Faahfaahino ka soo baxayaa duqeyn ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaanka Ceel Cadde

0
Sunday June 17, 2018 - 19:33:47 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahino ka soo baxayaa duqeyn ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaanka Ceel Cadde

    Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan duqeyn ay ciidamada Keka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan duqeyn ay ciidamada Keka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa dhowr madfac ku tuuray deegaankan waxaana wararka ay sheegayaan in waxyeello aysoo gaartay dad shacab ah.

Inta la hubo ugu yaraan saddex qof ayaa dhaawaca kasoo gaartay duqeyntan, iyadoo sidoo kalena ay jirto waxyeelo soo gaartay xoolo u badan ari.

Lama oga sababta ka dambeysay duqeyntan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in meelaha gantaalada ku dhaceen ay shacab ku sugnaayeen.

Dowladda Kenya weli wax war ah kama aanay soo saarin duqeyntan ay ka fulisay Gedo. Hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay howlgalo ka wadeen maalmihii la soo dhaafay deegaano ku dhow dhow Ceel Cadde.

Deegaanka Ceel Cadde ayaa waxaa hore ay ciidamada Kenya ugu lahaayeen saldhig Milatari waxaana halkaa hore u weeraray xooggaga AL-Shabaab iyadoo qasaare badan ay ka soo gaartay dowlada Kenya weerarkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip