HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-ka 2018-KA
Sidaas waxaa yiri mudo haatan toban sano ka badan laga joogo Xuseen Ceydiid oo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha gudaha soo noqday sidoo kalena ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii soomaalida.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku hadlayay afka Amxaariga ayaa isaguna sidan yiri:
"Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”
Haddaba Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo midka uu horey u sheegay Xuseen Ceydiid waxaa ka muuqata in qorshe mudo dheer laga shaqeynayey uu jiro oo Soomaaliya lagu darayo Itoobiya waana arin halisteedu ay aad u culus tahay shacbiga soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay aad ugu baraarugaan kana hor tagaan arintan.
Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha
Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan gudaha Maxkamadda Caalamiga
ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, ayaa gudbiyay jawaabta gal dacwadeedka
muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Axmed Cali Daahir iyo qareenada la
socda oo ay ka mid yihiin Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga
Yurub Dr. Cali Said Faqi ayaa la filayaa inay la hadlaan Warbaahinta, si ay
faahfaahin uga bixiyaan Jawaabta Gal dacwadeedka ay gudbiyeen.
Galka Dacwadeedkan ayaa waxaa lagu
balansanaa in Ergadan mataleysa Soomaaliya ay Maxkamadda ku wareejiyaan shalay
oo ay ku beegantahay Taariikhda 18/06/2018 saacadu Bariga Afrika markey aheyd
4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya
Mudane Axmed Ciise Cawad oo dhawaan Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay
in Dowlada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn Wada xaajood Dacwada Badda oo ay la
gasho Kenya, wuxuuna xusay Wadada kaliya ee Murankan lagu xalin karo inay tahay
go’aanka ay soo saarto Maxkamada Hague
WASAARADDA ARIMAHA DIBADDA NORWAY OO KU SOO DHAWEYSAY
MAGAALADDA OSLO RAISULWASAARE XASAN
KHAYRE .
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa
gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u
fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka
Norway.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye
ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka
furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda
Norway.
Shirkaan oo qorshuhu yahay in uu
socdo 1920 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta
khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.
Madasha waxaa ka qeyb galaya
sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha
dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António
Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas
Greminger, U qaabishana Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha
Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka
Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.
Kulanka inta uu socdo waxa ay ka
qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor
gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo
caqabadahaas.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa
sidoo kale inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb
galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo
muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la
kulmayo.
DIYAARADO DAGAAL OO DAD KA QABSATAY DEEGAANADA
AWDHEEGLE IYO BARIIRE
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya
diyaarado dagaal oo saacadihii la soo dhaafay dad ka qafaashay deegaano ka
tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka laga helayo Sh/ Hoose ayaa
ku warramaya in habeen hore diyaarado aan heybtooda la garaneyn ay ku dagteen
tuulooyin hoos yimaada deegaanada Awdheegle iyo Bariire oo ka wada tirsan
gobolkaasi.
Waxaana la sheegay in halkaasi ay ka
qafaasheen illaa 7 ruux oo Rag ah, halka 2 qof kalena ay dileen, sida ay
Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Meelaha diyaaraduhu ay ku dagteen
aya waxaa ka mid ah tuulada Shangare oo hoos timaada deegaanka Awdheegle ee
gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana gacanta ku haya
deegaanadaasi Xarakada Al Shabaab, inkasto illaa iyo hadda wax war ah aysan ka
soo saarin arrintaasi.
Inta badan diyaaradaha dagaalka
Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya K/ Soomaaliya oo weli ay ku
xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab.
MUWAADINIIN AY SOOMAALI KU JIRTO OO XABSIGA TANZANIA LA DHIGAY
Ciidamada Booliska dalka Tanzania
ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeyn dhalinyaro qaab aan sharci aheyn ku soo
galay dalkaasi isla markaana baaritaan xoogan uu ku socdo dadkaasi.
Laamaha amniga dalkaasi ayaa Dadkan
lagu eedeeyay sida sharci darada ah iney ku galeen Tanzania ayaa waxaa tiro
ahaan lagu sheegay 6 ruux kuwaa oo kasoo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo
Ethiopia kuwaa oo haatan ciidamada amaanka dalkaasi ay sheegeyn in ay gacanta
kuhayaan.
Dhanka kale liiska magacyada raggan
lagu eedeeyay falkan aya magacyadooda lagu kala sheegay Abraham Adoise (24), Abete Eramo (23),
Beyene Abute (25) Abshir Aboulah (17),
Mahad Ahmad (14) iyo sidoo kale Ahamed
Mohamed (26) sano jir ah .
Taliyaha ciidamada Booliska dalkaasi
Jonathan Shanna oo shir jiraa’id qabtay ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in
lixdaasi qofood lagu qabtay magalada Msalabani ee dagmada Bagamoyo ee Tanzania.
Taliyaha oo sii hadlayay aya
carabaabay in uu aad ugu mahad celinayo ciidamada amaanka ee dalkaasi ee
gacanta kusoo dhigay raggan documentiyada been abuurka ah kusoo galay dalkaasi
isla markaana su’aalo laga weydin doono sababta rasmiga ah ee ka dambeesa arintan.
Guud ahaan waxaa bishii Ramadaan ee
aynu ka soo gudubnay aad loo adkeyay amniga iyo dhanka soo galootiga dalkaasi
kadib markii saraakiisha amaanka dalkaasi ay digniino kala duwan udireen
ciidamada amaanka guud ahaan Tanzania in si wanagsan loo’ilaaliyo amniga guud
ee dalkaasi
R/W KHEYRRE OO NORWAY KALA HESHIIYAY SIDII
DUGSIYADA QUR’AANKA LOO XAKAMEYN LAHAA!!
Inkastoo warbaahinta afka Soomaaliga
wax ku qora aanay hadal heyn, haddana kulankii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
Xasan Cali Kheyrre iyo dhiggiisa Norway Erna Solberg wuxuu ahaa mid dhinacyo
badan tabanaya.
Warbaahinta Norway Today oo kamid ah
warbaahinnada loogu aaminidda badan yahay gudaha dalkaas ayaa qortay in
qorshayaasha ay kawada hadleen labada dhinac ay ku jirtay sidii dugsiyada
Qur;aanka loo hubin lahaa islamarkaana loo xakameyn lahaa.
"Wax badan kama ogin, diyaar uma
ahin in caruurteenna lagu burburiyo dalka ay mustaqbal ahaanta u leeyihiin,
sidaa darteeda waan baaari doonnaa oo aan hubin doonnaaa” ayuu Kheyrre u
sheegay Erna January sannadkan markii lagu sugnaa Davos.
Solberg ayaa ku andacootay in
caruurta SOomaalida loo baahan yahay in laga ilaalliyo xagjirnimada maaddaama
ay yihiin kuwa u baahan ku noolaashaha nolol istaraaxo ah.
Kheyrre ayaa ahaa muwaaddin iyo
qaxooti ku nool Norway tan iyo sannadkii 1989kii, markaas oo uu ka cararray
Soomaaliya ka dib burburkii ay lugaha la galeysay xilligaas.
NIN KA TIRSANAA DARIIQADDA SUUFIYADDA OO LAGU
DALDALAY DALKA IIRAAN…
Ninkaasi oo la oran jirey Maxamed
Salas ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee shalay la daldalay, sida lagu
xaqiijiyey Websaytka Garsoorka dalkaasi.
Eedeysanaha oo 51jir ahaa waxa uu
horey u sheegay inuu si kama’ ah gaariga ku jiirsiiyey Askartaasi, xilli uu ka
cararayey Dibadbaxyo rabshado watay oo u dhexeeyey Boliska iyo Taageerayaasha
Hoggaamiyaha ka soo jeeda dadka haysta Dariiqadda Suufiyadda ee dalkaasi,
Nuuraali Tabandeh.
Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty ee
Xuquuqda Aadanaha waxay shalay soo saartay qoraal ay ku muujisay inay ka
naxeen, kana tiiraanyeysan yihiin dilka Marxuumkaasi.
Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay
ka walaacsan yihiin xukunkiisa oo aan si Xaq ah ku dhicin.
Dadka ku nool Iiraan waxay
badankooda yihiin Shiico,kuwaasi oo ay ku dhex nool yihiin dadka Sunniyiinta, gaar ahaan kuwa Dariiqadda
Suufiyadda.
DALKA MACEDONIA OO MAGACA LAGA BEDDELAYO
Dowladda Macedonia ayaa ku
dhawaaqday in uu socdo qorshe ku aadan in Magaca dalkaasi laga badello oo loo
bixiyo magac kale.
Wasiirada arrimaha dibedda dalalka
Greece iyo Macedonia ayaa saxiixday heshiis taariikhi oo horudhac ah oo ku
saabsan in magac laga beddelo dalka Macedonia.
Nikos Kotzias oo ka socda Greece iyo
Nikola Dimitrov oo ka socda Macedonia ayaa heshiiska waxay axaddii ku
saxiixdeen degmada Prespa Lake ee xuduudda labada dal kala qeybisa.
Ra’iisul wasaaraha Greece Alexi
Tsipras iyo dhiggiisa Macedonia Zoran Zaev, ayaa goob joog ka ahaa saxiixa
heshiiska oo magaca Macedonia ku beddelaya magac cusub ee Jamhuuriyadda
Waqooyiga Macedonia.
Macedonia ayaa ogolaatay inay magac
iska beddesho, si Greece ay u qaaddo xayiraadda ay dalkaas ka saartay ka mid
noqoshada ururada NATO iyo Midowga Yurub.
Sharcidejiyayaasha labada waddan
ayey qasab tahay inay heshiiska taageeraan, taasi oo qaadan karta bilo.
Labada dal ayaa arrintan ku
muransanaa tan iyo markii ay Macedonia xorriyadda qaadatay 1991kii.
Dad badan oo Greek ah ayaa rumeysan
in isticmaalka magacaas uu aflagaado ku yahay tariikhda dalkaas, ayna la macno
tahay qeyb ka mid ah dhulka Greece oo la sheegtay.
KHASAARE BADAN OO KA DHASHAY DHULGARIIRKII KU
DHUFTAY JAPAN
Dhul gariir xooggan oo ku dhuftay
magaalada labaad ee ugu wayn dalka Japan ee Osaka, ayaa waxaa ay korantida kaga
go’day tobonnaan kun guri.
Waxaa sidoo kale dhul gariirkan ku
dhintay saddex qof oo ay ku jirto gabar yar oo 9 jir ah iyo nin 80 jir ah.
Dhul gariirkan ayaa waxaa sidoo kale
ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof.
Dhul gariirkaan oo cabirkiisu ahaa
6.1 cabirka dhul gariirada lagu qiyaaso ayaa dhacay xilli ay dadka shaqooyiinka
u kalahayeen.
Tobannaan qof ayaa ku xannibmay
goobaha tareenada laga raaco.
Waxaa jira warar sheegaya in dhul
gariirkan uu waxyeelo gaarsiiyay dhismooyiin iyo dhuumaha qaada biyaha.
Dhul gariirada ayaa ah kuwa ku badan
dalka Japan.
Xukuumadda Japan ayaa muddooyiinkii
ugu dambeeyay xoojisay xeerarka la xiriira dhulgariirada.
FALASTIINIYIINTA OO U ADEEGSADAY AABITEEY LAGU
XIRAY QARAXYO IYO YUHUUDDA OO ....
Waaberigii hore ee shalayyto waxay
Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen 9 bartilmaameed oo ay Dagaalamayaasha
Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga Marinka Qasa.
Hadalqoraal oo ka soo baxay Askarta
Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay Duqeyntaasi jawaab u ahayd weerar ay XAMAAS ka
geysteen Koonfurta Yuhuudda.
XAMAAS waxay adeegsadeen Abiteey
(kites to carry petrol bomb) iyo Baloono lagu xiray waxyaabaha qarxa iyo ololka
dhaliya, kuwaasi oo aragagax ku abuuray dadka deggan Koonfurta Yuhuudda.
Wasiiro Yuhuudi ah ayaa ku baaqay in
laga hortago xeelladda cusub ee a yXAMAAS adeegsadeenm halka Jeneral kale
sheegay inay diyaarinayaan Drones beegsan kara Abiteydadusha ee ay XAMAAS qaraxa ku soo xiraan.
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxay Askarta Yuhuudda dileen ugu yaraan 125
Falastiiniyiin aan hubeysnayn, kuwaasi oo si joogto ah dibadbaxyo uga dhiga
Deegaanadda Marinak Qasa ee u dhow Xuduudka Yuhuudda.
Dibadbaxayaasha waxay doonayaan inay
dib ugu laabtaan Deegaanadooda oo ay Yuhuudda xoogga uga soo barakiciyeen
sannadkii 1948kii oo haatan laga joogo 70sanno.
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO KULAN DEG DEG AH LA LEH
SARAAKIIL CIIDAN
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed
Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidamada
qalabka sida, kuwa Amisom iyo kuwa Jubbaland.
Kulankan oo hada ka socda
Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb
galaya Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaasi.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada
Jubbaland ayaa Dhacdo.com u sheegay in kulanka uu yahay mid xasaasi ah oo
diirada lagu saarayo arrimaha ammaanka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah
Mintidiinta ururka Alshabaab.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa
sheegaya in Madaxweynaha uu saraakiisha ku amray in ay qaadaan dagaal ka dhan
ah Shabaab si looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.
Dhawaanahan ayaa qaar ka tirsan
deegaanada Jubbaland waxaa ka socday hawlgallo Shabaab lagula dagaalamayo,
kuwaasi oo ujeedkooda uu yahay sidii loogala wareegi lahaa goobaha ay
maamulaan.
KENYA OO SHAACISAY TIRADA ASKARTA LOOGA DILAY QARAX
KA DHACAY WAJEER
Dowladda Kenya ayaa waxay shaacisay
tirada askartii uga dhimatay weerar qarax ah oo daraad gelinkii dambe ka dhacay
magaalada Wajeer ee gobolka NFD.
Charles Owino oo ah afhayeenka
Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dhinteen qarraxaasi 8 askari oo ay
saraakiil ku jiraan.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in
ciidamadan iyaga oo wada hawlgallo amni sugid ah miino lala eegtay gaarigii ay
saarnaayeen.
"Argagaxisada ayaa qarax la eegtay
ciidan Boolis ah, waxay dileen Sideed askari oo saarnaa gaari Roondo
sameynayey, waxaan ku dedaaleynaa sidaan uga hortagi lahayn weerarada sidaan oo
kale ah” ayuu yiri Afhayeenka.
Dhanka kale, Afhayeen Owino ayaa
sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga deegaannada
NDF, ulana dagaallami lahaayeen Alshabaab.
Xoogaga Shabaab ayaa qaraxyada
Miinooyinka ee jidka la galiyo waxa ay u dhigaan askarta Kenyanka ah ee
hawlgalada ka sameeya Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
SADDEXDII DHALINYARADA EE HABEEN HORE MUQDISHO LAGU
DILAY OO LA AASAY
Allaha u naxariistee waxaa shalay
Magaalada Muqdisho lagu aasay saddexdii wiil ee isla dhalatay ee habeen hore
lagu dilay Muqdisho.
Saddexda marxuum ayaa lagu kala
magacaabi jiray Xasan Jeyte, Cabdullahi Jeyte, Xuseen Jeyte.
Saddexdaan wiil oo isku aabe iyo
isku hooyo ah ayaa waxaa habeen hore dilay wiil askari oo ay ilmo adeero ahaayeen.
Dilka saddexdaan wiil ayaa wuxuu ka
dhacay Degmada Kaaraan waaxda Jamhuuriya, gaar ahaan Xaafadda Al cadaalla.
Gacan ku dhiiglihii dilay dhalinyaradan
ayaanan illaa hadda gacanta lagu soo dhigin sida qaar ka mid ah ehelada ay
xaqiijiyeen.
Dilka loo gaystay saddexdaan
dhalinyarada ah ayaa wuxuu salka ku haayo arrimo ku aadan muran dhuleed.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO DIYAARISAY SHARCIYO LAGU
MAAREEYO KHAYRAADKA BATROOLKA IYO MACDANTA DALKA
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka
Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay sharciyo lagu
maareeyo khayraadka batroolka iyo macdanta dalka, gaar ahaan marka loo eego lahaanshaha
iyo wadaaga dakhliga.
Heshiiska waxaa sameeyey dowladda
federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka ee Golaha Amniga Qaranka
waxayna fududeeyeen oo ay gacan ka geysteen Baanka Adduunka iyo Golaha Iskaashiga
Goboleedka.
Heshiiska, oo lagu dhisay caasimadda
kumeelgaarka ah ee Baydhabo 5tii Juun, ayaa soo gabagabeynaysa hannaan saddex
sano ah oo uu hogaaminayo wasaaradda si loo abuuro qaab lagu horumariyo warshadaha
shidaalka, waxaana u oggolaanayaa wasaaradda in ay soo saarto ruqsadaha iyo
maamulidda batroolka iyo hawlaha macdanta ee Soomaaliya.
Guddiga Iskaashiga DowladGoboleedka,
Guddi farsamo oo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo
Dowladda Federaalka ayaa hoggaaminayey geeddisocodka wadatashiga baahsan oo
dhan iyo dhammaan dhinacyada waxsoosaarka leh.
Madaxweynaha Soomaaliya, H.E.
Mohamed Abdullahi Mohamed, iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha H.E. Xasan Cali
Khayre iyo Madaxda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Duqa
Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sugay heshiis siyaasadeed oo heer sare ah oo
ku saabsan mabaadi’da hagaya maareynta qaybaha.
"Dhammaystirka heshiiskan waxa uu
tilmaamayaa cutub cusub oo ku saabsan horumarka iyo horumarka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri H.E. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka
Batroolka iyo Macdanta.
"Wasaaraddu waxay si wada jir ah ula
shaqeyn doontaa wadamada xubnaha ka ah federaalka si dhaqso ah u hirgeliyaan
dhammaan sharciyada iyo siyaasadaha, kormeerka iyo kormeerka dhammaan liisamada
la soo saaray ka hor heshiiskan.”
xidasho: Africa Business
INKABADAN 50 RUUX OO KA MID AHAA SHAQAALIHII
MADAXTOOYADA OO SHAQADA LAGA ERYAY
Inkabadan konton ruux oo isugu jira
rag iyo dumar kana mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar qura
laga eryay kadib sanado badan oo ay ka shaqeenayeen qeybaha kala duwan ee
Madaxtooyada.
Shaqaalahan laga eryay Madaxtooyada
Soomaaliya ayaa ka shaqeynayay qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada sida
Nadaafada, Cunto kariyaal iyo qeybo kale oo kamid ah Xarunta Madaxtooyada
Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan
in shaqaalaha laga eryay Madaxtooyada
Soomaaliya ay hore ugu soo shaqeeyeen xiliyo adag.
Shaqaalaha laga eryay xarunta
Madaxtooyada Soomaaliya lagu lagu armay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha
Xukuumada Soomaaliya in ay u wareejiso Wasaarado iyo Hay’adaha kale ee dowlada
Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Kuxigeenka
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu amray in shaqaalaha laga eryay
xarunta Madxatooyada si deg deg ah kusoo celiyaan kaararka aqoonsiga
Madaxtooyada hadii kale laga qaado doono talaabo sharciga Waafaqsan.
SHIRKADDA TWITTER OO AQOONSATAY SHARCI AHAANSHAHA
CINWAANKA NUSOJ EE @ NUSOJ_SOMALIA
Twitterka Ururka Suxufiyiinta
Qaranka Somalia ee NUSOJ @ NUSOJ_Somalia ayaa dib loo soo celiyey, sidaas waxaa
sheegay Guddoomiyaha NUSOJ, Maahir Jaamac.
Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ ayaa lagu shaaciyey inay ku
guuldeysteen inay dib u soo celiyaan Twitterkooda Sharciga ee loo aqoonsan
yahay ee @ NUSOJ_Somalia
Twitterkaasi ayaa horey loo hakiyey
(suspended), kadib, markii la isku dayey in lala wareego.
Shirkadda Twitterka waxay cinwaanka
@ NUSOJ_Somalia u aqoonsatay Ururka NUSOJ, isla markaana waxay gaashaanka ku
dhufteen sheegasho la been abuurtay.
Hakadka horey loo geliyey cinwaanka
Twitterka ee NUSOJ ayaa timid, kadib, markii ay Qareeno ku sugan Europe oo la
marin habaabiyey ay buuxiyeen Kiis ka dhan Ururka Suxufiyiinta Qraanka Somalia
ee NUSOJ.
Warsaxaafadeedka NUSOJ ayaa lagu
sheegay inay ku faraxsan yihiin inay shaaciyaan in dib loo soo celiyey
Twitterka NUSOJ, iyadoo Shirkadda Twitterka ogaadeen sheegashaddii Omar Faaruuq
Cismaan inay tahay mid aan asaas lahayn oo aan sal lahayn.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka
NUSOJ, Maahir Jaamac waxa uu daraad oo Axad ahayd sheegay in Cinwaanka NUSOJ
haatan shaqeynayo, isla markaana ay dadka ka heli doonaan wararka ugu dambeeyey
ee Xaalladaha Suxufiyiinta Soomaalida.
Sidoo kale, Shirkadda Twitter waxay
horey u hakiyeen Cinwaanka Khaaska ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim
Macallimu (@MOALIMUU), balse dib ayaa loo furay, kdaib, markii ay Shirkadad
Twitterka yaqiinsadeen runta, kana daba
tageen Sheegashadda been abuurka ee uu isku soo duway Cumar Faaruuq oo sheegta
xilka Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ oo horey cod looga qaaday Xafiiska bishii
March ee sannadkii 2011kii.
MARADII GADUUDNEYD MA LA TABEY MISE WAA LA HILMAAMAY?
Boqor Thabit, kabtanka G/Banaadir,
Ra’iisul Wasaaraha soo socda, siyaasiga Soomaaliya, xiddiga Xamar, miskiin u
kaalmeeyaha Muqdisho iyo ereyo kale oo amaan u badan ayay huwan jireen
taageerayaashiisa, waa la koolkoolin jirey, sacab iyo sawaxan ayaa lagu soo
dhaweyn jirey marka muuqiisa la arko, farxad, jaceyl iyo kalsooni ayaa loo
muujin jirey.
Wax ka yar Hal sanno ayuu
hogaaminayay maamulka G/Banaadir hase yeeshee taariikh wanaag u badan ayuu ka
tagey, shaqooyin lagu amaani karo ayuu qabtay intii uu xafiiska joogay,
isbadalo maamul ayuu ku dhiiradey, dhismayaal ayuu ka taabagaliyay Muqdisho,
waddooyin ayuu dhisay, hiil ayuu u noqday haweenka waxaana uu ku taxay xillal
badan, magac iyo mamauus balaaran ayuu ku kasbadey sidii uu ugu damqaday dadkii
ay waxyeelada ka soo gaartay Masiibadii Isgoyska Zope.
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-ka 2018-KA
XUSEEN CAYDIID 10 SANO KA HOR: "ANAGA IYO ITOOBIYA WALAALO AAN NAHAY HAL BAASABOOR…" "Inaga iyo Itoobiya Walaalo ayaan nahay hal Baasaboor ayaana yeelaneynaa,sidoo kale hal ciidan ayaan yeelanaynaa, xuduuda inaga dhaxeysana w