Ra'iisul Wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo

0
Tuesday June 19, 2018 - 12:29:48 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo

    . Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

. Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.

----DHAMMAAD----

c32ffa94-d195-4b75-8ef2-a94a0a8b6e19
c4a38232-41f2-4f96-90a3-14b1ce0fd940
1333e9d1-78c9-49c9-9aa2-9e2f51da9ce7
29d2dd5f-4058-4846-991e-9730c69b3455
28a24a88-c27d-42bc-86ca-b64758c23194


01c04e2d-a2d0-44a1-9e39-00bc17afedb1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip