PM Abiy " Dhibta weyn ee ka taagan iyo iskudhaca balaadhan ee qoomiyadaha…" Ra'yi

0
Sunday June 17, 2018 - 19:09:52 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PM Abiy " Dhibta weyn ee ka taagan iyo iskudhaca balaadhan ee qoomiyadaha…" Ra'yi

    Qudbad uu jeediyey maalintii ciidaa, waxa uu PM Abiy markee ugu horeysay si toos uga hadlaly dhibta weyn ee ka taagan iyo iskudhaca balaadhan ee qoomiyadaha. 1. Waxa uu xusay iherdiga baahay ee ka taagan gobolada maamulka Koonfirta Itobiya. Waxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qudbad uu jeediyey maalintii ciidaa, waxa uu PM Abiy markee ugu horeysay si toos uga hadlaly dhibta weyn ee ka taagan iyo iskudhaca balaadhan ee qoomiyadaha. 1. Waxa uu xusay iherdiga baahay ee ka taagan gobolada maamulka Koonfirta Itobiya. Waxaan la mooganay in dhibaato wajiyo badani ka taagantahay goboladaas oo qoomiyadaha dagan u dhaxaysa. Shalay safaarada Mareykanka ah ee Addis dagani waxay degniin u dirtay dadyowga ka soo jeeda Mareykanka ama hysta dhalashada Mareykanka ee joogaa Itobiya in aanay tagan gobolada Konfur Itobiya, gaar ahaan nawaaxiga Assosa.

2. Waxa uu carabka ku dhuftay dhibaatooyinka ka aloosan ama u dhaxaysa Soomaalida iyo Oromoda, Oromoda iyo Amxarada, Amxarada iyo Tigreega… waaxaanu soo hadali qaadin ha a yaraatee xasuuqa lagu hayo Soomaaliya dagan duleedka waqooyiga Jigjiga. Waxa uuse hadalka PM Abiy aad uga fiicanyahay canaasiirta ka dhigta in dhibta dagaalku gaar u yahay rer Soomaali. PM Abiy waxa uu sheegay oo kaliya in Soomaali iyo Oromo is dilayso. Waxa kale uu hadalka PM Abiy ka fiicanyahay ONLF oo aanu fakarkeedu reerkooda dhaafin.

3. Qoraal isqiimayn ah oo maamulka Oromo soo saaray waxa ka muuqata in hada ay u egtahay in ay qaladkooda iyo waxyeelada ay geysteeyn ay qaadan ama ogolaan rabaan. Wanna st in PM u dan ah. Sababto ah, dagananshe Abiy iyo Oromo ayey dan u tahay.

4. Waxa Soomaali oo dhani isweydiinaysaa waxa xasuuqa Soomaali lagu hayo maamulka DDS uga gaabsadeen? Miyaa la cabsiiyey, ma PM ayaa dhinaca u badan? Waxa kale oo la isweydiinayaa waxa uu maamulaha TiGuuleed xasuuq, hanjabaad, xidhi, iyo tacadi Kula kacay Soomaalidii rerahooda iyo naftooda difaacaysa.

Sikastaba ha ahaatee, PM Abiy waxaa lugta qabanayaa Soomaali ma aha ee waa Oromoda dagaalada kawada xuduudaha badan ay dadyowga kale la wadaagaan.

Ninkii dhof ku yimid bay geeridu dhibaysaa!

Faysal Roble





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip