SAWIRRO: Dadkii ugu badnaa oo ku Ciiday Xaafadda Daaru Salaam

0
Sunday June 17, 2018 - 09:31:03 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Dadkii ugu badnaa oo ku Ciiday Xaafadda Daaru Salaam

    Qaar badan oo kamid ah Shacabka magaalada Muqdisho ayaa Munaasabada Ciida owgeyd waxa ay shalay iyo maanta Damaashaad iyo Dalxiis u tageen Xaafada Casriga ah ee Daaru Salaam , xaafadan ayaana ah deegaan qurxoon oo indhaha booqdayaasha soo jiidanaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar badan oo kamid ah Shacabka magaalada Muqdisho ayaa Munaasabada Ciida owgeyd waxa ay shalay iyo maanta Damaashaad iyo Dalxiis u tageen Xaafada Casriga ah ee Daaru Salaam , xaafadan ayaana ah deegaan qurxoon oo indhaha booqdayaasha soo jiidanaysa.

Inta badan shacabka magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo maanta si weyn ugu ciideesanayay Xaafada Daaru Salaam, waxa ayna goobtan noqotay halka ugu badan ee u ciideesteen kuna soo damaashaadeen shacabka Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo iyo Madax kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii kala duwanaa ee kusoo ciideestay kuna damaashaaday Xaafada Daaru Salaam.

Xaafada Daaru Salaam oo ah xaafad si casri ah loo dhisay ayaa sidoo kale laga hirgaliyay goobo lagu nasto, meelo caruurtu ay ku cayaaraan oo qalab kala duwan yaalaan, iyo goobo kale oo uroon indhaha dadka damaashaadka u taga xaafadaasi.

Kumannaan qof oo ka kala yimid Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa isugu tagay xaafada Daaru Salaam, Gaar ahaan Beerta Nasiinada loo diyaariyey ee Daaru Salaam, waxaana xaafadaasi noqotay goob madadaalo oo caruurta ay si weyn u jecleesteen.

Maamulaha adeega guud Daaru Salaam Maxamed Maxamuud Cali ayaa sheegay in ay hirgaliyeen goobo badan oo loogu tala galay in caruurta iyo dadka kalaba ku madadaalaan iyo sidoo kale goobo ay dadku ku nastaan waqti qurux badana ku qaataan.

"Daaru Saalaam waa meel loogu talagalay in caruurtu ay ku ciyaarto,si caruurta maskaxdooda ay u korto, islamarkaana ay isla qabsadaan caruurta iyo waalidiintooda, waxaa yaalaa qalab farabadan oo loogu talagalay in caruurtaasi maskaxdoodi lagu koriyo, marka waxaan rabnaa in caruurta si farxad leh ay wax ku bartaan, maadaama maskaxdooda ay dhismayso,bulshada Soomaaliyeedna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga qeyb qaadanayan damaashaadka beerta Daaruslaam”. Ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cali.

Xaafada Daaru Salaam ayaa sidoo kale lagu diyaariyay maqaayado casri ah oo laga helo cunooyinka nuucyadooda kala duwan, waxaa sidoo kale sanadkan Daaru Salaam lagu soo kordhiyay qolal qurux badan oo asxaabta booqata isku marti qaadi karaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana aad u jecel in damaashaad u aadan Xaafada Daaru Salaam xiliyada ciida iyo sidoo kale maalmaha kale ee fasaxa sida jimcaha iyo Khamiista, waxa ayna goobtan noqotay meel sare u qaaday horumarka magaalada Muqdisho.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip