Daahir Geelle "Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya"

0
Monday June 18, 2018 - 10:43:01 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahir Geelle "Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya"

    Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray maalin ka hor, kaddib booqasho lama filaan aheyd oo uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku yimid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray maalin ka hor, kaddib booqasho lama filaan aheyd oo uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku yimid Muqdisho.

Wasiir Daahir Geelle oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in heshiiska labada dal uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga, amniga, diblomaasiyadda iyo arrimo kale.

Mr Geelle ayaa sheegay in heshiiskan uu muddo soo socday oo dowladihii tan ka horeeyay ay soo wadeen, waxaana uu tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan.

Wasiirka Warfaafinta oo mar wax laga weydiiyay hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada wadan laga dhigay hal wadan oo wax walba wada qeybsada, ayaa sheegay labada dal ay kala madax banaan yihiin, kaliya ay wada galeen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi.

"Heshiiskani wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan, heshiiskani mudo ayuu soo socday, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya dhisaneyso Ciidamo Badda, isla markaana heshiiskan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah ayuu kaga jawaabay in dadka Soomaaliyeed arrimahaas shaki ka geli kara, balse gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

"Dowladda ka talisa Soomaaliya inay horumariso mooyee hoos ugama dhigeyso, gobonimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa laba taabtaan, Dekedaha iyo dalka cid la siiyay ma jirto,laakiin iskaashi dhaqaale oo dowlad kasta oo adduunyada ka mida haddii ay timaado la yeelan laheyn waaye waxaa meesha ka dhacaya, waana wax maslaxad Soomaaliyeed ku jirto”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed Ali oo dib ugu laabtay dalkiisa ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in laga soo gudbay colaada labada dal u dhaxeysa, isla markaana ay ku heshiiyeen inay noqdaan hal dal oo dhameystiran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip