Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd , Switzerland Oo Bar-bar Dhac Min Hal Gool Ah Qoorta U Gilisay Xulka Brazil.

0
Monday June 18, 2018 - 11:35:34 in Wararka by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd , Switzerland Oo Bar-bar Dhac Min Hal Gool Ah Qoorta U Gilisay Xulka Brazil.

    Brazil ayaa nasiinada ugu dirrtay qaranka Switzerland hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 20-aad waxaana saxiixay Philippe Coutinho kaasi oo gool cajiib ah ka toogtay banaanka qadka rigoorada . Biloowgii ciyaarta ayaa aheyd mid dar da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brazil ayaa nasiinada ugu dirrtay qaranka Switzerland hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 20-aad waxaana saxiixay Philippe Coutinho kaasi oo gool cajiib ah ka toogtay banaanka qadka rigoorada . Biloowgii ciyaarta ayaa aheyd mid dar dar leh oo ma jirrin dhinac kubadda si gooni ah u maamulayay balse Brazil aagga goosha Switzerland ayaa u muuqatay . Brazil ayaa mararka qaar si toos ah u haysatay maamulka kubadda oo gaareysay heer dhan %68 waxa ayna Switzerland dhankooda ka sheeganayeen in kubadda ay soo gaarsiiyaan aagga Brazil iyo in ay sameeyaan baasas dhameystiran .

Ka dib dhacdooyinkaas , Switzerland waa ay soo weerar tagayeen waa ayna haminayaan goosha Brazil balse dhameystirka saxda ah ayaa ka maqnaa

Dhamaadkii ,Switzerland kubadda waa ay la qeybsanayeen Brazil balse kama aysan faa`ideysan , waxaana nasiinada lagu aaday halkaas gool ee ay gacan sareeyeen saaxibada Neymar

Soo laabashadii , ciyaarta jawi degan ayay ku bilaabatay iyo baasas gaagaban ah halka Switzerland ay ka sheeganayeen qaladaad dhanka baasaska ah marka ay u dhawadaan aagga goosha Brazil .

 

Si waliba , Switzerland dadaalkoodii gool ayay ku keeneen ka dib kubad koorno aheyd waxaana madaxa ku dhaliyay Steven Zuber daqiiqaddii 50-aad inkastoo Brazil ka doodayeen maadaama laacibkaas uu riixay si cad waliba ciyaaryahan Brazil ah oo kubadaas daafici karay.

Ka dib goolkaas , ciyaarta waa is fur furtay inkastoo qaladaad ay dhacayeen waxa ayna labada qaran wadeen dar dar ah in natiijada ciyaarta wax ka badaleen

Brazil waa ay dadalaayeen waa ayna sigayeen mararka qaar goosha Switzerland balse daafac ayaa diidanaa xilli la dhihi karay dhanka goosha iyaga ayaa u dhawaa



Dhamaadkii , Brazil ayaa kubadda ku badneyd halka Switzerland ahaayeen dhanka is difaacayay waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaalka celiska ah

Dhamaadkii Brazil cadaadiska ayay sii xoojiyeen halka Switzerland iyana daqiiqadihii ugu dambeeyay ay la baxsanayeen kubad waliba oo cagtooda soo gasha balse jaiwga guud marka la eego Brazil ayaa mudneyd in ay helaan goolka guusha

Daqiiqadii 90-aad gool cajiib noqon lahaa waxaa Ferminho ka bad baadiyay goolhayaha ka dib Free Kick aheyd oo uu soo laaday Neymar halka ka dibna Brazil dhowr jeer sii sigeen shabaqaSwitzerland , waxa ayna fursaddii ugu darneyd Brazil laga bad badiyay ilbirqisiyadii ugu dambeeyay ee waqtiga dheeriga , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min halkaas gool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip