Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

0
Sunday June 17, 2018 - 09:23:06 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

    Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay degaan ku dhow Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika sidda ay xaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool. Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen labo nin oo Ganacsato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay degaan ku dhow Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika sidda ay xaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool. Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen labo nin oo Ganacsato ah,kuwaasoo ku sugnaa Iridda dukaankooda, waxaana la sheegay midna in ay dileen midna dhaawaceen.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamuud Maxamed halka uu dhaawac culus soo gaaray Maxamed Ismaaciil.

Allaha u naxariistee dilka Muwaadiniintaan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu naf-gooyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u soo nolol iyo shaqo tagay.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip