Israa'iil oo wasiir hore ku eedaysay in uu u basaasay Iiraan

0
Tuesday June 19, 2018 - 11:51:21 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo wasiir hore ku eedaysay in uu u basaasay Iiraan

    Israa'iil ayaa wasiir hore ku soo oogtay in uu Iiraan u basaasay, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha ee Shin Bet. Gonen Segev oo dhakhtar ah soona noqday wasiirkii tamarta 1990yadii, ayaa lagu eedeeyay in ay Iiraan u qoratay basaasnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil ayaa wasiir hore ku soo oogtay in uu Iiraan u basaasay, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha ee Shin Bet. Gonen Segev oo dhakhtar ah soona noqday wasiirkii tamarta 1990yadii, ayaa lagu eedeeyay in ay Iiraan u qoratay basaasnimo isaga oo Nigeria ku nool.

Waxaa la xiray isaga oo booqasho ku tagay dalka Equatorial Guinea bishii May, codsi ka yimid booliiska Israa’iil dartii ayaana loo masaafuriyay.

Ninkan 62 jirka ah ayaa shan sano lagu xukumay 2005tii isaga oo lagu eedeeyay ka ganacsi daroogo sharci darro ah iyo in uu samaystay baasaboor dublamaasi oo been abuur ah.

Ruqsadiisii dhakhtarnimada ayaa sidoo kale lagala noqday, balse waxaa loo ogolaaday in uu dhakhtar ahaan uga shaqeeyo dalka Nigeria, ka dib markii uu dalkaas u wareegay markii xabsiga laga siidaayay 2007dii.

War qoraal ah oo ay daabacday Shin Bet Isniintii ayaa lagu sheegay in Segev la xiray sidaadii uu cagaha u dhigay Israa’iil bishii hore.

Waxaa la waydiiyay xog sheegaysa in laga yaabo in uu xiriir la lahaa sirdoonka Iiraan, uuna gacan ka gaysanayay hawlahooda ka dhanka ah Israa’iil.



Baareyaasha ayaa intii ay su’aalaha wadeen ogaaday in Segev uu labo jeer xiriir la sameeyay masuuliyiinta safaaradda Iiraan ee dalka Nigeria sannadkii 2002dii, labo jeerna uu Iiraan u safray si uu ula kulmo qolyihii uu la shaqaynayay, ayay tiri Shin Bet oo Israa’iil u qaabilsan ammaanka gudaha.

Segev wuxuu intaas ku daray in uu dadkii la shaqaynayay uu dalal kalana kula kulmay isaga oo lagu wareejiyay waxyaabo si sir ah loogu xiriiro.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip