Jubbaland oo xukun dil ah ku riday Askari dilay xaaskiisa

0
Tuesday June 19, 2018 - 21:50:08 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo xukun dil ah ku riday Askari dilay xaaskiisa

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday C/laahi Asad Ismaaciil oo horey loogu eedeeyay inuu dilay Xaaskiisa 14-kii bishii April, waxaana xaaskiisa lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday C/laahi Asad Ismaaciil oo horey loogu eedeeyay inuu dilay Xaaskiisa 14-kii bishii April, waxaana xaaskiisa lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Calanley ee Magaalada Ksimaayo, xilli habeen ah saacadu marka ay aheyd 08:00 fiidnimo, sida ay horey u sheegtay Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay horay u dhageysatay kiiska, ugu dambeyna ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland ayaa sheegay ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda inuu u furan yahay Racfaan.

Ehelada Marxuumka dilka loo gaystay ayaa dalbaday in cadaalada la waafajiyo kiiska dilka, eedeysanaha dilka gaystayna tiirka loo geeyo, ugu dambeyna xukunkii maxkamadda wuxuu noqday dil toogasho ah.

C/laahi Asad Ismaaciil ayaa Muxubo Maxamed Guure guursaday 15-kii bishii Janaayo 2018-ka, waxaana dhacdadan maalmihii dambe aad loogu hadal hayay baraha bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip