Maxkamadeynta Arday Somali Ah Dalka Australia Oo Dib Loo Dhigay

0
Tuesday June 19, 2018 - 13:53:11 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadeynta Arday Somali Ah Dalka Australia Oo Dib Loo Dhigay

    Cali Khaliif Cali oo 21 jir waxna ka barta Jaamacad ku taalla dalka Australia ayaan shalay soo xaadirin Maxkadda, sida uu qoray Wargeyska The Herald Sun ee ka soo baxa dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Khaliif Cali oo 21 jir waxna ka barta Jaamacad ku taalla dalka Australia ayaan shalay soo xaadirin Maxkadda, sida uu qoray Wargeyska The Herald Sun ee ka soo baxa dalkaasi.

Ardaygaasi waxaa uu ku eedeysan yahay inuu qorsheynayey inuu Weerar Aregagixiso ka geysto Munaasabadii dhalashadda sannadkii hore ee 2017-kii.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha xiriir la leeyahay Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, isla markaana uu qorsheynayey inuu toogasho baahsan ka geysto Munaasabad loogu dabaal degi lahaa Dhalashadda sannadkii hore oo lagu qaban lahaa Fagaaraha Federation Square ee ku yaalla magaalladda Melbourne oo ah magaalladda 2-aad ee ugu dadka badan dalka Australia iyo caasimadda Gobalka Victoria.

Dhinaca kale, hadal ka soo baxay Saraakiisha Xabsiyadda ee dalka Australia ayaa sheegay in ay dib u dhacday Maxkamadaynta Eedeysane Cali Khaliif Cali oo la filayey in shalay la soo taago Maxkamadda.



Eedeysanaha oo deggan magaalladda WERRIBEE ee Galbeedka magaalladda Melbourne ayaa la filayey in shalay la soo taago Maxkmadda Melbourne si loo go’aansado haddii la soo gole joojin karo iyo in kale..

Wargeyska the The Herald Sun ayaa qoray inuu Eedeysanaha ku guul-daraystay inuu hor yimaado Maxkamadda, kadib, markii uu boos ka waayey Baska Xabsiga ee la doonayey in lagu geeyo Xarunta Maxkamadda qaadi lahayd Kiiskiisa.

Garsoore Simon Zebrowski oo la hadlay Wargeyska The Herald Sun waxa uu xaalladda ku tilmaamay wax weyn oo aan caadi ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, lama shaacinin xilliga Eedeysanahaasi mar kale la soo taagi doono Maxkamadda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip