Diyaaradaha Sacuudiga & Imaaraadka oo duqeyn ku garaacaya Magaalada Xudeyda

0
Monday June 18, 2018 - 11:31:04 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Sacuudiga & Imaaraadka oo duqeyn ku garaacaya Magaalada Xudeyda

    Diyaaradaha dagaalka ee Xulafada Sacuudiga ayaa wada duqeyn xoogan oo ay la beegsanayaan difaaca maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gacanta ku haya magaalada xeebta saaran ee Xudeydah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka ee Xulafada Sacuudiga ayaa wada duqeyn xoogan oo ay la beegsanayaan difaaca maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gacanta ku haya magaalada xeebta saaran ee Xudeydah.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa Sabtidii sheegay inay iska caabiyeen duulaanka uga yimid ciidamada Imaaraatiga oo ay wehliyaan ciidamada Yemen oo isku horfadhiya koonfurta magaaladaasi

Waxay maleeshiyaadka Shiicada ah beeniyeen in xoogaga Imaaraatiga hogaaminayo ay gacanta ku dhigeen Madaarka magaaladaasi, nawaaxiga Xudeydah Airport ayey ka socdaan weli dagaalo culus.

Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa ahmiyad gaar ah siinaya qabashada xudeydah oo ay sheegeen dekadda ku taal ay kooxda Xuuthiyiinta kasoo dajiyaan hubka laga keeno Iran.

Waxay xulafada sheegeen in dekadda Xudeyda lagu wareejiyo guddi ka socda Qaramada Midoobay ama Xukuumada Yemen ee Madaxweyne AbdiRabi Mansuur Hadi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip