Askari ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo maanta lagu dilay Muqdisho

0
Tuesday June 19, 2018 - 18:35:09 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo maanta lagu dilay Muqdisho

    Askari ka tirsan ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa kala hagida gaadiidka waddooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa kala hagida gaadiidka waddooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida oo saarnaa gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Nabadsugida.

Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Hilowle, waxaana la sheegayaa in ka hor inta aan la dilin uu muran dhex maray askartii la socotay gaariga ciidan ee wadada marayay, kuwaasoo la sheegay in si qaldan wadada ku soo galeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigay, lana geeyay xarunta Dambi baarista.

Gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada ee lagu galbiyo saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta ayaa waddooyinka u mara si qaldan oo hareer marsan sharciga waddooyinka, waxaana mararka qaar ay xoog ku maraan waddooyinka aan seedkooda aheyn.

Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ayaa ah kuwo ugu badan ee dhibaatooyinka loogu geysto, xilliyada ay ku guda jiraan howlaha kala hagida waddooyinka, waxaana ay aheyd bil ka hor markii agagaarka Isgoyska Bakaaraha lagu toogtay askari Taraafiko ahaa, kaasoo dilkiisa ay sheegatay Kooxda ISIS, markii la dilayayna laga qaaday sawirro lagu faafiyay baraha bulshada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip