Maqaal: Soomaaliya shalay 1977 miyey khaldaneed mise maanta 2018 markii loo fiiriyo Itoobiya

0
Monday June 18, 2018 - 12:17:37 in Wararka by
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Soomaaliya shalay 1977 miyey khaldaneed mise maanta 2018 markii loo fiiriyo Itoobiya

    SUAAL: MAXAMED FARMAAJO IYO MAXAMED SIYAAD MIDKEEBAA SIYAASAD AHAAN SAXAN, MIDKEESE KHALDAN? AMA SIKALE HADII LOO-DHIGO SIYAASADA SOOMAALIYA EE KU AADAN ETHIOPIA MA SHALAYTO (1977-DII) AYEEY KHALDANEED MISE MAANTA 2018-KA YEEY SAXANTAHAY? AFEEF:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SUAAL: MAXAMED FARMAAJO IYO MAXAMED SIYAAD MIDKEEBAA SIYAASAD AHAAN SAXAN, MIDKEESE KHALDAN? AMA SIKALE HADII LOO-DHIGO SIYAASADA SOOMAALIYA EE KU AADAN ETHIOPIA MA SHALAYTO (1977-DII) AYEEY KHALDANEED MISE MAANTA 2018-KA YEEY SAXANTAHAY? AFEEF: Qoraalkaan kooban qof ama koox looga soo horjeedo ma jirto, sidaas oo kale qoraalkaaan kooban qof ama koox lagu taageeraayo ma jirto. Sidaas oo kale, QORAALKAANI kama hadlaayo WAR-MURTIYEEDKII ka soo baxay Horjoogayaasha Labada Dal ee Somalia iyo Ethiopia, sababta oo ah si kasta oo heshiis-kaasi u fiican-yahay hada Soomaaliya kama jirto Dowlad karti u leh in aay gasho heshiis calami ah, sababta oo ah malahan ARAGTI SIYAASADEED OO CAD IYO KARTI-FULINEED sidaas darteed waqti badan kuma lumineeyno. UJEEDO:

Ujeeda qoraalkaani waa mid-kooban, kana JAWAABAYA su’aasha sare ku xusan ee ah: War heedhe, Soomaaliya ma shalayto (1977 dii) ayeey khaldaneed mise maanta ayeey saxan-tahay? Mise Soomaali maanta 2018-ka ayay saxan-tahay oo waxay khaldaneed 1977-dii. Su’aashaan waxay igu dhalatay ka dib kolkii aan daawaday qaabkii iyo kool-kooliskii lagu soo dhoweeyay Raisal Wasaraha Dalka Ethiopia, waxaa si aad iyo aad ah iigu muuqatay in Raisal Wasaaraha Ethiopia in loo-qabay JACAYL-DHEERI ah. Hadaba waxaa isku keey qaban waaysay JACAYLKA IYO MARXABAYSKA iiga muuqday Madax-da Soomaalida ee sanadkaan 2018-ka iyo Madaxdii 1977 kii oo inaga WARAABIN-JIRAY NACAYBKA Ethiopia. Dadkii xiligaas ardayda ka ahaan jirnay Dugsiyada Dowlada ee Kacaan Ku-Sheegii LUGOOYADA ayaa sifiican u xasuusta BEENTII xiligaas la iangu HABI-JIRAY, waxaana hubaa in Madaxda hada aay ka mid-ahaayeen kuwii LAGU BAR-BAARIN jiray NACAYBKA Ethiopi waase hadii aay ahaayeen arday sax ah. Sidaas oo kale, waxaan dib u xasuustay WARBAAHINTII Kacaankii Lug-gooyada ee 1977-dii iyo Warbaahinta maanta 2018-ka… Waaba KAAF-IYO-KALA DHEERI, Gshalayto Ethiopia waxay ku sumadeysneed in aay tahay GUMAYSIGA MADOW, balse hada waa walaalo aan wadaagno DHIIG IYO DHAQANKA, waa isla Radio-Muqdishu, hadee la soco KAYDKA Radio Muqdishu waxaa ka buuxa HEESIHII guubaabada iyo Kicinta Dadweynaha ee NINKII DHOOF KU YIMIDAA GEERIDU DHIBAYSAA, balse maanta waxaa KAYDKA Radio Muqdishu la dhigay Ethiopia iyo Soomaaliya waa walaalo oo waxay wadaagaan DHIIG IYO DHAQANBA….. CAJIIB, Ethiopia waa Gumaysi Madow waxaa dadka u sheegaayay JAALE MAXAMED SIYAAD, saakayto-na dadka waxaa u sheegay MAXAMED FARMAAJO in Soomaaliya iyo Ethiopia in aay isku DHIIG IYO DHAQAN-YIHIIN, hadaba waa yaabee labadaan nin waa kuma ninka BEENTA sheegaaayo? Ma FARMAJAA MISE MAXAMED SIYAAD? Jawaabta waxaan u dhaafayaa aqristaha, balse sida caqliga saliim-ka ah sheegaayo waa in midkood yahay BEENAALE, waliba ma xishoode ah.


HORDHAC:
Sida muuqata Soomaaliya waxaa ka jira JAHAWAREER dhanka Xiriirka ku aadan Ethiopia iyo Soomaaliya, mana lahan wado sax ah oo la isla ogyahay e maalinba ninbaa sidii uu doono ugu RATI-KACSADA, nin wuxuuu ku leeyahay waa GUMAYSI MODAW, hadana nin kale ayaa ku leh waa walaalaheen waxaana wadaagnaa DHALASHO IYO DHAQAN… Nin aan yaabinaa ku leh anigaa yaabay. Si kastaba ha ahaato aniga waxay ila tahay dadka Soomaaliyeed la daala-dhacayaan 3 arimood oo mid-kasta dhibaatadiisa leeyahay, waana 3 daan arimood.
SAL-FUDEEYD
Sida muuqata Soomaalida waxaa Alle ku imtixaanay ama FARAQA ugu shubay SAL-FUDEED, waa umad marba meel ku boodeysa, maanta waxaan TV-ga Qaran-ka ka daawaday rag magac iyo darajo aaysan mutaysan la huwiyay oo ku xadraynaaya JACAYLKA JACAYLKA aay u qabaan Ethiopia, waxayna ku HADAAQAYEEN, erayo biyo-dhacoodu ahaayeen anaga iyo Ethiopia waxaan nahay walaalo wadaaga CIRQI, DHAQAN, IYO DIINBA…..CAJIIB, war-goorma ayay Soomaaliya iyo Ethiopia wadaageen CIRQI IYO DHAQAN? Haa waa sax Ethiopia waa dal aan Deris-nahay waana sii ahaan doonaa, balse waxaa su’aal ah goorma ayaan isla-meel dhignay QADIYADII ina dhex-taalay?
Waa-yaabe ma Ethiopia ayaa ku soo biirtay CIRQIGA Soomaaliga ah? Mise Soomaaliya ayaa ku biirtay CIRQIGA AXMAARO IYO TIGRAAY ama xataa OROMO? Sidaas oo kale ma AXMAARO IYO TIGRAAY ayaa soo Islaamay mise anaga Soomaali ahaan ayaa ku DIIN NOQATAY AXMAARO, TIGRAAY ama xataa OROMO? Goorma ayayse Soomaali iyo AXMAARO, ama TIGRAAY IYO SOOMAALI isku dhaqan noqdeen? Xataa mala hubaa in OROMO IYO SOOMAALI isku dhaqan-yihiin? Mise maadaama Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wato magac Muslim ah dhibaatadii Soomaaliya iyo Ethiopia u dhexeysay ma halkaas ayay ku dhamaatay? Ar-Soomaaliyaa? Sal-Fududaa oo xamaasad badanaa, oo Ethiopia necebaa oo hadana Ethiopia jecelaa…
Bal ka warama hadii sanadka soo socda ee 2019 ka hadii Ethiopian doortaan Ra’isal Wasaare aan Muslim ahayn, ileen wax-garadka (Ethiopia’s Elite) badankiisu Muslim ma ahan e, Soomaali xagee-bey qaban-doontaaa? Ethiopian-ku ma sii ahaan doonaan walaalo aan DHIIG IYO DHAQAN-ba wadaagno? Mise waxaan ku laaban-doonaa in aan ku hadaaqno mar kale Ethiopia waa GUMAYSI MADOW iyo war ka kacaay? Iyo Ninkii Dhoof-ku-yimidaa geeridu-dhibaysaa? Waase yaab e GOORMA ayaase siyaasada aduun-yada lagu jaan-gooyay in la isku yahay isku CIRQI, isku DHAQAN iyo isku-DIIN-ba? Dalka aanu deriska nahay ee Yaman waxa diyaaradaha ku garaacaya waa Ciidan-ka Sucuudiga, Dalka Liibiya waxa FARA-GELINTA ku haaya waa Masar iyo Imaaraad-ka Carabta, Dadka Qadar waxa cuna-qabataynta ku haaya waa dalal Carbeed oo kale. Sidaas darteed xiriirka Dowladuhu kuma dhisna CAADIFAD iyo isku Cirqi ama isku Diin Ayaan nahay e wuxuu ku dhisan-yahay in lakala ilaashado Masaalix iyo Dano Umadeed, (National Interest) balse arinkaan Soomaali wali kama hana-qaadin ee wali waxaan nahay DAMEER DHAAN-RAAC, hadii uu talada gacanta ku dhigo nin leh Ethiopia waa cadow, dadka Soomaaliyeed waxay ka daba jiibinayaan Ethiopia waa cadow, balse hadii nin leh anaga iyo Ethiopia waxaan nahay saaxiibo, hada Soomaaliyeed waxay kadaba jiibinayaan anaga iyo Soomaaliya waxaanu nahay saaxiibo.
XASUUS-YARI,
Sida la wada og-soon-yahay anaga iyo Ethiopia waxaa inaga dhexeeya taariikh dheer oo dhamaan-teed ku ASTAYSAN DHIIG IYO DAGAAL…Sida ku cad taariikhda Ethiopia waxay ku doodi jirtay in Soomaaliya tahay qeyb ka mida Ethiopia, sidaas oo kale anaguna hadii aanu nahay Soomaali waxaan sheeganaa ama ku dooneeynaa in Ethiopia ugu yaraan ianaga haysato dhul baaxadiisu dhan-tahay Dhulka Ethiopia oo AFAR-LOOQEYBIYAY QEYB-AHAAN…. Dooda Ethiopia u kaadi e, bal ka warama teenii ama qeybtii inooga maqneed Ethiopia? Mise waxaan ku hilmaanay in HAL MAR la sheegay in uu Ethiopia Ra’isal Wasaare ka noqday nin la sheegay in aay iska dhaleen laba waalid oo mid-Muslim yahay kan kalena Masiixi yahay…Kol hadii Ethiopia dooratay Ra’isal Wasaare la sheegay in uu Muslim yahay, maka tanasulnaa dhulkii inaga maqnaa ee aan naf-iyo maalba u hurnay. Xisaabta-se maku darsanay in labedeli-karo Ra’isal Wasaaraha aan CAASHAQ-SANAHAY? Hadii se dadka Ethiopian-ku doortaan berito subaxdii Ra’isal Wasaare aan Muslim aheen xageebanu qaban-doonaaa?
Aqriste, arin-taan XASUUS-YARIDA ahi waa cudur koowaad ee ragaadiyay WADAR-XASUUSEEDKA (Collective Memory), dadka Soomaalida, waana dad aan TAARIIKHDA waxba ka baran isla markaas-na aan waxba xasuusanin, isla markaasna aanba kala aqoon runta iyo beenta. I mean the majority of Somali people, waa umad ka aradan FIKIRKAsaliimka ah. Soomaalidu waxa aay ku-faanaan (qaab-caadifad) ah in aay yihiin dad geesiyaal ah….. in aay yihiin dad isla qab-weyn, balse kolka aad hoos u sii fiiriso waa waxba kama jiraan,… Waa umada kali ah ee MAALIN NUSKEED lagu halmaamsiin karo tariikh ka badan KUN SANO. . Kaba sii daran e kii shalayto ku yiri dhinacaas iyo Galbeed marna ha eegina ayaa hadana ku leh WALAALIHIIN waxay idinka jiraan dhanka Galbeed ee yaan la idinkaga hor-marin,.. Haka yaabin in aay dhahaan Mudane SHALAYTO adiga ayaa inagu dhahay Galbeed ha eegina e, hadana sidee ku dhici kartaa in aad Galbeed farta inoogu fiiqdo…. XASUUS-YARIDAASI waa tan Mudanaha u fududeeysay in aanu kaba baqin in su’aal laga keeno sheekada cusub ee uu la yimid: Anaga iyo Ethiopia waxaan isku nahay isku Af, isku Diin iyo isku Dhaqan, CAJIIB, shalayto-na sheekada la isku soo galay waxay aheed waa qoran-tahay in kasta oo aan la xasuusan.
UMAD MADAX-DEEDA HAYIN U AH
Waxaa jirta Xikmad Luqada Carabiga ugu qoran sidaan: AL-NAASU-CALAA DIINI MULUUKI-HIM, oo macnaheedu yahay Dadka badankiis waxaa u Diin ah Diinta Madax-dooda. Hadii Madax-du tiraa WAXAA IYO WAXAAS ayaa fiican, sida SHIMBIRKA BAQ-BAQAA ayay Madax-dooda ka daba dhahayaan WAXAA IYO WAXAAS ayaa fiican. Dancan ASTAAN-TAASI waxaa mid ka mida ASTAAMAHA lagu garto umadaha asaagood ka haray. … Umad kasta oo aan lahayn GARASHO FOG, dhanka nolosha iyo taariikh-da waxay khatar ugu jirtaa in aay DAB-KU-SHUBAAN kuwa aan dadka caadiga ah waxba dhaamin ama aan ka xikmad badneeyn balse si KHALDAN SEEFTU gacantooda u gashay.
TUSAALE ahaan Soomaalidu ma waxay ku khaldaneed Dagaalkii aay la gashay Ethiopia sanadadii 1977-1978 dii? Mise waxay ku khaldan-tahay MARXABAYSKA maanta (June 2018) ka? Si kale hadii hadalka loo dhigo ma waxaa khaldanaa HOGAANKII 1977 mise waxaa khaldan HOGAANKA maanta ee 2018? Sinaba suurta-gal uma ahan in labada HOGAAN isla qaldan-yihiin ama isla saxan-yihiin, sidaas darteed waa in uu jiraa HOGGAMIYE khaldan Labada Hogaamiye, waana in TAARIIKHADA lagu xisaabiyaa. Nasiib daro sida iiga muuqatay TV-ga Qaran-ka waxaa la rabaa in dadka laga iibiyo sidaan:
– Hogaankii jiray sanadkii 1977 dii waa saxnaa, kan hada jirana waa saxan yahay ee HOODA KOOBKAAN BIYAHA AH KUNA LIQA BEENTAAN CAD.
Haka yaabin in BEENTAAS CAD LALIQO XATAA HADII LA KEENO FUUSTO BIYO ah…Dagaalkii 1977-dii waxaa ku dhintay QIYAASTII SIDEED KUN OO WIIL, wiilashaas dhiigoodu waa in uu sabab cad oo lagu qanci karo yeeshaa. Hadiise aay si KHALAD ah naftoodii ku waayeen SIDEED KUN oo wiil waa in MAXKAMAD LA SOO TAAGAA cidii Dalka iyo Dalka Soomaaliya ka gashay JARIIMADAAS. Sina macquul uma ahan in aan haba yaraatee aan la qiimeeyn dhiiga SIDEEDAAS KUN EE WIIL, waa in la helaa SABAB CAD oo la aqbali karo in aay u dhinteen. Dadka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in aay yeeshaan garasho aay ugu yaraan ku kala gartaan HABEEN IYO MAALIN, sida hada xaalku yahay waa si aan la aqbali Karin, DUNIDA guudkeeda kuma noola umad aay suurta gal tahay in HABEEN IYO MAALIN-BA BEEN CAD loo-sheegi karoo oo hadana iska aqbalaysa, intaas kaliya maahee waliba waxaa si cad loo arki karaa in aay dadka Soomaaliyeed u sii nugul-yihiin aqbalaada iyo U HAYIN NOQASHADA kolba sida aay u kala been-badan yihiin kuwa fahmay in shacbigaani yahay shacbi aan lahayn XASUUS WADAREED, shacbi beentii shalay loo-sheegay hadana maanta loo-sheegi karo,….Waa shacbi qabatimay beenta, sidii been loogu sheegay, oo hadana loogu sheegaay, oo hadana loogu sheegaay ayuu shacbiga Soomaaliyeed gaaray heer aanu noolaan-ba Karin hadii aan been loo-sheegin. Dhibaatada Dalka Soomaaliya ka jirta waa xidido badan-tahay balse xididka ugu weyn: WAA U NUGLAANSHAHA BEENTA iyo maqnaanshaha XASUUS-WDAREEDKA. Waa shacbi xasuusta ka ah sida UMUL: horayna nin gabyaa ahaa ayaa yiri sidaan:
AR-ILOWSHA DHOWAA MA UMULAA
Fadlan hablaha Soomaaliyeed raali ha iga noqdeen, xumaan uma jeedo e waxaan ujeedaa baarujin iyo in aan isku dayo in aan nooleeyo XASUUS-WADAREEDKA dadka Soomaaliyeed.

GEBAGEBADII
Mar-labaad, qoraalkaani ma ahan mid lagu taageeraayo ama looga soo horjeedo qof gaara ama koox gaara e waa FALAN-QEYN looga baaraan-degaayo waxa ka khaldan XASUUS WADAREED-ka dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, SHAKHSI ahaan (my personal opinion) aniga waxay ila tahay in aay lama huraan tahay in XAL-WAARA loo helo dhibaatada dhex-taala Soomaaliya iyo Ethiopia, balse waa in aan xaqiiqada laga tegin, waana in marka hore CIRQIGA Soomaaliga ahi marka hore isla meel-dhigo waxa laga yeelaayo Xiriirka Labada Dal ee Ethiopia iyo Soomaaliya, Kama-danbeeystana Soomaali waxaa laga rabaa in aay lABA-ARIMOOD mid-doortaan:
1. In aay aqbalaan waxa Af-ka Qalaad lagu dhaho (Moren Nation-State), waa in aduuyadu u qeybsan-tahay DOWLADO LEH XADUUDO QARAN oo lao-aqoon-san-yahay. Xaduudahaasi waxaa sameeyay isla markaasna aqoonsan Wadamadii ku adkaaday Dagaalkii Labaad ee Aduun-yada. Wadamadaas dagaalka ku adkaaday ee Maraykan-ka, Ruush-ka, Ingiriiska iyo Faransis-kuba Dhagax-Buur, Jig-Jiga, Diri-Dhabe, Godeey iyo Wardheer-ba waxay u aqoon-san-yihiin in aay qeyb ka yihiin dalweynaha Ethiopia.
2. In aan diidno NIDAAMKA CAALAMIGA ah ee (Modern Nation States), waa in aan horay ugu sii socano wadadii aan ku soo socanay NUS-QARNIGII ugu danbeeyay. Aragtidaaani waxay ka dhigan-tahay Ruush, Maraykan, Ingiriis iyo Faransis-ba idinma aqoon-sani, Dhagax-Buur, Jig-Jiga iyo Godayna waa Dal Soomaaliyeed. Hadii aan qaadano aragtida danbe waa in aanan waqti iskaga qaadin in aan mqagacowno SAFIIRO, ama in wadamada kale in aay wadankeena u soo dirsadaan SAFIIRO…. Soomaaliyadii Bur-Burtay waxay u bur-burtay waxay kala aqoon-weysay labada arimood ee aan kor ku soo sheegay midkii aay dooran-laheed.
Hadal iyo dhamaantiis, 40 sano ka bacdi ma waxaa saxan Farmaajo oo Soomaalida ugu baaqaaya in Soomaaliya iyo Ethiopia walaalo yihiin, xiligii Ololaha Doorashada Farmaajo dareen-ka dadka wuxuu ku kasbaday in uu soo celin doono KARAAMADII Umada Soomaaliyeed, baaqaas oo dadka Soomaaliyeeed u fahmay in uu Ethiopia meel saari-doono, hada: HADA XAALKU WAA KA DAR OO DIBI-DHAL, Farmaajo asaga ayaaba dadkii ka dheereeyay oo umad horteed la soo is-taagay Soomaaliya iyo Ethiopia waxay wadaagaan DHIIG IYO DHAQAN. Dhanka kale, hadalka FARMAAJO inkasta oo uusan afka ku balaarin hadana hadalkiisa waxaa laga fahmi karaa in Maxamed Siyaad Bare khaldanaa sanadkii 1977-dii ee ma runtiis-baa? Mise asaga ayaa hada khaldan? Jawaabta waxaan u dhaafayaa aqristaha.
Mahadsanidiin dhamaantiin.

Hassan Nur

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip