Croatia oo Garaacdey Nigeria, Peru oo Laga Adkaaday iyo Warar Kale

0
Sunday June 17, 2018 - 11:12:16 in Wararka by
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Croatia oo Garaacdey Nigeria, Peru oo Laga Adkaaday iyo Warar Kale

    Xulka dalka Croatia ayaa guul muhim ah ka gaaray groupka D oo la sheego in uu yahay kan ugu adag group-yada koobka kubadda cagta aduunka ee Ruushka ka soconaya. Croatia ayaa 2 gool iyo waxba dirtay xulka dalka Nigeria. Labada gool ee Nigeria looga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka dalka Croatia ayaa guul muhim ah ka gaaray groupka D oo la sheego in uu yahay kan ugu adag group-yada koobka kubadda cagta aduunka ee Ruushka ka soconaya. Croatia ayaa 2 gool iyo waxba dirtay xulka dalka Nigeria. Labada gool ee Nigeria looga badiyay, ayaa waxa mid ka mid ah iska dhaliyay Oghenekaro Etebo daqiiqaddii 32-aad, halka daqiiqaddii 71-aadna uu rigoore ku labeeyay ciyaarta Luka Modric. Groupkaasi waxa seddex dhibcood ku hoggaaminaya Croatia, halka dalalka Island iyo Argentine oo goor sii horeysay bar-baro galeyna ay mid hal dhibic leeyihiin.

Sidoo kale, xulka dalka Denmark ayaa gool iyo waxba kaga adkaaday xulka dalka Peru. Ciyaaryahan Yussuf Poulsen ayaa Denmark goolka u dhaliyay daqiiqaddii 59-aad. Sidoo kale, Peru ayaa fursad ay hoggaanka ku qaban kartay iska qasaarisey rigoore daqiiqaddi 45-aad, kadib markii ciyaaryahan Christian Cueva uu dibadda marsiiyay gool ku laad uu heley.

Group-kaas C, waxa min 3 dhibcood iska leh Faransiiska iyo Denmark, halka Australia iyo Peru-na aysan wax dhibco ah laheyn.

Maanta waxa dhici doona kulamo ka tirsan group-yada E iyo F. E waxa isku arki doona Costa Rica ​VS Serbia; Brazil VS ​Switzerland. Sidoo kale, Groupka E waxa foodda is dari doona dalalka Mexico iyo dalka difaacanaya koobkan ee Germany.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip