HALKAAN KA AKHRISO :- WAA WARARKA WARGYESKA MOGADISHUTIMES DAAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA JUUN 2018-KA

0
Monday June 18, 2018 - 10:13:32 in Wararka by
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :- WAA WARARKA WARGYESKA MOGADISHUTIMES DAAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA JUUN 2018-KA

    R.W Itoobiya "Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay noqonayaan hal dal oo mid ah" Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo maalin kahor booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa markii uu dib ugu laa-btay dalkiisa waxa uu ware-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R.W Itoobiya "Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay noqonayaan hal dal oo mid ah" Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo maalin kahor booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa markii uu dib ugu laa-btay dalkiisa waxa uu ware-ysi siiyay TV-ga Qaranka dalkaasi, wuxuuna faah faa-hiyay wada hadaladii dhe-xmaray Soomaaliya iyo Itoo-biya.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in laga soo gudbay taariikhdii hore ee ku saleysneyd colaada labada wadan, hadana loo gudbay iftiin iyo walaaltinimo, labada dalna ay noqanayaan hal wadan oo mid ah.

"Wada hadalada na dhexmaray waxaan ku heshiinay arrimo rajo badan na geliyay sida inaan si KMG ah isaga kaashano dhaqaalaha, mustaqbalkana aan shacabkeena mideyno oo aan noqono hal wadan oo mideysan, waa in wadamada geeska afrika hadii ay suuragal tahay noqdaan hal dal oo dhameystiran sida Dubai, Mareykanka ama Yurub.” Ayuu yiri R.W Itoobiya.

"Midaasi waxaan ka heli karnaa faa’idooyin balaartan, caalamkana aan uga yeelan karno awood gorgortan, hadaba taasi micnaheedu muxuu yahay, Soomaaliya waa dal juqraafi ahaan ku yaalla dal muhiim ah laakiin biyaha bada ee Soomaaliya ku wareegsan waxay noqdeen kuwa maalintiiba aanan lagu arkin hal markab, ma ahan biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka inaan dhahno dekad la aan ayaan nahay dhibaato ayay nagu tahay mustaqbalka fog marka la eegana arrintaasi dhibaato fog ayay nagu yeelan kartaa.” Ayuu markale yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

DUQEYMO SHALAY KA DHACAY DEEGAANKA CEEL-CADE EE GOBOLKA GEDO{FAAFAAHINO DHEERAAD AH OO LAGA HELAYO }

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo la sheegay in ay fuliyeen diyaarado dagaal oo ka soo duulay dalka Kenya ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Wararka soo baxaya ayaa sh-eegaya in duqeymahaasi ay sababeyn khasaaro isugu jiro naf iyo maalba.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 5 ruux ayaa ku dhaawacantay laakiin sida dadka qaar oo la hadlay KNN ay qabaan khasaaraha ayaa intaas ka badan, waxaa kaloo jira xoolo badan oo ku dhamaaday duqeyntaasi, inkas-too aan si rasmi ah loo xaqiijinin tirada xoolo dhamaaday.

Goobaha ay duqeymaha ay ka dhaceyn ayaa ah goob ay dagana-ayeen dad shacab ah sida goobjo-ogayaal Idaacada Kulmiye la hadlay ay u sheegeen, lamana oga sababta ka dambeysta in la duqeeyo goobaha ay dagan yihiin dad shacab ah.

Dowlada Kenya iyo laamaha amaanka ee Soomaaliya ayaa wali ka hadlin duqeyntaasi shalay ka dhac-day deegaanka Ceel-cadde ee gobo-lka Gedo.

MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA HIRSHABELLE OO SHALAY BUKAANO KU BOOQDAY ISBITAAL MADINA

duqeyn Madaxweynaha dowlad gobole-edka Hirshaelle Maxamed Cabdi Wa-are,Madaxweyne ku xigeenka Hirsha-belle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirsha-belle Sheekh Cismaan Barre Maxa-med ayaa shalay si wadajir ah ugu booqday isbitaalka Medina ee mag-aalada Muqdisho ciidamo ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan.Mada-xda Hirshabelle ayaa mid mid u bo-oqday bukaanadan waxaana ay ga-arsiiyeen lacago deeq ah oo ay ugu talogaleen bukaanada iyadoo bukaa-nadan ay yihiin ciidamo ku soo dha-awacmay dagaal ka dhacay dhowaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hii-raan.

