Madaxweynaha oo caawa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo badan

0
Tuesday June 19, 2018 - 22:00:29 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo caawa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo badan

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa wareysi uu siiyay TV-ga dowladda wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, colaada Tukaraq, shirkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa wareysi uu siiyay TV-ga dowladda wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, colaada Tukaraq, shirkii Golaha amniga Qaranka ee Baydhabo iyo arrimo kale.

Farmaajo ayaa marka hore ka hadlay wixiii u qabsoomay mudada uu xilka hayo wuxuuna tusaale u soo qaatay in ay bedeleen dhaqan siyasadeedka, wax badana ka qabteen arrimaha musuq maasuqa iyo dhaqaalaha iyo in ay soo celiyeen sharafkii ummadda Soomaaliyeed.

Ammaanka

Madaxweynaha ayaa soo hadal arrimaha ammaanka wuxuuna sheegay Hay’adaha ammaanka in ay si adag u shaqeeyeen gaar ahaan bishii Ramadaan oo aanay Muqdisho ka dhicin wax qarax ah, sidaasi darteed wuxuu umahadceliyay shacabka Sooomaaliyeed oo la shaqeynaya ciidamada ammaanka.

Dib u heshiisiinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta ayuu sheegay inay wax badan ka qabteen, welina ay hawlo kale oo arrimahaasi ku saabsan ay harsan yihiin, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna tusaale u soo qaatay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dhismo lagu bilaabayo, wuxuuna tilmaamay in ay meel wanaagsan mareyso.

Shirkii Baydhabo

Shirkii Baydhabo ee Golaha Amniga Qaranka ayuu sheegay inuu qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu heshiiyay in la wada qeybsado kheyraadka, Madaxda isugu timid halkaasi ayuu sheegay inay muujiyeen dulqaad iyo in horey loo sii socdo, wuxuuna tilmaamay in ay ka wada hadleen sameynta in la wada qaato masuuliyad wadareed, si jiilka soo socda ay u helaan wax ay dhaxlaan.

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Farmaajo oo si faah faahsan uga hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay ujeedkiisa inuu ahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo in labada dal ay is ixtiraamaan, kaasi oo ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid amni.

"Runtii shirkaasi wuxuu ahaa mid labada dowladood muhiim u ah, booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku yimid Muqdisho wuxuu ujeedka ahaa in labada dal ay xoojiyaan wada shaqeyntooda, horey amni ayaan uga hadli jirnay, balse hada waxaan fursada u helnay inaan ka hadalno arrimo dhaqaale, Ra’iisul Wasaaraha booqashooyin ayuu ku tagay dalal Afrika ka mid ah, balse midka annaga uu inoogu yimid wuu ka duwanaa, labada dal waxay ka faa’ideysanayaan xiriirka ganacsi ee dhexmaraya, waxaan heysanaa xeebta ugu dheer ee Afrika, iyaguna shacab badan ayay heystaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay warar maalmahan la isla dhexmarayay baraha bulshada, kaasi oo ahaa in labada dal la mideynayo, Dekedaha Soomaaliyana lagu wareejinayo Itoobiya. Wuxuuna yiri "Dhaqan ayaa jira oo ah inaan la dooneyn in horey loo socdo, Dekad cid la siiyay malahan Dekadaha Soomaaliya ayay ku yaalaan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Itoobiya ma lahan waxay ka imaan karaan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsatada Soomaaliyeed, arrintan waxay mareysaa sharci, waxaana la horgeynayaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga.

Colaada Tukaraq

Maxamed C/aahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada Tukaraq, wuxuuna sheegay in nasiib daro ay tahay in weli 28 sano uu dalka ku daato dhiig bilaa macno daro ah, wuxuuna colaada Tukaraq ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna sheegay inuu si joogto ah ula xiriiro labada dhinac, marna ku guuleystay in xabada la joojiyo, balse uusan sii shaqeyn wada hadalkaas, labada maamul ayuu ugu baaqay in ay wada hadlaan.

Dagaalka Shabaab

Dhalinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab ayuu ugu baaqay in ay dowladooda isku soo dhiibaan oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee ay ku jiraan, "Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada la qalday in ay dowladooda u soo laabtaan, dhistaana mustaqbalkooda, dowladdu waxay balan qaadeysaa in ay dhalinyaradaasi siin doono Waxbarasho, Shaqo abuur iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, Shabaab waa cadowga koowaad ee ummadda Soomaaliyeed, waxaana u dagaalamaya dhalinyaro mustaqbal leh oo la qalay.”

Geba-gebada:-Madaxweynaha ayaa waxaa la weydiiyay su’aal aheyd inuusan si deg deg ah u hadlin marka ay dalka ka jiraan xaalado adag, wuxuuna ku jawaabay "Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, wayse ku dhamaadaan, xagee loo noqonayaa hadii Madaxweynaha uu marka hore hadlo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa masuuliyadda xukuumadda iska leh, waxaana la shaqeeya Wasiiro, iyaguna ka hoos shaqeeya xubno kale, shaqada sidaasi ayay ku socon kartaa, Ra’iisul Wasaare aan ku kalsoonahay ayaa shaqeeya, dad badan ayaa ku fekeraya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is qabanayaan, balse taasi ma dhaceyso,”

Halkan hoose ka daawo Wareysi uu siiyay Telefishinka 

Qaranka ee SNTV

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip