Ra'iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

0
Tuesday June 19, 2018 - 10:43:53 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa kulan ku qaatay magaalada Oslo, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin xo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa kulan ku qaatay magaalada Oslo, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, ka wada shaqaynta arrimaha amniga, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka guud.
Wasiirka Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wasiirka warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladda Dalka iyo qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa bogaadisay horumarka ballaaran ee dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo, waxa ayna ka dhawaajisay in ay xukuumadda Oslo ay sii joogteyn doonto taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Norway ayaa maalinta berri ah ka qeyb gelaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo kaas oo socan doona mudda laba maalin ah ayna kasoo qeyb gelayaan madax ka socota caalamka.

c287da91-3ed2-4aa8-9a44-f47ae793911a


716895a7-4c3a-4669-954f-43cdc47a7a36

40edd477-4764-41e7-84a6-2bd528ef199d


©2018 OPM | Mogadishu | Somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip