(SAWIRO) Dad Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalladda Malmo Ee Sweden.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Malmo ayaa lagu sheegay in wiil 18-jir ah iyo nin 29 jir ah ku geeriyoodeen Isbitaalka, halka 4 kalena laga daaweeyey dhaawacyadii ka soo gaaray Toogashadaasi.
War haatan soo dhacay ayaa sheegay in nin 3-aad oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay, oo da’da 30-aadka ku jiray waxa uu ku geeriyootay isbitaalka.
Wargeyska maalinlaha eeAftonbladetee ka soo baxa dalkaasi waxa uu qoray in Dhibanayaasha la weeraray, xilli ay ka soo baxeen goob Inter café ah oo ku taalla Xaafadda Drottninggatan ee bartamaha magaalladda Malmo.
Wargeyska kale eeSydsvenskanwaxa uu qoray in 3 ka mid ah dadka lagu dhaawacay Toogashadaasi ay ku yaallaan dhaawacyo aad u halis ah.
Boliska weli ma aysan shaacinin haddii dadka la dilay ku jiraan dadka shisheeyaha ee ku nool dalka Sweden.
Ma kala cadda inay Toogashadaasi xiriir la leedahay Ciyaartii Koobka Adduunka ee ay Xulka Sweden ay 1-0 kaga badiyeen Xulka Koonfurta Kuurya
Sidoo kale, ma kala cadda inay toogashadaasi raad ku leedahay Dagaalka Kooxaha Gangestaradda iyo kuwa iibiya Daroogadda oo la sheegay inay aad ugu soo kordheen magaallooyinka Malmo, Stockholm and Gothenburg
Halkan ka daawo Muuqaalka Toogashadda ka dhacday Malmo.
WQ: Ustaad Nuradin
(SAWIRO) Dad Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalladda Malmo Ee Sweden.
Toogasho ayaa waxay saqdii xalay ka dhacday Bartamaha magaalladda Malmo oo ah magaalladda 3-aad ee ugu weyn dalkaasi, isla markaana ku taalla Koonfurta dalka Sweden, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi. Shabakadda Wararka ee thelocal.se ayaa qortay in