Maamulka Gobolka Banaadir oo burburin ku bilaabay dhismayaal sharci darro oo laga dhistay Garoonkii Jeenyo
Waaxda Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday burburinta dhismayaasha sharci darada, taasoo aheyd amar uu dhowaan soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo ahaa in 3 maalmood lagu baneeyo goobaha Danta Guud.
Gawaarida cagaf cagafta ayaa burburiyay dhismayaal laga hirgeliyay garoonkaas, waxaana howsha burburinta la filayaa in maanta lagu soo gabagabeeyo.
Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud C/fataax Xalane ayaa sheegay in 80% ay burburiyeen dhismayaasha sharci darada ee laga hirgeliyay garoonka, isla markaana dib loo howl gelin doono Garoonka Jeenyo ee lagu ciyaari jiray Kubadda Cagta..
"Ninkii Danta guud daqligiisa geliya dudumin ayaa u dambeysaā€¯ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.
Waa dhismihii labaad oo Maamulka Gobolka Banaadir uu burburiyo, iyadoo todobaadyo ka hor la burburiyay darbigii lagu wareejiyay dhulkii Barxada Piazza Libero ee ku dhow Barxada Ceel Gaabta.
Maamulka Gobolka Banaadir oo burburin ku bilaabay dhismayaal sharci darro oo laga dhistay Garoonkii Jeenyo
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta burburin ku bilaabay dhismayaal sharci darro ah oo laga dhistay Garoonka Jeenyo ee degmada Yaaqshiid oo ka mid ahaa goobaha danta guud.