Hadal gaaban oo ay madaxdan jeediyeen booqashadooda kadib ayaa waxa ay si wadajir ah ugaga tacsiye-eyeen ciidamadii ku dhintey dagaalkii ka dhacay Moqokori, waxayna sidoo kale eebee ugaga baryeeyeen buka-anada dhaawacyada inay caafimaad deg-deg ah helaan.

"Ciidamadii ku dhintey dagaa-lada Hirshabelle waa shahiid kuwa dhaawaca ah xanuunka ayaan la qey-bsanaynaa wixii uu maamulka qaban karana waxba ka hagran maayo.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirs-habelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadlay ayaa sheegay in dadka dhaaw-aca ah ay ku dadaali doonaan sidii wax loogu qaban lahaa.

"Waxaan diyaar u nahay in aan wax walba u sameyno ciidamadeena ku dhaawacmay daafaca dalka haddii ay jiraan qaar u baahan in dibadda loo qaadana waxaan kala kaashan doo-naa dowlada Federalka.”ayuu yiri Ma-daxweynaha dowlad goboleedka Hi-rshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ehelada bukaanada ku jira isb-itaalka ee ay shalay madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirsha-belle booqashada ugu tageen ayaa u mahadceliyay madaxda waxayna she-egeen inay ku faraxsan yihiin in maa-mulka Hirshabelle uu marwalba u taagan yahay sidii uu ula socon lahaa ciidamada ku soo dhaawacma dag-aalada lagula jiro Alshabaab.

Booqashada isbitaalka ay shalay ku tageen madaxda ugu sare-ysa Hirshabelle ayaa waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiiro kale oo ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle.

WASAARADDA KALUUMEEYSIGA OO DIGNIIN U DIRTAY KALUUMEYSATADA SOOMAALIYEED

Digniintaan ka soo baxday Wa-saaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyra-adka Bada ayaa kusoo aadeysa  xili lagu guda jira  bad xiranka taasi oo ay suura galtahay in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gu-daha bada.

haalkan ka soo baxay Wasaa-rada Kalumeysiga iyo Kheyraadka ba-da ayaa lagu sheegay in kaluumee-ysatada Soomaaliyeed ay ka fijignaa-dan tagida meelaha  fof-fog ee Bada gudaheeda iyada oo la ogyahay  in kaluumeeystada anay haysan qalab ku filan sida ay sheegatay Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo ah Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Wasaa-radda Kaluumeysiga iyo kheyraadka bada.

Wasaaradda Kalumeysiga ay-aa sheegatay in xilgaan anay haysan qalabkii logu bad baadin lahaa kalu-umeysta xilyada badu ay kacs-anatahay waxaana taasi oo ay sab-abtay burburkii uu dalka soo maray.

inta lagu guda jira xiliga Bad xeranka ayaay Kaluumeysatada Soo-maaliyeed la kulmaan  qasarooyin isugu jira Naf iyo Maal, waxana she-egayaa in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dha-manba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux, hase yeeshe dadka kaluumeysatada ah  ayaa ka maarmin mihnadooda ku aadan soo jalaabashada kaluunka.

QARAX AY KU DHINTEEN TIRO ASKAR KENYA AH  OO KA DHACAY KUTULOOW

Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in qarax Miino oo dhulka lagu aasay uu ka dhacay deegaanka Kutuloow ee hoos taga degmada Wa-jeer.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari dagaal ay la socdeen Ciidamadda Ke-nya oo marayay deegaankaas.

Inta la xaqiijiyay 8-askari ayaa ku dhimatay qaraxa,waxaa sidoo kale burbur uu gaaray gaarigii dagaal ay wateen Ciidamadda Dowladda Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa baa-hisay in qaraxa ay ku dhinteen 8-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Do-wladda Kenya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu she-egay in 15 askari Kenyaan ah lagu dil-ay weerarkii shalay.

DOWLADDA UGANDHA OO SHIINAHA KALA HADASHAY SII JOOGI TAANKA CIIDANKEEDA SOOMAALIYA

Resal Wasaaraha Dalka Uga-nda Ruhakana Rugunda oo wasreysi siiyay wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalkaasi ayaa sheegay in uu kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka socda dalka China, isla markaana uu ka cod saday in gabi ahaan la soo af jaro dhibaatooyinka gobolka gaar ahaan gayiga Soomaaliya.

Wang Yang oo ah gudoonka sare ee xisbiga ugu weyn dalkasi oo hogaaminayay wafdigaasi booqash-ada ku tagay dalkaasi Uganda ayaa sheegay in dowlada China ay diyaar la tahay sidii ay guud ahaan gobolka ugu taareeri laheyd dhanka amniga iyo maal gashiga isagoona balan qaaday in dhawaan dowlada China ay qeyb kanoqon doono xalinta khila-afaadka kataagan dowr wadan oo ay ugu horeyso Somalia, South Sudan, Burundi iyo sidii wax loogu qaban lah-aa arimaha qaxootiga kunool dalal-kaasi.

Dhanka kale Mr Rugunda ayaa sheegay in dowlada Uganda ay cii-damo fara badan ka jogaan Soom-aaliya kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada midowga Africa ee Amisom ee dagaalka kula jira Al shabaab isagoona carabaabay in Dowlada China ay ka doonayaan taageero sidii ay golaha amaanka ee Qaramada Mi-doobey ay kala hadli lahaayeen in ay kusii nagaadaan Soomaaliya ciidanka Ugunda ee qeybta ka ah ee Amisom iyo sidii loogu sii laba jibaari lahaa waqtigooda intii laga wiiqayo awooda Xarakada Al shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay usheegtay dalalka ciidanka ka jooga Soomaaliya in sanadaha soo aadan ay iskaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, iy-agoona sheegay in ciidamada ama-anka dalka laga doonayo in amniga guud ahaan Soomaaliya ay si wa-nagsan u sugaan.

Dhanica kale Raisal wasaaraha dalka ugunda Ruhakana Rugunda ayaa carabaabay In amniga Sooma-aliya waqti xaadirkan aanu wanags-aneyn inkastoo ciidamada dowlada ay heystaan tababaro ku filan balse wa-xaa u sheegay in aysan jiran isku dhaf ciidan iyo habeynta ciidanka dowlada Soomaaliya.

Qaar kamid ah dalalka Eth-iopia, Burundi, Kenya, Uganda, iyo wadamo kale ayaa waxaa ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaa oo do-wlada  mudo ka taagerayay la daga-alanka Xoogaga Al shabaab.

R/W KHEYRE OO SHALAY U DUULAY DALKA NORWAY

Ra’iisal wasaaraha xukuuma-dda Soomaaliya Xasan Cali khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay u amababaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto.

Madal caali ah oo lagu magic-aabo Oslo Forum ayaa sanadkan wa-xaa ka soo qaybgalaya wufuud dalal badan ka socota iyo madaxda Gola-yaasha waawayn sida xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobay oo lagu casuumay iyo xubno kale.

R/W kheyre iyo xubno kale oo safarkaan ku wehlinaya ayaa Soom-aaliya ku matalaya shirkaan caalam-iga ah waxaana looga hadlayaa arimo kala duwan oo inta badan quseeya amaanka iyo dhaqaalaha caalamka.

Soomaaliya waxa ay shirka la tagaysaa ajandayaal ay ka mid yihiin inay dunida ku qanciso isbadalka bal-aaran ee ay ka samaysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dawlad wan-aagga, sida uu sheegay Wasiirka ma-aliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wafdiga qayb ka ah.

EEDEYN LOO JEEDIYAY SHACABKA BOOSAASO

Yuusuf Maxamed Waceys Gu-ddoomiyaha gobolka bari ee Maa-mulka Puntland ayaa shacabka mag-aalada boosaaso ku eedeeyay iney qeyb ka yihiin amni darada magaa-lada. Waxa uu sheegay in shacabka aysan si toos ah oo hagar la'aan ah ula shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee Puntland. Waxa uu tilmaamay in shacabka ay qariyaan oo aysan soo sheegin dadka falalka amni darada ka wada magaalada.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada.Guddoomiyaha gobolka bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay in gacanta ay ku hayaan dad dhiba-ateynaayay baalooyinka iyo agaby-ada kale ee korontad ee bilicda mag-aalada ka qeyb qaadanaya.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu digay in loogu baahan yahay in ay feejignaan muujiyaan oo ay ka tax-adaraan waxyaabaha qaar.

Waxa uu ugu dambeyn shee-gay in Maamulka gobolka ay aad ugu fakirayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta shacabka iyo hay’addaha kale ee Puntland.

XISBI KA JIRA FINLAND OO KA HOR YIMID SOOMAALIDA LA SIIYO BAASABOORKA DALKAASI

Hoggaamiyaha Xisbiga Finns Party,Jussi Halla-aho ayaa sheegay in Shisheeyaha la siiyo Basaaboorka Fi-nland uu 6 jeer ka badan yahay intii la bixiyey sannadihii 90-aadkii iyo inay inta badan dadka cusub ee la siiyey yihiin Muwaadiniin Labo Dhalasho ha-ysato.

Waxa uu intaasi ku daray in 20-aadkii sanno ee la soo dhaafay, tirada Muwadainiinta cusub ee Finlad ahaa-yeen kuwo aad u saare ugu kacay, iyadoo sannad kasta 2,000 oo qof herli jireen Dhalashadda Finland sa-nnadihii 1990-aadkii, halka ay sann-adkii hor ee 2017-kii ay heeleen 12,0-00 oo qof.

Hoggaamiyaha Xisbiga Finns Party oo la hadlay Wargeyska Hufvu-dstadsbladet waxa uu tilmaamay in dadka Soomaalidai yo kuwa Ciraaq-iyiinta yihiin kuwa sida xad-dhaafka u helay Dhalashadda dalka Finland, wuxuuna ku baaqay in la adkeeyo Sh-arciga Muhaajiriinta  iyo Siyaasadda Muwaadinnimadda ee dalkaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray haddi Shisheeyaha degdeg u helaan Dhal-ashadda dalka Finland inay taasi caq-abad ku noqon karto sidii loo kormeeri lahaa hannaanka ay u socdaan tisqa-adka arrimahaasi

Dhinaca kale, waxa uu walaac ka muujiyey inay dhowr qof shisheeye haysta Dhalashadda Finland  ka mid yihiin Dembiilayaasha Caalamiga ee lala xiriirinayo Falalka Argagixisadda, wuxuuna intaasi ku daray inay taasi ku daray inay taasi hoos u dhigi karto Kalsoonida lagu qabo Baasaboorka Finland iyo inay dalka soo galaan da-dka Khatarta ah.

GANACSADE SOMALIYED OO LAGU DILAY SOUTH AFRIKA

Koox burcad ah ayaa habeen hore wa-xay dalka K/Afrika ku dileen ganac-sade Soomaaliyeed iyaga oo mid kalena dhaawac culus u gaystay, sida ay xaqiijiyeen ganacsatada Somalida ee dalkaasi.

Burcaddan ayaa weerartay ga-nacsatadan oo ku sugnaa bannaanka hore dukaan ay ku leeyihiin deegaan ku dhaw magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Ganacsadaha la dilay ayaa ma-gaciisa lagu sheegay C/laahi Maxa-muud Maxamed halka midka la dhaawacayna lagu sheegay Maxamed Ismaaciil.

Burcaddii falkaasi ka dambe-ysay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi tagay ciidamada Booliska dalkaasi oo baaritaano wada.

Dilalka Muwaadiniin Soom-aaliyeed ayaa muddooyinkaan dambe si aad ah ugu soo batay dalka K/Afrika oo Soomaalida ku haystaan ganacsi ballaaran.

Booliska dalka South Afrika ay-aa sheegay inay sameynayaan baari-taano ku aadan waxa dhacay ee dilka loo gaystay Somalida.

HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIY-ADDA OO XAFIIS CUSUB KA FURATAY BUULA-BURDE ..

Hay’adda Socdaalka iyo jisni-yadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Maga-alada Buula-burde  ee gobolka Hiir-aan.Munaasabadda xariga looga ja-rayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qe-ybgalay maamulka dagmada iyo dad-ka degaanka iyo sidoo kale saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka Jins-iyadda Soomaaliya.

Dadka ka qeyb galay ayaa  dh-amaantood waxa ay sheegeen in  ba-ahi weyn loo qabay howlaha ay qar-anka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mah-adcelinayan masuuliyiintii ka soo sha-qeysay in xafiiskan la furo.

GURI KU YAALLA DEGMADA KAARAAN OO DAB UU QABSADAY..

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Dab khasaare hantiyadeed ka dhashay ayaa gelinkii dambe ee shalay ka kacay guri Jii-ngado ka sameysnaa oo ku yaalla Waaxda Nageyle ee degmadaasi.

Gurigan oo ku yaalla xaafada Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku noolaa Aabe iyo Hooyo iyo caruur ay dhaleen, bal-se dhammaantood wax khasaare ah kama soo gaarin dabkan, iyada oo dabka keliya uu baabi’iyay guriga.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Soolar guriga yaallay, kadi-bna wuxuu qabsaday korantadii gur-iga, iyadoo ugu dambeyn sidaasi dab-ka uu ku sii fiday.

Aabaha Qoyska oo lagu maga-caabo Xasan Saney Maxamed ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid uu aad ula yaabay, balse uu ku qanacsan yahay qadarta Alle, wuxu-una shacabka Soomaaliyeed ka dalb-aday in ay gargaar la soo gaaraan, maadaama uu tilmaamay in ay yihiin qoys danyar ah.

Sawirro laga soo qaaday guriga gubtay ayaa muujinayay gurmad ay sameynayeen dadka deegaanka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Waaxdaasi, iyada qoyska gurigan ay ka gubatay lacag dhan 500$ sida uu sheegay Xasan Saney oo ah Aabaha reerkan.

Guddoomiyaha Waaxda Nage-lye ee degmada Kaaraan C/qaadir Xa-san Maxamed (Daadir) oo la hadlay warbaahinta  ayaa dhankiisa waxa uu sheegay reerkan in ay yihiin dad dan-yar ah oo dhawaan ka yimid degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhe-xe, ka maamul ahaana wixii gargaar ah ay u sameeyeen.

"Waxaan kuu sheegayaa in gelinkii dambe ee shalay uu dab ka kacay guri ku yaalla Waaxda Nageyle gaar ahaan xaafada Sheekh Aadan Dheere, Alxamdulilaah khasaare naf-eed kama dhalan dabka, balse guriga ayuu baabi’iyay, waxaa loo maleyn-ayaa dabka inuu ka dhashay Solar guriga yiilay, ka maamul ahaan wax-aan sameynay wixii karaankeena ah oo aan qoyskaasi ugu gargaari karno.” Ayuu yiri Guddoomiye Daadir.

Maalmo kahor ayay aheyd mar-kii guri ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan aagga garoonka diyaaradaha dab qabsaday uu ku dilay tiro caruur ah oo wada dhashay, iyada oo arrintaasi ilaa had-da si aad ah looga hadal hayo degm-adaasi.

BOGGA CAYAARAHA..

XULKA BRAZIL OO BARBARO LA GALAY SWITZERLAND KULANKOODA FURITAANKA CAYAARAHA ADDUUNKA

Brazil iyo Switzerland ayaa cayaartooda furitaanka koobka adduunka ku dhameystay barbaro 1-1.

Qeybta hore ayaa lagu kala maray 1-0 waxaana daah furay cayaarta xiddiga Philippe Coutinho kadib markii uu darbad xoogan dhex dhigan goolka Switzerland daqiiqadii 20-aad.

Waxayna dheeshu aheyd mid weerar iyo weerar celis ah labada xulka waxa ay soo ban dhigeen cayaar aad u wanaagsan.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Switzerland ayaa la timid goolka barbaraha waxaana madax ugu dhaliyay daqiiqadii 50-aad laacibka Steven Zuber kadib kubbadd koorna aheyd.

Cayaariyahanada Brazil ayaa sameyay dhawr fursadood oo halis ah waxaana kamid ahaa kubbadd uu goolka dhinaciisa marsiiyay Countinho.Sido kale Neymar ayaa laga badbaadiyay madax halis ahaa.

Dhamaadkii cayaarta Firmino oo badal kusoo galay ayaa isna laga badbaadiyay madax uu ku tuuray goolka.

Xulka jaalayaasha ayaa goolka Switzerland ku tuuray 15 shuud balse aan u suura galin inay garaan guul kulankooda furitaanka koobka adduunka.

Waxaana Group E hogaamineysa Serbia oo shalay guul 1-0 kaga adkaatay Costa Rica.

MUXUU KA YIRI MACALINKA XULKA QARANKA GERMANY JOACHIM LOW GUULDARADII KASOO GAARTAY MEXICO?

Macalinka xulka qaranka Germany Joachim Low ayaa ka hadlay guuldaradii kasoo gaartay xulka Mexico kulankii ay kaga daah furteen koobka aduunka 2018 Group F.

"Guuldarada  kulanka ugu horeeya waa niyad jab aad u xoogan, sababtoo ah ma aanan caadeysanin in aan sidaan la kulano tartamadii lasoo dhafay, sida caadiga ah waxaan guuleysan jirnay kulanka ugu horeeya”.

"Waxaa jira dhibaatooyin badan loo baahan yahay inaan wanaajino kulamada soo aadan ee koobka aduunka 2018”.

"Waxaan u ciyaarnay qaab liita qeybtii hore ee ciyaarta, mana sameenin qaabkii ugu fiicnaa, waxaan sameenay weeraro iyo baasas aanan noqonin kuwo wax ku ool ah”.

"Waxaan u cadaadinay si adag qeybtii labaad ee ciyaa-rta, laakiin Mexico waxay sameessay gadaal u garasho, waxaan sameenay shuudad badan, balse ma noqon sida la rabay”.

WORLD CUP - GROUP E JUNE 17

Costa Rica 0 - 1 Serbia      Brazil 1 - 1 Switzerland

GROUP F

Germany 0 - 1 Mexico

WARIYE MARAYKAN AH OO LAGU RAKIBAY COD AALADEED

Wariye ka shaqeeya raadiya ku yaala dalka Maraykanka oo lumiyay codkiisa labo sano ka hor ayaa dib u bilaabaya shaqadiisa, kadib markii lagu rakibay cod aaladeed oo ku shaqeeya waxa loo yaqaano Garaadka Macmalka ah.

Jamie Dupree, 54 jir ah ayaa ka hawlgala Cox Media Group, waxaana ku dhacay xanuun dhif iyo naadir ah oo ku dhaca neerfaha, kaas oo keenay in uu codka ka lumo.

Shirkadda CereProc oo laga leeyahay Scotland ayaa usoo saartay qalab codka qofka kasoo saara oo ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah, waxayna taas u suurtogalisay wariyahan in uu shaqadiisa dib ugu laabto labo sano kadib.

Ninkan ayaa codkiisii hore la baray aalada, taas oo u abuurtay kayd dhan oo hadal ah, kaas oo ay ku dhisi karto hadba hadalka uu soo hinqado.

Waa barnaamij aad qaali u ah, wuxuuna halkii cod joogaa kumanaan kun oo doolar.

Bog ay leedahay shirkadda ayaa laga heli karaa adeegga oo lagu shubi karaa codka qofka doonaya in hawsha loo qabto

Seynisyahano badan oo xaga kumbuyuutarka ah ayaa meelo ka mid ah adduunka isku dayaya in ay maskaxda bini'aadamka ku guuriyaan ama ku raraan aaladaha casriga ah oo la doonayo in ay sidii maskaxda ama u dhow u shaqeyn karaan.

Mr Dupree ayaa arrimaha siyaasadda Maraykanka ka faaloon jirey 35tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna barnaamijyo iyo warar usoo saarayay illaa 6 idaacadood, codkiisana waxa uu udub dhexaad u ahaa shaqadiisa.

Sanadkii 2016-kii ayuu bilaabay in uu codkiisa lumiyo, balse waxbo kama aysan qaldanayn dhuuntiisa, dhamxanaga iyo waliba xididaha codka qaada.

Baaritaano kala duwan kadib, waxaa markii dambe laga heley cudur ku dhaca carrabka oo dhif iyo naadir ah. Waxaa dhacaysa in uu carrabka banaanka usoo boxo, dhuuntana ay is xirto, taas oo aanan suurtogal ka dhigaynin in la maqlo codkiisa.

Halkii uu shaqadiisa joojin lahaa, waxa uu door bidey in uu su'aalaha ku diyaarsado taleefoonka weyn ee Tablet, kadibna iyada oo qoraal ah uu hor dhigo siyaasiyiinta, wuxuuna markaas duubi jiray jawaabaha ay bixiyaan, sidaasna raadiyaha uga siideyn jiray.

Inkasta oo uu shaqadiisa watay, haddane hawada ayuu ka baxay gabi ahaanba, maadaamaa uusan hadli karayn.

Bishii Diseembar, xubin ka mid ah Aqalka Congresska Maraykanka ayaa hadal ninkan ku saabsan ka jeediyay gudaha Aqalka, taas oo keentay in shirkadda uu u shaqeeyo ay cusboonaysiisay dadaak codkiisa loogu soo celinayo.

Marka la gaaro 25 bishan June, Mr Dupree hawada ayuu ku laaban doona, waxaana dhagaysan doona dhagaystayaasha Raadiyaha WSB ee Atlanta, iyo raadiyeyaal kale oo ku kala yaala Orlando, Jacksonville, Dayton iyo Tulsa.

Haddii erey ama labo u shaqayn waayeen, waxa uu riixayaa batoon, oo uu ku badalanayo erey la micno ah ama u micno dhow, sidaasna wuxuu ku heli karaa codkiisa oo dhamaystiran.

Mr Dupree waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu codkiisa usoo laabto inkasta oo uu fahamsanyahay in uusan ahayn kiisii rasmiga ahaa.

MAQAAL: SIYAASADDA CUSUB EE GOBOLKA GEESKA AFRIKA

Africa-da bari waxaa lagu tiriyaa meelaha siyaasad ahaan aan sal degan aan lahayn, deganaasho la'aanta siyaasadeed waxay u horseeday gud ahaan gobolka dib u dhac dhan-kasta ah marka loo eego inta kale ee Qaarada Africa. Waxaa kaloo ayadana mudan in la tilmaamo in Geeska Africa ay hoy u noqotay xag jirka tasoo salkeedu yahay shaqo la'aanta dhalinta iyo hurumar la'aanta iyo cadaalad darada, waxaa kaloo ayadana jirta in dhalinteedu ay noqdeen kuwa ku dhamaada badaha aduunka ayagoo raadinaayo nolol iyo hurumar kana haajiraayo dhulkoodi.

D8D5CDA7-2C6B-4317-B2CE-2329E4C15CEC-342x220 Si loo helo deganaasho siyaasadeed loona gaaro hurumar waxaa hubaal ah in loo baahan yahay aragti siyaasadeed cusub inuu gobolka la yimaado tasoo ay ugu horeeyso in dowlad kastaa ay dhoowto madaxbanaanida dalkasta oo la joojiyo fara-gelinta siyaasadaha dalkasta uu gaarka u leeyahay, waxaa kaloo ayadana muhiim ah in laga digtoonaado in dowlado kale ee dan ka leh gobolka ay faraha la soo galaan siyaasada gobolka Geeska Africa.

Waa inay Soomaalida fahantaa in shalay aduunka aan ku nool nahay uusan kala xirnaan karin, loona baahan yahay in gobolka uu yeesho xiriir ganacsi oo isku furan tasoo sal u ah inay is dhex maraan 3 sheey oo kala ah dhaqaalaha, dadka iyo badeecada.

Great of Horn of Africa ama Geeska Africa waa shan dowladood oo kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Elettaria, Sudan iyo Jabuuti. Shantaan dowladood waa inay gaaraan heshiis wada shaqeyn iyo maalgashi si loo hurumariyo dhaqaalaha dalalka Geeska Africa, hadii si wanaagsan looga shaqeeyo waxay fursad u tahay inuu gobolka helo deganaasho siyaasadeed

Waxaan aaminsanahay in siyaasadaan cusub ay Soomaalida dan u tahay dhankasta waayo dadka Soomaaliyeed oo ah dad aad ugu wanaagsan ganacsiga lehna nad wayn, waa in loo helaa fulinta arinkaan dad Soomaaliyeed aqoon u leh fulinta heshiiyyadaan si dalkeena iyo dadkiisa uga faideystaan.

Waa mid mudan inay Soomaalida ay fursad siiyo soo dhaweeynta heshiiskaan, waxaan u hambalyeeynayaa madaxda labada dal ee arinkaan ku dhiiraday. Waxaan ka rajeeynayaa dowladda Soomaaliya inay gudi aqoonyahano ah u saarto inay soo darsaan arinkaan ka dibna la yimaadaan sidii loo fulin lahaa heshiisyadaan kor u qaadi karo dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia si gobolka uu u gaaro deganaasho siyaasadeed.

Sheekh-Nur Abukar Qaasim

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN   {SHEEKO TAXANE AH}

Q/92aad