Danjire Cali Saciid Fiqi oo Risaala uga waramay jawaabta gal dacwadeedka muranka Badda

0
Tuesday June 19, 2018 - 11:36:04 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Cali Saciid Fiqi oo Risaala uga waramay jawaabta gal dacwadeedka muranka Badda

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay jawaabta gal dacwadeedka muranka Badda oo shalay ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay jawaabta gal dacwadeedka muranka Badda oo shalay ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Cali Saciif Fiqi oo gacantiisa ku geeyay jawaabta Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay aheyd jawaab Soomaaliya laga sugayay kama dambeys 18-ka June 2018-ka.

Wuxuu sheegay Soomaaliya in ay si xir fadeysan ay u soo saartay jawaabteeda, ayna gacanta ka saartay masuul ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, isaga oo intaas ku daray in Kenya looga fadhiyo in ay keento jawaab la mid ah mida Soomaaliya ugu dambeyn dhammaadka sanadkan bisha December 2018-ka.

"Sida aad ka warqabto Maxkamadda hada waxay galeysaa in ay dhageysato arrimaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku heystaan, Maxkamadda sanadkii hore waad ogeyd in ay go’aan gaartay kaasi oo la xiriiray in ay dhageysato kiiska, Kenya waxaa laga sugayaa December 18-keeda ee sanadkan, wixii ka dambeeya Maxkamadda ayaa go’aan ka gaari doonta.” Ayuu yiri Danjire Fiqi.

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000-KM oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Somaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip