Maxaa Loo Dilay Wariyahan Caanka Ah? ( Faallo Qiiro Leh)

0
Sunday June 17, 2018 - 10:15:02 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Loo Dilay Wariyahan Caanka Ah? ( Faallo Qiiro Leh)

    Dilka wariye caan ah , islamarkaasna ahaa tifaftire wargeys oo lagu magacaabo Shujaat Bukhari ayaa laga wada gilgishay guud ahaan dalka Hindiya, dilkaas oo ka dhacay dhulka ay Hindiya maamusho ee Kashmiir. Kaliya ma uusan wariye, ee waxa uu ahaa nin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilka wariye caan ah , islamarkaasna ahaa tifaftire wargeys oo lagu magacaabo Shujaat Bukhari ayaa laga wada gilgishay guud ahaan dalka Hindiya, dilkaas oo ka dhacay dhulka ay Hindiya maamusho ee Kashmiir. Kaliya ma uusan wariye, ee waxa uu ahaa nin aad ugu ololeeya nabada, islamarkaasna isku dayayay in uu heshiis dhex dhigo Hindiya iyo Pakistan.
 
Ma ahan shaqo fudud in wariye lagu noqdo Kashmiir oo ah meel ay xasarad ka taagantahay, balse Mr Bukhari ma ahayn nin cabsada, wuxuuna moowduucyada uu ka hadlayo u abaari jiray si toos ah.
Waxa uu dalka dibediisa ku qaban jirey kulamo looga hadlayo nabadda Kashmiir iyo dariiqa ugu wanaagsan ee lagu gaari karo.
Waxa uu kasbaday taageerayaal badan, kuwaas oo si waali ah u taabacsan.
Mas'uulka ugu sareeya Kashmir haweenayda lagu magacaabo Mehbooba Mufti ayaa la barooratay geerida wariyaha
wasiirka arrimaha gudaha Hindiya Rajnath Singh ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida, isla markaasna , wuxuuna falka dhacay ku tilmaamay mid fuleynimo ah.
Mr Bukhari waxa uu tifaftire ka ahaa 3 wargeys, kuwaas oo si maalinle ah uga soo baxa Kashmiir.
Waxa uu aad ugu ololeyn jirey luuqadda reer Kashmiir, iyada oo mid ka mid ah wargeysyada uu kusoo boqo luuqada Kashmiir.

Xigashoā€¯- BBC SOOMAALI





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip