25 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Bariga Afghanistan

0
Sunday June 17, 2018 - 09:05:50 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    25 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Bariga Afghanistan

    Inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen. Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen. Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale.

Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip