Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay heshiiska Somaliya & Itoobiya
Wuxuu sheegay Madaxweyne Waare in heshiisyadaasi ay yihiin kuwa waxtar badan u leh labada dowladood, isaga oo Madaxda labada dhinac ku ammaanay ka guul gaarista heshiiskan.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale sheegay heshiiskaasi inuu faa’iido u leeyahay shacabka deegaanada Hirshabelle oo xuduuda dhaw la leh dalka Itoobiya
"Annaga hadaanu nahay Hirshabeelle xuduud ayaan ku naalnaa, aad ayaan u soo dhaweyneynaa heshiisyada Dekedaha ku saabsan, si ay u timaado isdhexgal, waxaa imaanaya in la helo shaqooyin iyo mustaqbal, hadii laga mira dhaliyo heshiisyadan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay heshiisyada Dekedaha mid ka mid ah in ay tahay mida Cadale oo ay maamusho Hirshabeelle.
"Waxaan aaminsanahay kuna hawlgaleynaa, afartaas Dekedood mida ugu horeysa ay tahay tan Cadale oo ay maamusho Hirshabeelle, waxaa noo qorsheysan in Dekedaas ay noqoto mid adeegyo badan laga helo oo faa’idooyin u leh maamulka.” Ayuu markale yiri Waare.
HALKAAN KA DAAWO :-
Waare oo so dhaweyay heshiiska Somaliya iyo itoo
Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay heshiiska Somaliya & Itoobiya
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu ka hadlay heshiisyadii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen 16-kii bishan, heshiisyadaasi waxaa qayb ka ahaa in la maalgelinayo afar Dakedood.