Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

0
Tuesday June 19, 2018 - 11:48:19 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

    Wuxuu sheegay heshiiskaasi in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin Somaliland, isaga oo tilmaamay in waxba uusan iska bedelin heshiiskii ay horey u wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu sheegay heshiiskaasi in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin Somaliland, isaga oo tilmaamay in waxba uusan iska bedelin heshiiskii ay horey u wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay heshiiskii ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.


"Laba wadan oo aan jaar nahay ayaa heshiis wada galay, xaq ayay u leeyihiin in ay ka hadlaan wixii danahooda ah, laakiin wixii quseeya Somaliland annaga cid aan aheyn go’aan kama gaari karto.”Ayuu yiri Wasiir Sacad.sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland heshiisyada ay wada galeen Soomaaliya iyo Itoobiya in aysan quseyn dekedaha ku yaalla Somaliland oo ay ka mid tahay mida magaalada Berbera.

"Dekedaha Somaliland oo ay ka mid tahay mida Berbera ma quseeyaan Farmaajo, ma jiraan wax nagu kalifaya inaan Itoobiya wax ka weydiino heshiiska ay galeen, waxaan mar walba diyaar u nahay inaan difaacano dhulkeena.” Ayuu mar kale yiri Wasiir Sacad.



Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmaha soo socda waxaa la hadal hayaa inuu booqasho ku tagi doono dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula kulmayo Madaxda dalkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip