Kenya oo shaacisay tirada askartii looga dilay weerarkii Wajeer

0
Monday June 18, 2018 - 11:28:11 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shaacisay tirada askartii looga dilay weerarkii Wajeer

    Dowladda Kenya oo faah faahin ka bixisay weerarkii shalay gelinkii dambe ciidankooda lagula eegtay deegaanka Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa qarax Miino oo lagu aasay wadada waxa ay la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya oo faah faahin ka bixisay weerarkii shalay gelinkii dambe ciidankooda lagula eegtay deegaanka Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa qarax Miino oo lagu aasay wadada waxa ay la eegteen gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Booliska Kenya, waxayna ka mid ahaayeen ciidan waday hawlgal roondo ah. Afhayeenka Booliska dalka Kenya Charles Owino oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi ciidanka Booliska Kenya looga dilay Sideed askari, wuxuuna tilmaamay in ciidanka ay ku baxeen Shabaabkii falkaasi ka dambeeyay.
"Argagixisada Shabaab oo halis ku ammaanka Soomaaliya iyo midka gobolka ayaa qaraxla eegtay ciidan Boolis ah, waxay dileen Sideed askari, ciidan gaar ah ayaa wada hawlgal looga daba tagayo raggaasi, waxay ciidamadeena ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada xagjiriinta.” Ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 15 askari oo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku gubeen gaari nuuca xambaara ciidanka.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada dhabagalka ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku socdaala magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip