaramada Midoobay ee FAO, IFAD iyo WFP oo fadhigoodu yahay magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga.

Sarkaal ka tirsan dowladda Canada ay aa sheegay in lacagtaasi gargaarka ah lo ogu tala galay in lagu fuliyo mashaariic kala duwan. Waxaana waxyaabaha diir ada la saari doono ka mid ah in dadka ay dhibaatooyinka ku dhaceen laga caawiyo dhinacyada beeraha, xoolaha iyo sidii ay ku heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Mashaariicdaasi ayaa lagu wadaa in shanta sano ee soo socota laga wada ful iyo dalalkaasi, iyadoo si gaar ah wax loo gu qaban doono dadka nugul sida caruur ta iyo haweenka.

Canada ayaa horay lacago badan ugu de eqday Soomaaliya oo ka mid ah dalal ka ay ka taagan yihiin musiibooyinka bani’ aadinimo ee ka taagan dalalka

Afrika.

ISRAA’IIL OO WASIIR HORE KU EEDAYSAY IN UU U BASAASAY IIRAAN

Israa’iil ayaa wasiir hore ku soo oogtay in uu Iiraan u basaasay, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha ee Shin Bet.

Gonen Segev oo dhakhtar ah soona noq day wasiirkii tamarta 1990yadii, ayaa lagu eede eyay in ay Iiraan u qoratay basaasni mo isaga oo Nigeria ku nool.

Waxaa la xiray isaga oo booqasho ku tagay dalka Equatorial Guinea bishii May, codsi ka yimid booliiska Israa’iil dartii ay aana loo masaafuriyay. Ninkan 62 jirka ah ayaa shan sano lagu xukumay 2005tii isa ga oo lagu eedeeyay ka ganacsi daroogo sharci darro ah iyo in uu samaystay baa saboor dublamaasi oo been abuur ah.

Ruqsadiisii dhakhtarnimada ayaa si doo kale lagala noqday, balse waxaa loo ogolaaday in uu dhakhtar ahaan uga sha qeeyo dalka Nigeria, ka dib markii uu dal kaas u wareegay markii xabsiga laga siid aayay 2007dii. War qoraal ah oo ay daab acday Shin Bet Isniintii ayaa lagu sheeg ay in Segev la xiray sidaadii uu cagaha u dhigay Isra a’iil bishii hore. Waxaa la way diiyay xog sheegaysa in laga yaabo in uu xiriir la lahaa sirdoonka Iiraan, uuna gac an ka gaysanayay hawlahooda ka dhan ka ah Israa’iil.

Baareyaasha ayaa intii ay su’aalaha wadeen ogaaday in Segev uu labo jeer xi riir la sameeyay masuuliyiinta safaarad da Iiraan ee dalka Nigeria sannadkii 2002dii, labo jeerna uu Iiraan u safray si uu ula kulmo qolyihii uu la shaqaynayay, ayay tiri Shin Bet oo Israa’iil u qaabilsan ammaan ka gudaha. Segev wuxuu intaas ku daray in uu dadkii la shaqaynayay uu dalal kala na kula kulmay isaga oo lagu wareejiyay waxyaabo si sir ah loogu xiriiro.

MAAMULKA G/ BANAADIR OO BURBURIN KU BILAABAY DHISMAYAAL SHARCI DARRO OO LA GA DHISTAY GAROONKII JEENYO

Maamulka G/Banaadir ayaa shalay Bu rburin ku bilaabay dhismayaal sharci dar ro ah oo laga dhistay Garoonka Jeenyo ee degmada Yaaqshiid oo ka mid ahaa goobaha danta guud. Waaxda Howlaha Guud ee Gobo lka Banaadir ayaa shalay bilo wday burburinta dhismayaasha sharci darada, taasoo aheyd a mar uu dhowa an soo saaray Guddoomiya ha Gobolka Bana adir Eng. Yariisow oo ahaa in 3 ma almo od lagu baneeyo go obaha Danta Guud.

Gawaarida cagaf cagafta ayaa burbur iyay dhismayaal laga hirgeliyay garoonka as, waxaana howsha burburinta la filayaa in isla shalay lagu soo gabagabeeyey

Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud C/fataax Xalane ayaa sheegay in 80% ay burburiyeen dhismayaasha sharci darada ee laga hirgeliyay garoonka, isla markaa na dib loo howl gelin doono Garoonka Je enyo ee lagu ciyaari jiray Kubadda Cag ta.. "Ninkii Danta guud daqligiisa geliya dudumin ayaa u dambeysa”ayuu yiri Aga asimaha Guud ee Howlaha Guud ee Go bolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Waa dhismihii labaad oo Maamulka Gobo lka Banaadir uu burburiyo, iyadoo todoba adyo ka hor la burburiyay darbigii lagu wa reejiyay dhulkii Barxada Piazza Libero ee ku dhow Barxada Ceel Gaabta.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO ADDISABABA UGA QEYB GALAYA SHIR AAN CAADI AHEYN

Madaxweynaha JfsMd. Maxamed C..hi Farmaajo ayaa 21ka bishan M/Addisababa uga qeybgalaya shir aan caadi ah ayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan. Warar kaga helayo ilo lagu kalsoon yahayayaa sheegaya in ca suumaaddii shirka ay soo gaartay Mad axweynaha Soomaaliya, waxaana la fila yaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxwey ne Farmaajo ay gaaraan Addisababa 21 bishaan.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoo dii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ur urku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay ka soo koror tay xaalad amni xumo, ka dib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xal in waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowl adda South Sudan.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soo maaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Mad axweynaha Soomaaliyauu ka mid ah ma daxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixin aya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofur ta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.

LIIBIYA: TAHRIIBAYAAL LA SOO BADBAADI YEY IYO MAYDAD LA HELAY

Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya ay aa sheegay inay 191 Tahriibayaal oo ay ku jireen Haween iyo Carruur ka soo bad baadiyeen meel ka baxsan Xeebaha Gal beedka M/Tripoli.

Afhayeenka Ilaaladaasi, Ayuub Qaasiim ayaa sheegay inay dhowr Hawlgal ka ful iyeen Badda Mediterraneanka, kuna soo badbaadiyen Tahriibayaashaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay heleen ma ydadka 5 qof oo ka mid ah Tahriibayaa shii la socday Doonidaas oo xaallad adag ku qabsatay xeebaha ka baxsan Deega anka Mellilah.

Koox kale oo Tahriibayaal ah oo tirdao odu dhamayd 76 qof ayaa la sheegay in laga qabtay meel ka baxsan Degmadda Zawiya ee Galbeedka Tripoli. Tahriiba ya ashaasi oo la soo badbaadiyey maalmi hii Axadda iyo Isniinta ee isbuucan waxaa loo soo gelbiyey Saldhig Ciiddanka Bad da ku leeyihiin caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya waxa kale oo uu sheegay in ay Tahriibayaashaasi isugu jiraan Carab iyo Afrikaan, kuwaasi oo doonayey inay u tahriibaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE IYO GUDDO OMIYE CAWAD OO LOO DIIDAY IN AY KA DUULAAN GAROONKA DIYAARADAHA

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Go laha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo warbaabinta kula hadlay M/Muqdisho ayaa waxa uu sheegay shalay in ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM ay u diideen inuu ka duulo Garoonka Diyaar adaha Aadan Cadde, safarkiisana uu baajiyay.

Wuxuu sheegay ciidanka AMISOM bilo oyinkii dambe inay la soo baxeen dhaqa mo kala duwan oo aan wanaagsaneyn oo ay kula kacayaan masuuliyiinta dowladda, wuxuuna sheegay arrintan in looga baah an yahay in ay jawaab deg deg ah ka bixi yaan masuuliyiinta sare ee Midowga Afrika.

Guddoomiye Cawad ayaa sheegay in aysan jirin cid uga sareysa dalkan la xisa abtankiisa, ha ahaato ajaanib ama Soo maali, wuxuuna qeexay Xalane iyo Gar oonka Diyaaradaha in ay ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo aysan laheyn ajnabi.

Masuuliyiinta Midowga Afrika iyo AMI SOM ayuu ugu baaqay in ay u hogaansa maan Dastuurka dalka uu leeyahay, hadii kale ay ka imaan karto cawaaqib xumo, wada shaqeyn la’aantaas, isaga oo tilmaa may in ay habacsanaan ku yimid shaqadi u dhaxeysay AMISOM iyo Baarlamaanka.

Dhinaca kale isla maanta Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maanta u diiday Gu ddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi in uu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo kulan deg deg ah isugu yimid ayaa Cambaaree yay falka lagula dhaqmay Madaxda Aqa lka Sare, kadib dadaal dheer oo ay muujiy een xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyntii waxa ay ku guuleysteen in gudoomiyaha la siidaayo oo uu dalka ka dhoofo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay jawa ab deg deg ah ay ka bixiyaan Xanibaada lagu sameeyay Gudoomiyaha Aqalka Sa re. Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ay aa cambaareeyay falka lagula dhaqmay Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxaana uu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin arintaasi wax looga qabanaayo.

MADAXWEYNAHA OO XALAY WAREYSI UU BIXIYAY KAGA HADLAY ARRIMO BADAN

[ [Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xalay wareysi uu siiyay TVga dowladda wu xuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii dowladaha Soo maaliya iyo Itoobiya, colaada Tukaraq, shirkii Golaha amniga Qaranka ee Ba ydhabo iyo arrimo kale.

Farmaajo ayaa marka hore ka hadl ay wixiii u qabsoomay mudada uu xil ka hayo wuxuuna tusaale u soo qaat ay in ay bedeleen dhaqan siyasadeed ka, wax badana ka qabteen arrimaha musuq maasuqa iyo dhaqaalaha iyo in ay soo celiyeen sharafkii ummadda Soomaaliyeed.

AMMAANKA

Madaxweynaha ayaa soo hadal arri maha ammaanka wuxuuna sheegay Hay’adaha ammaanka in ay si adag u shaqeeyeen gaar ahaan bishii Rama daan oo aanay Muqdisho ka dhicin wax qarax ah, sidaasi darteed wuxuu umahadceliyay shacabka Sooomaal iyeed oo la shaqeynaya ciidamada ammaanka.

DIB U HESHIISIINTA IYO KAABAY AASHA DHAQAALAHA

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta ayuu sheegay inay wax badan ka qabteen, welina ay ha wlo kale oo arrimahaasi ku saabsan ay harsan yihiin, sidoo kale Madaxwey naha ayaa ka hadlay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna tusaale u soo qaatay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dhismo lagu bil aabayo, wuxuuna tilmaamay in ay me el wanaagsan mareyso.

SHIRKII BAYDHABO

Shirkii Baydhabo ee G/Amniga Qa ranka ayuu sheegay inuu qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu heshiiyay in la wada qeybsado kheyraadka, Madaxda is ugu timid halkaasi ayuu sheegay inay muujiyeen dulqaad iyo in horey loo sii socdo, wuxuuna tilmaamay in ay ka wada hadleen sameynta in la wada qa ato masuuliyad wadareed, si jiilka soo socda ay u helaan wax ay dhaxlaan.

HESHIISKII SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

Farmaajo oo si faah faahsan uga hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaara ha Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay ujeedkiisa inuu ahaa xoojinta xiriirka 2da dal iyo in 2da dal ay is ixtiraamaan, kaasi oo ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid amni.

"Runtii shirkaasi wuxuu ahaa mid 2da dowladood muhiim u ah, booqash ada uu Ra’iisul Wasaaraha ku yimid Muqdisho wuxuu ujeedka ahaa in laba da dal ay xoojiyaan wada shaqeyntoo da, horey amni ayaan uga hadli jirnay, balse hada waxaan fursada u helnay inaan ka hadalno arrimo dhaqaale, Ra ’iisul Wasaaraha booqashooyin ayuu ku tagay dalal Afrika ka mid ah, balse midka annaga uu inoogu yimid wuu ka duwanaa, labada dal waxay ka faa’ide ysanayaan xiriirka ganacsi ee dhexma raya, waxaan heysanaa xeebta ugu dheer ee Afrika, iyaguna shacab bad an ayay heystaan,” Ayuu yiri Madaxw eynaha.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay warar maalmahan la isla dhexmaray ay baraha bulshada, kaasi oo ahaa in labada dal la mideynayo, Dekedaha Soomaaliyana lagu wareejinayo Itoob iya. Wuxuuna yiri "Dhaqan ayaa jira oo ah inaan la dooneyn in horey loo socdo, Dekad cid la siiyay malahan Dekadaha Soomaaliya ayay ku yaal aan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Ito obiya ma lahan waxay ka imaan kar aan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsata da Soomaaliyeed, arrintan waxay mar eysaa sharci, waxaana la horgeyna yaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga.

COLAADA TUKARAQ

Maxamed C/aahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada Tukaraq, wuxuuna sheegay in nasiib daro ay tahay in we li 28 sano uu dalka ku daato dhiig bi laa macno daro ah, wuxuuna colaada Tukaraq ku tilmaamay wax laga xu maado, wuxuuna sheegay inuu si jog to ah ula xiriiro labada dhinac, marna ku guuleystay in xabada la joojiyo, ba lse uusan sii shaqeyn wada hadalka as, labada maamul ayuu ugu baaqay inay wada hadlaan.

DAGAALKA SHABAAB

Dhalinyarada ka tirsan ururka Alshabaab ayuu ugu baaqay in ay dowl adooda isku soo dhiibaan oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee ay ku jiraan, "Waxaan ugu baaqayaa dhaliny arada la qalday in ay dowladooda u soo laabtaan, dhistaana mustaqbalko oda, dowladdu waxay balan qaadey saa inay dhalinyaradaasi siin doono Waxbarasho, Shaqo abuur iyo waxy aabaha kale ee ay u baahan yihiin, Shabaab waa cadowga koowaad ee ummadda Soomaaliyeed, waxaana u dagaalamaya dhalinyaro mustaqbal leh oo la qalay.”

Gebagebada: Madaxweynaha ay aa waxaa la weydiiyay su’aal aheyd in uusan si deg deg ah u hadlin marka ay dalka ka jiraan xaalado adag, wux uuna ku jawaabay "Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, wayse ku dha maadaan, xagee loo noqonayaa hadii Madaxweynaha uu marka hore hadlo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa masuuliyad da xukuumadda iska leh, waxaana la shaqeeya Wasiiro, iyaguna ka hoos shaqeeya xubno kale, shaqada sidaa si ayay ku socon kartaa, Ra’iisul Wasa are aan ku kalsoonahay ayaa shaqe eya, dad badan ayaa ku fekeraya in R/Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is qabanayaan, balse taasi ma dhace yso,”

W/Q: ABDIRASHIID ALI DUBBAD

MAXKAMADA CIIDAMADA JUBBALAND OO XUKUNTAY ASKARI DILAY XAASKIISA

Ninkii-xaaskiisa kismaayo kudaialyMaxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Shalay ay xukun dil toogasho ah ku riday Cabdullaahi Aasad oo ka tirsa naa Ciidamada Jubbaland,isla markaana horay u dilay Xaaskiisa.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ehelada qaar kamid ah gabadha xaaskiisa aheyd ee uu dilay xilli habeen ah. C/hi Asad wuxuu katirsanaa Ciidama da Darawiishta gaar ahaan Xafiiska bixi nta Mushaaradka Ciidamada Dowlad gob oleedka Jubbaland,waxana markii uu di lka u geystay xaaskiisa Bartamahii bisha April gacanta ku dhigay Ciidamada Jubba land,isla marakana ugu dambeyn Maanta la xukumay.

Maxkamada ayaa sidoo kale shaacisay hadii aan xukunkas lagu qanacsaneyn in racfaan ka qadan karaan ehelada Aska riga oo ku sugan Magalada Kismaayo

BOGGA CAYAARAHA

RASMI: ARSENAL OO SI RASMI AH UGU DHAWAAQDAY IN AY DHAMAYSTIRTAY GOOLHAYIHII KOOXDA BAYER LEVEKUSEN EE BERND LENO.

Kooxda Arsenal aya hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay goolhayaha ree Germany ee Bernd Leno kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Bayer Leverkusen. Unai Emery ayaa sameeyay saxiixii labaad ee kooxdiisa cusub ee Gunners tan iyo markii uu noqday badalkii Arsene Wenger oo dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay baxay.

Goolhaye Bernd Leno oo 26 sano jir ah ayaa kooxda Bayer Leverkusen u soo ciyaartay 230 kuklan kadib markii uu ku soo qaatay in ka badan 7 xili ciyaareed oo horyaalka Bundesliga ah laakiin waxa uu ogolaaday in uu waayihiisa ciyaareed u wareejiyo London iyo kooxda Gunneers.

Bernd Leno ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Stuttgard laakiin waxa uu Bayer Leverkusen ku soo biiray sanadkii 2011 kii isaga oo bishii Septembere ee sanadkaas noqday goolhayihii abid ugu da’da yaraa ee ka soo muuqday UEFA Champions League waxayna da’diisu ahayd 19 sano iyo 193 maalmood oo kaliya.

Goolhayaha heerka caalami ee xulka qaranka Germany ee Bernd Leno ayaa sanadkii 2015 kii markii ugu horaysay looga yeedhay xulkiisa Jarmalka wuxuuna tan iyo markaas saftay 6 kulan oo kaliya iyada oo aanu fursad badan lelin laaiin waxa uu qayb ka ahaa kooxdii Germany ee Russia ugu soo guulaystay FIFA Confederations Cup ee sanadkii la soo dhaafay.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa farxad ka muujiyay in kooxdiisu ay ku guulaysatay saxiixa Bernd Leno wuxuuna yidhi: "Waxaanu aad ugu faraxsanahay in Bernd Leno uu nagu soo biirayo anaga. Bernd waa goolhaye tayo iyo khibrad sare leh, waxa uu ahaa bandhige sare oo lambarka kowaad uga ciyaarayay Leverkusen todoba sanadood uga ciyaarayay Bundesliga”.

MOHAMED SALAH & EGYPT OO NOQDAY XULKII UGU HOREEYAY EE KA HARAY KOOBKA ADDUUNKA

Xulka Egypt ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee si Rasmi ah uga hara koobka adduunka kadib guuldaradii ay kala kulmeen xulka Russia kulankii 2-aad ee Group-ka A.

Saaxiibada Mohamed salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican oo weerar iyo difaacasho leh qaybtii hore ee kulanka iyaga oo ka awood weynaa xulka Russia.

Laakiin xulka Egypt ayaa isku bilaabay goolasha iyaga oo si khalad ah isaga dhaliyay taas oo Russia ka caawisay in ay gabi ahaanba ciyaarta la wareegto.

Haatan Mohamed salah iyo xulka Egypt ayaa si Rasmi ah uga haray koobka adduunka iyaga oo kaliya kulanka 3-aad ee Suadi Arabia u ciyaari doona kulan sharafeed.

Dhanka kale Xulka Russia ayaa si Rasmi ah ugu soo baxay wareega 16-ka ee koobka adduunka isaga oo haatan u dagaalami doona in ay kaalinta 1-aad kaga soo baxaan Group-ka.

URUGUAY VS SUADI ARABIA: SAAXIIBADA LUIS SUAREZ OO AAN AQOON SIDA LOOGA BADIYO SUADI ARABIA, IMISA JEER AYAY LA KULMEEN?

Xulka Uruguay ayaa ciyaari doona kulankoodii 2-aad ee koobka adduunka iyaga oo la ciyaari doona xulka Suadi Arabia ishana ku haya in ay dhamaystiraan shaqadii ay bilaabeen kulankii Egypty.

Guul ay ka gaaraan xulka Saudi Arabia ayaa si Rasmi ah ugu xaqiijinaysa in ay u soo baxaan wareega xiga ee 16-ka ee koobka adduunka.

Dhanka Kale Saudi Arabia oo guuldaro weyn oo xasuuq ah kala kulantay Russia kulankii fuirtaanka koobka adduunka ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada saxda ah.

Kulanka: Uruguay Vs Suadi Arabia

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 6:00pm

Garoonka: Rostov Arena

XAQIIQOOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah midkii 3-aad ee ay wada ciyaareen labada xul waana midkii 1-aad ee koobka adduunka, Suadi Arabia ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Uruguay labadii kulan ee hore oo saaxiibtinimo ahaa hal kulan way ka badiyeen mid kalena bar-baro ayay wada galeen.

Kulankan ayaa ah midkii 15-aad ee uu Saudi Arabia ciyaaray koobka adduunka laakiin waa midkii ugu horeeyay ee ay la ciyaaraan xul ka soo jeeda South America.

Uruguay ayaa badisay dhamaan kulamadii 3-da ahaa ee ay la ciyaartay xulalka ka soo jeeda qaarada Asia iyaga oo ka dhaliyay 5 gool lagana dhaliyay kaliya hal gool.

Suadi Arabia ayaa ku dhamaystay kaalinta ugu dambaysa 3-dii koob adduun ee ugu dambeeyay ee uu ka qayb qaatay markii ugu fiicnayd ee ay meesha ugu fiican gaareen ayaa ahayd 1994 markaas oo ay gaareen wareega 16-ka.

HORDHAC: IRAN VS SPAIN,PORTUGAL VS MOROCCO: FALANQAYNTA GROUP-KA B EE KOOBKA ADDUUNKA

Xulka Portugal ayaa la ciyaari doona xulka Morocco iyaga oo doonaya in ay sii wadaan qaab ciyaareedkoodii cajiibka ahaa ee kulankii Spain.

Ronaldo iyo saaxiibadii ayaa doonaya in ay guul kale ka gaaraan xulka Morocco oo guuldaro wakhti dambe ah kala kulmay xulka Iran.

Portugal ayaa wax walba u samayn doona sidii ay u gaari lahaayeen guul ka caawisa in ay sii fiicneeyaan rajadooda u soo bixitaanka wareega xiga.

Dhanka kale Morocco oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta ayaa doonaysa in ay gaarto guusheedii ugu horaysay ee koobka adduunka sanadkan.

PORTUGAL VS MOROCCO:

Kulanka: Portugal Vs Morocco

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 3:00 Galabnimo

Garoonka: Luzhniki

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulka Morocco ayaa 3/1 ku garaacay xulka Portugal kulankoodii hore ee koobka adduunka ee sanadkii 1986, waxana ay ahayd guushii ugu horaysay ee ay Morocco ka gaartay koobka adduunka.

Kulankaas ayaa ahaa guuldarada kaliya ee Portugal ka soo gaarta xul Africa ah koobka adduunka iyaga oo ka badiyay 2 kulan hal kalena bar-baro la galay 4 kulan oo ay la ciyaareen xulalka Africa.

Portugal ayaan wax guuldaro ah kala kulmi xul aan yurub ahayn tan ilaa 2002 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen xulka South Korea.

Morocco ayaa kubada haysatay 68% kulanii ay guuldarada kala kulmeen xulka Iran kulankii ugu horeeyay ee koobka adduunka sanadkan, waana kubad haysashada ugu badan ee uu sameeyo xul hadana guuldaro la kulmo koobka adduunka tan ilaa 2010 markaas oo ay Spain guuldaro kala kulantay Switzerland inkasta oo ay kubada haysteen 78%.

SPAIN VS IRAN:

Xulka Spain ayaa ciyaari doona kulankoodii 2-aad ee koobka adduunka kadib bar-barihii niyad jabka lahaa ee ay la galeen xulka Portugal kulankii hore ee Group-ka.

Spain ayaa la ciyaari doonta xulka qaranka Iran oo guul niyad dhis ah ka gaartay xulka Morocco kulankoodii furitaanka ahaa ee koobka adduunka.

Xulka Iran oo hogaanka u haysa Group-kooda ayaa u baahan bar-baro ama guul si ay u haysato rajada u soo bixitaanka wareega 16-ka.Spain ayaa dhankeeda ka go,antahay in ay gaarto guul si ay u hubiso in ayna mar kale Group-yada kaga harin koobka adduunka sidii sanadkii hore.

Kulanka: Spain Vs Iran

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 9:00 Habeenimo

Garoonka: Kazan Arena

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulka Iran ayaan wax guul ah kala kulmin xulalka reer yurub iyaga oo guuldaro kala kulmay 5 ka mid ah 6 kulan oo ay horay ula ciyaareen halka ay kulan bar-baro la galeen.

Spain ayaa Wareega Group-yada kaga hartay laba ka mid ah 3-dii koob adduun ee ugu dambeeyay ee ay ku fashilmeen in ay guul gaaraan kulanka ugu horeeya waxana ay kala ahaayeen sanadihii 1998 iyo 2014, Si kasta ha ahaatee Spain ayaa koobkii adduunka ee 2010 ku guulaystay kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Switzerland kulankoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka.

Diego Costa ayaa dhaliyay 8 gool 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku bilowday shaxda xulka Spain waxana uu laba gool dhaliyay kulankii Portugal.

XULKA QARANKA SENEGAL OO SHARAFTII AFRIKA SOO NOOLEEYAY IYAGA OO AFKA CIIDA U DARAY POLAND IYO WIILASHA UU SADIO MANE HOGAAMINAYO OO GUUL KU FURTAY KOOBKA ADUUNKA.

Xulka qaranka Senegal ayaa guul dahabi ah ka gaadhay Poland iyada oo Senegal noqotay xulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee guul ku furtay koobka aduunka. Poland ayaa markii hore la filayay in ay xaalad xun ku abuuro kartay Senegal laakiin ilaa dhamaadkii ciyaarta Senegal ayaa kuwa gacanta sare lahaa iyaga oo ilaa daqiiqadii 86 aad hogaanka kuhayay 2-0 laakiin Poland ayaa iyada oo ciyaarta afar daqiiqo ka hadhsan tahay hal gool rajadeeda ku soo noolaysay.Xulka qaranka Senegal ayaa halis xili danbe ay Poland la soo baxday iska badbaadiyay si ay saddexda dhibcood ee Groupkooda ay u helaan waxayna tani la micno tahay in Senegal ay haysato fursad fiican oo ay wareega 16ka kooxood ee koobka aduunka ugu soo bixi karaan.

SOMALIA

DIGNIINTA GARGAARKA - DIGNIINTA QARASHKA

_______________________

D &Aaladda

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD, oo ah

Shirkad abaabulan oo sharciyaysan oo ka hooseysa shuruucda Japan ee 6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta gawaarida ee raba.

OGEYSIIS WAXA KA BEDELAYaa in dacwadaha sharciga laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midab takooro ama haddii kale ay jabiyaan xuquuqda shirkaddaas


SOMALIA

DIGNIINTA GARGAARKA - DIGNIINTA  QARASHKA

----------------------

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD, oo ah shirkad abaabulan oo sharciyaysan oo ka hooseysa shuruucda Japan ee 6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta gawaarida ee raba.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXINAYaa in dacwad sharciyeed lagaga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kastaoo la midab takooro ama si kale u jebiyaxuquuq dashirkaddaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip