HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA JUUN 2018-KA

0
Sunday June 17, 2018 - 08:32:07 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA JUUN 2018-KA

    RA'IISULWAARE KHEYRE OO FARRIIN U DIRAY SHACABKA MUQDISHO Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISULWAARE KHEYRE OO FARRIIN U DIRAY SHACABKA MUQDISHO Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan.

 

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney dulqaad muujiyaan Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney amniga shacabka sugto.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in 12 bilood ee soo socda ay rajeynayaan in wax badan ay iska badalaan.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ciidamada amaanka iyo saraakiishooda ay kula dardaarmeyn sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in shacabka loogu baahan yahay iney u dulqaataan xerista wadooyinka muqdisho inta dowladda soomaaliya ay ka shaqeyneyso sugida amniga caasimada.

Xasan Cali Khayre Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa had alkaan ka sheegay ka dib kulan habeen hore ka dhacay Xarunta Jeneraal Kaahiye oo uu la yeeshay saraakiisha hay addaha amaanka ee dowladda.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO SAMEEYAY QAABKII AY U GARAB ORDAYEEN ILAALADA HO GGAAMIYAHA KUURIYADA WAQOOYI

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyay qaabkii Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga Kim Jong Un ay u garab ordayeen gaadiidkiisa, iyadoo ay noqotay hadal heynta ugu badan ee Baraha Bulshada.

Arrintan ayaa dhacday maalintii daraad, markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka soo laabtay booqashada goobaha dabaal degga Maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo albaabka hore ee Madaxtooyada sii galayay dhinac ordayay Ilaalo ku labistan dharka Suutka loo yaqaano oo madow ah.

Sawirka Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha oo ay dhinac socdaan gaadiidka aan xabadaha karin ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, iyadoo dadka ay isla meel dhigayeen sida qaabkii Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa markii uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Kuuriya Moon Jae waxaa kolonyadiisa loo yaqaano Limo dhinac ordayay 12 ka mid ah Ilaaladiisa qaaska ah ee daba ordayay.

Sidoo kale kulankii taariikhiga ahaa ee Kim Jong Un iyo Donald Trump ku yeesheen Singapore ayay ka soo muuqdeen, markii uu Kim Jong Un gaaray Singapore, si la mid ah sidii markii uu la kulmayay Madaxweynaha Koofur Kuuriya ay u dhinac ordayeen gaarigiisa.

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KU HESHIIYAY IN AY WADA MAALGASHADAAN 4 DEKEDOOD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafddi uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay si weyn uga hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxyaabaha kulankooda diiradda lagu saaray ayna ku heshiyeen ayaa ah ilaa 16 qodob waxaana kamid ah iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha,ladagalanka argagixisada,isdhexgalka bulshada,iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay ka go’antahy labada dal in ay si dhab ah isaga kaashadaan Nabadda iyo horumarka.

Qodobadda ay ku heshiiyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ugu muhiimsanaa.

Waxa ay madaxda si wad jir ah ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya oo isku dhaf ah, kaas oo ka shaqayn doona fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

Qodobka 7aad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Qodobka 12aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay horey uga hortimid heshiis lala galay shirkadda DP World oo ay ku maamulayso dekada Berbera, heshiiskaas oo Itoobiya qeyb ka ahayd.

RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED OO KA DHOOFAY MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Cali ayaa shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib booqasho hal maalin oo uu ku yimid.

Diyaaradda keentay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku sugneyd garoonka ayaa qaaday, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abir Ahmed ayaa kulan labo geesood ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana ka soo baxay war murtiyeed qodobo badan ka koobaan.

Shir jaraa’id oo labada Mas’uul ay qabteen ayaa waxay ku caddeeyeen in xoojinayaan xiriirka labada dal u dhaxeeya, isla markaana uu haatan bog cusub u furmay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Abiye is bedelada iyo dib u habeynta uu ku sameeyay siyaasadda dalkiisa.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku yimid Muqdisho ayaa ka mid aheyd, socdaalo uu ku marayay dalalka deriska, sida Jabuuti, Kenya, Sudan iyo Uganda.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO SAGOOTIYAY ABIY AHMED

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shalay booqasha rasmi ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqashadiisa Soomaaliya aheyd hal maalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo si weyn uga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagalanka argagixisada.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALILAND OO KA HADLAY DAGAALKA TUKARAQ

Iyadoo Weli Xiisado Colaadeed Ay Ka Taagan Yihiin Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sool Gaar Ahaanna Deegaanka Tukaraq Iyo Sidoo Kale Deegaanka Ceelafweyn Ayaa Waxa isi Soo Taraya Baaqyada Nabadeed oo loo Jeedinayo Dhinacyada Isku Haya Deegaanadaasi.

Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin Ayaa waxa Uu Baaq Nabadeed u Diray Dhinacyada Isku Haya Ceelafweyn Iyo Deegaanka Tukaraq Oo Ka Tirsan Gobolka Sool.

Shacabka Ku Dhaqan Deeganadas Ayuu Ugu Baaqay In Ka Waantoobaan Colaadda Ka DhexAloosan Isaga Oo Shegay In Aysan Wax Faa’ido Ah Oo Ugu Jira Habayaraatee Balse Taa Badalkeed Loo Baahan Yahay I Nabad Lagu Wadanoolaado. Sidoo Kale Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Soomaaliland Ayaa Madaxda Haatan Heysa Talada Maamulka Soomaaliland Waxa Uu Ka Dalbadey in Ka Dhabeeyaan Waanwaanta Nabadeed Oo Ay Ka Dhex Wadaan Bulshada Ku Dhaqan Ceelafweyn Oo Aysan Marnaba ka Caajisin.

Baaqa Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliland Daahir riyaale Kaahin Ayaa Waxa Uu Imaanaya Xilli Xiisad Colaadeed Weli Ka Taagan tahay Ceelafweyn Iyo Tukaraq.

ISBAHEYSIGA SACUUDIGA OO QABSADAY GAROONKA MAGAALADA XUDEYDA

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dalka Yemen ee ay taageeraan isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qabsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hudaida.

Magaalada Xudeyda ayaa ah Magaalo muhiim ah oo ku taalla maringa ugu Muhiimsan dalka Yemen, waxaana ku taalla dekedda ugu weyn Yemen.

Garoonka diyaaradaha ee Xudeyda ayaa dhaca koonfurta magaaladaasi,waxaana socda howlgal miino saaris ah,inkastoo dagaal xoog leh uu weli ka taagan yahay dhanka koonfureed.

Kooxda Kuutiyiinta oo muddo 4sano ah maamulayey magaalada Xudeyda illaa hadda kama hadlin in laga qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

MAXAA LOO DILAY WARIYAHAN CAANKA AH?

Dilka wariye caan ah , islamarkaasna ahaa tifaftire wargeys oo lagu magacaabo Shujaat Bukhari ayaa laga wada gilgishay guud ahaan dalka Hindiya, dilkaas oo ka dhacay dhulka ay Hindiya maamusho ee Kashmiir.

Kaliya ma uusan wariye, ee waxa uu ahaa nin aad ugu ololeeya nabada, islamarkaasna isku dayayay in uu heshiis dhex dhigo Hindiya iyo Pakistan.

Ma ahan shaqo fudud in wariye lagu noqdo Kashmiir oo ah meel ay xasarad ka taagantahay, balse Mr Bukhari ma ahayn nin cabsada, wuxuuna moowduucyada uu ka hadlayo u abaari jiray si toos ah.

Waxa uu dalka dibediisa ku qaban jirey kulamo looga hadlayo nabadda Kashmiir iyo dariiqa ugu wanaagsan ee lagu gaari karo.

Waxa uu kasbaday taageerayaal badan, kuwaas oo si waali ah u taabacsan.

Mas'uulka ugu sareeya Kashmir haweenayda lagu magacaabo Mehbooba Mufti ayaa la barooratay geerida wariyaha

Wasiirka arrimaha gudaha Hindiya Rajnath Singh ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida, isla markaasna , wuxuuna falka dhacay ku tilmaamay mid fuleynimo ah.

Mr Bukhari waxa uu tifaftire ka ahaa 3 wargeys, kuwaas oo si maalinle ah uga soo baxa Kashmiir.

Waxa uu aad ugu ololeyn jirey luuqadda reer Kashmiir, iyada oo mid ka mid ah wargeysyada uu kusoo boqo luuqada Kashmiir.

PARIS OO LAGA DHISAYO DIFAACYO QURAARAD KA SAMAYSAN!

Maamulka magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa shaaca ka rogey qorshe taallada caanka ah ee Eiffel looga dhisayo gidaar muraayad ka samaysan oo lagu xeendaabayo si looga hortago weerarada argagixiso ee halkaas ka dhaca.

Taaladan ayaa waxaa maalin kasta isugu taga dad aad u badan oo qaarkood ay dalxiisayaal yihiin, waxaana dhacday in weerar loo adeegsaday baabuur uu halkaas ka dhacay.

Luulyo-1132x670 (1)r Dad gaaraya 240 qof ayaa ku dhimatay weeraro ka dhacay Faransiiska laga soo bilaabo sanadkii 2015kii.

Qorshahan ayaa waxa uu ku kacayaa lacag dhan $40 milyan oo doolar, waxaana la sheegay in darbiga uu noqon doono mid aad u adag oo aysan sahlanayn in la jabiyo.

Bernard Gaudillère, waa madaxa hay'ad u xilsaaran taallada Eiffel

Gidaaradan ka samaysan quraarada ayaa waxa ay dhimucdooda dhantahay 6.5 cm, waxayna dherer ahaan dhanyihiin meel ka mid ah marka boqol loo dhigo dherarka taalada.

Intaas oo kaliya ma ahan, waxaa kale oo muraayadda lagu sii hor gudbayaa 240 dhagax oo dhub ah.

Quraaradaha Paris

Dhinac kale waxaa laga taagay birro

Quraaradaha ayaa waxa ay sahlayaan in dalxiisayaasha ay sawiran karaan taalada, iyada oo illaa 7 milyan oo qof sanadkan 2018ka oo kaliya la filayo in ay booqdaan taaladan.

Halka laga galo taalada

Balse dadka deegaanka u dhow qaarkood ayaanan ku faraxsanayn, waxayna sheegayaan in lacagta ku baxaysa ay aad u badantahay, sidoo kalena ay caqabado kala kulmeen dariiqyadii ay basaska ka raaci lahaayeen, gaar ahaan kuwa curyaamiinta ah.

ISBAHEYSIGA SACUUDIGA OO QABSADAY GAROONKA MAGAALADA XUDEYDA

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dalka Yemen ee ay taageeraan isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qabsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hudaida.

Magaalada Xudeyda ayaa ah Magaalo muhiim ah oo ku taalla maringa ugu Muhiimsan dalka Yemen, waxaana ku taalla dekedda ugu weyn Yemen.

Garoonka diyaaradaha ee Xudeyda ayaa dhaca koonfurta magaaladaasi,waxaana socda howlgal miino saaris ah,inkastoo dagaal xoog leh uu weli ka taagan yahay dhanka koonfureed.

Kooxda Kuutiyiinta oo muddo 4sano ah maamulayey magaalada Xudeyda illaa hadda kama hadlin in laga qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

AKHRISO: MAGACYADA GUDDIGA LOO MAGACAABAY QABANQAABADA MAALMAHA XURIYADDA

Iyada oo maalmo yar naga xigaan xuska maalmaha xuriyadda ayuu ra’isul wasaare Cali Kheyre magicaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo loo xilsaaray qabanqaabada xafaladaha.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:

1Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta. Guddoomiye

2Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga. Xubin

3C/raxmaan Ducale Beyle , Wasiirka Maaliyadda. Xubin

4 Xasan Cali Maxamed , Wasiirka Gaashaandhigga. Xubin

5Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Amniga gudaha. Xubin

6Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda. Xubin

7 Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka. Xubin

8Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha. Xubin

9C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir. Xubin

10Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlamaanka. Xoghaye guud

SHAQADA LAGA RABO GUDDIGAAN

1Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26ka Juun iyo 1da Luuliyo.

2 In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qabanqaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

3In ay jaangooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.

4In ay magacaabaan guddihoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.

5In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da Luuliyo ee 2018ka.

6In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddihoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.

25 QOF OO KU DHIMATAY QARAX KA DHACAY BARIGA AFGHANISTAN

Inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda jogeen.

Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale.

Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.

BADDA MAGALADA BERBERA OO QAADAY LABA DHALINYARO AH

Wararka naga soo gaaraya Magalada Berbera ayaa waxa ay sheegayaan in alabta Xeebta magaaladaas ay liqday laba wiil oo ka mid ahaa Dhalinyaarda Berbera.

Labada Wiil ayaa ka mid ahaa dadka u dalxiis tegay,iyada oo lagu guda ajirey maalintii lbaad ee ciida Xeebta Batalaale oo ka tirsan Magalada Bebera ee deegaanada Maamulka soomaaliland.

Labada Wiil ayaa Wararku waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Ibraahim diiriye uu geeriyooday halka midka kale lasoo bad baadiyey oo lagu Magacaabo Barqad Ismaaciil Maxamed.

GANACSATO SOOMAALIYEED OO DIL IYO DHAAWAC LOOGU GEYSTAY KOONFUR AFRIKA

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay degaan ku dhow Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika sidda ay xaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen labo nin oo Ganacsato ah,kuwaasoo ku sugnaa Iridda dukaankooda, waxaana la sheegay midna in ay dileen midna dhaawaceen.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamuud Maxamed halka uu dhaawac culus soo gaaray Maxamed Ismaaciil.

Allaha u naxariistee dilka Muwaadiniintaan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu nafgooyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u soo nolol iyo shaqo tagay.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

MUHAAJIRIIN AFRIKAAN AH OO BADDA LAGA SOO SAMATABIXIYAY OO MAANTA GAARAYA SPAIN

In ka badan lix kun oo qof oo muhaajiriin ah oo toddobaad ka hor laga soo samatabixiyay badda mediteraniyanka ayaa lagu wadaa inay gaaraan dalka Spain saacadaha soo socda.

Markabka soo samatabixiyay muhaajriintaan ee Aquwaariyaas ayaa waxaa uu muran badan ka taagnaa halka uu ku xiranayo iyada oo dalalka Talyaaniga iyo Malta ay diideen inuu kusoo xirtaan dalalkooda.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta oo intooda badan kasoo jeeda dalalka Africa ayaa lagu soo daadgureeyay labo Markab oo gudaha bada ugu tagaya markabkaasi oo ku suganaa dekadda Valancia ee Spain.

Xukuumada cusub ee Spain ayaa u balan qaaday caafimaad bilaash ah inay siineyso qaxootigan, waxa ayna sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso xaalada muhaajiriintan magangalya doonka ah.

Ra'isal wasaaraha cusub ee Spain ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay labo toddobaad ka hor waxa uu qaatay mowqif uu kusoo dhaweeyay qaxootiga.

Boorar waaweyn oo ay ku qoran yihin luqada kala duwan ayaa lagu soo dhaweynayaa muhaajiriintaan, iyada oo boqolaal booliis ah, saraakiisha caafimaadka iyo tarjumaano ay ku diyaarsan yihiin xeebta.

Dalka Farasiiska ayaa dhankiisa ku yaboohay inuu qaadanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO KU DHAAWAQAYA GOLE WASIIRO OO CUSUB

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.

KENYA OO SHEEGTAY IN AY SOO CELINAYSO MACALIMIINTII KA CARARAY G. WAQOOYI BARI

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay waddo dadaallo ku aadan in dib loo celiyo Macalimiinta dugsiyadda Waxbarashadda ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Macalliinta ayaa markii hore ka cararay Weeraro joogto ah oo ay kala kulmaayeen dagaalyahanada AlShabaab.

Maamulka Waxbarashadda gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda dhexe ay qeyb ka qaato in dib degaanadii ay ka carareen loogu celiyo barayaasha.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen hadii loo soo celiyo in ay u diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaankooda.

XAMAR MA LAHAAN JIRTAY JIDXADIID TAREENADU MARAAN? WAA TAARIIKH NAGA 

DAHSOONTAY OO DABOOLKA LAGA QAADAY

Magaalada Xamar ee caasimada wadanka Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer; laakiin waxaan la ogayn inay lah aan jirtay jidxadiid ah oo Tareenku maro. Halkan waxaan ku soo koobay cilmi baaris ku aadan Taariikhdaas Tareenka Soomaaliya siday ahaan jirtay, nooca matoorada Tareenka, baaxada dhulkii uu mari jiray ama istaagyada Tareenka iyo taariikh la xariirta gaad iidkaas Soomaaliay waagaas ka jiray.

Xamar waxay lahayd Istayshan (maxadad) Tareen aad u we yn oo lagu dayactiro Tareenka, si hawlaha la xariira gaadiidka habsami ugu socdaan.

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/06/7C016F4B-54BD-4B26-9464-414CFE97B273-500x308.jpeg

Xariiqa cagaaran waa khadka xadiidka ama jidka taraynka. Khadkan wuxuu isku xiri jiray Xamar, Afgooye iyo Jowhar

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/06/E34F63BB-A487-4A4B-99CC-ABD424FAE1EF.jpegWaqtigii Fashisam ka, dawladda Talyaaniga waxaa damac weyn ka galay inay dad Talyaani ah ay dejiso dhul beereedka Dooxada Sha beelle, oo ka soo billaabma Jowhar ilaa Afgooye iyo Janaale. Dhul kaasi waxaa la dejiyay dad Talyaani mustacmiriin ah (Italian co lony) dhul beereedkaasi wax soo saarka badan. Jowhar waxaa deg genaa madaxii kolonyada oo la dhihi jiray Luigi Amadeo, oo sitay magaca Duca d’Abruzzi. Sidaas awgeed, waqtigii kolonyada, maga alada Jowhar waxay Talyaaniga ku magacaawdeen "Villagio Duca Degli Abruzzi”.

Si gaadiid ka iyo isgaarsiinta u hagaagto ayaa waxay Talya aniga Fashistaha ahaa 1914 ay ka billaaben inay dhiseen jid Tar een ama jid xadiided oo isku xira Moqdishu, Afgooye, Webi Shab eelle raaca dhinaca waqooyi ahaan illaa laga gaaro Jowhar, oo ay dhihi jireen "Villagion di Duca Degli Abruzzi”. Jidka Tareenkaasi dherer kiisa wuxuu ahaa 113 km.

Tareenku markuu Muqdisho ka baxo wuxuu aadi jiray dhinaca gal beed illaa uu gaaro Afgooye. Ka gadaal ayuu raaci jiray webiga Shabeelle meel u muuqata oo dhul beereed ka ah. Dhismaha jidkaasi Tareenku waxuu dhammaaday 1927.

Dhismaha jidka Tareenka ama xadiidka:

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/06/27976AED-1174-4D10-984F-9B4E52A344B0-500x375.jpegLabo qeybood ayaa loo kala dhisay:

Mogadiscio – Afgooye 30 km 1924 ayaa Dhismaha dhammaaday

Afgooye – Jowhar ama Villagio Duca Degli Abruzzi, loo soo gab iyo Villabruzzi 83 km 1927 ayaa Dhismaha dhammaaday

Tareenkaasi waxaa furfurtay oo qaatay Ingiriiska. markuu uu Talyaaniga ka adkaaday sanadkii 1941 Dagaalkii Labaad ee Addu unyada. Sidaas ayaa Tareenkaasi taariikhdiisa loo iloobay.

Istaagyada Tareenka:

Istaagyada Tareenka Fogaanshaha (km)

Mogadiscio 0

Buundada Afgooye Afgooye agtiisa

Afgooye 30

Busleey 48

Cadaleey 66

Garsaale 92

Buundada Garsaale Jowhar agtiisa

Villagio Degli Abruzzi 113

Waxaa xusid mudan in Tareenkaasi uu mari jiray galbeedka baadiyaha Magaalada Balcad.

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/06/C7081C9C-E917-4569-85D6-43D7A527B389-500x320.jpegTareenka la adeegsan jiray marka hore wuxuu ahaa nooca "steam engine” ama ku shaqeeya uumiga biyaha (biyo karkaraayo), Laa kiin markii dambe waxaa lagu beddelay nooca naaftada ah (die sel). Wuxuu shaqeeyay ilaa 1941. Markii Soomaaliya Ingiriiska uu qabsaday oo Talyaaniga Geeska Afrika looga adkaaday, ayaa Ingiriiska waxay furfureen jidkii xadiidka ahaa; waxayna u qaadeen waddan kale.

Wax tar badan ayuu u lahaa gaadiidkaasi Tareenku dadka isaga gooshaya Xamar, Afgooye iyo Jowhar iyo inta u dhexaysa. Tusaale ahaan 1929 – 1930 Tareenkaasi wuxuu daabulay dad tiradoodu tahay 19,359 iyo alaab culaabtoodu tahay 43,467 metric ton; wa xaana laga helay lacag leeg £1,591,527.

Waxaa kaloo taariikhda Soomaalida ka dahsoon in Talyaaniga ay dhiseen si degdeg ah jid Tareen ciidameed oo isku xira Villagio D’Abruzzi (Jowhar) iyo xuduudda Itoobiya, ololihii 1935 markuu Talyaaniga ku duulayay Itoobiya. Magacyada tuulooyinka tre cento, iyo cento quindice iyo Garziani, dhammaan waxay la xariiraan jidkaas xadiidka ah oo lahaa ujeedo military, si loogu duulo oo loo qabsado Itoobiya.

Sida sawirka ka muuqata "L’ albergo di Villabruzzi nel 1938 Hotela

Villabruzzi, 1938 ", waxay ahayd meesha la siixin jiray martida Jow har timaadda.

Khadka Xamar ka yimaada, wuxuu ku dhammaan jiray Jowhar

Luigi_AmedeoLuigi_Amedeo

Luigi Amedeo, Duca d’ Abruzzi, fonda tore della colonia Agricola

Luigi Amedeo, duca d’Abruzzi, wuxuu ahaa aasaasihii Iskaashatada Beeraleey da Talyaaniga, oo markaasi

degay magaalada Jowhar, Iskaashatadaasi waxay ahaayeen ama ka koobnaaayeen 200 boqol oo reer oo leh kaniisad, warshado, beero, guryo iyo magaalo dhan . Waxaa kaloo jiray Sinima, meelo cawaysi ah, iyo garoomo isboorti. Hadda wuxuu ku aasan yahay qabuuraha webiga jiinkiisa ah ee Jowhar. Wuxuuna ka tagay, markuu geeriyooday 1933, gabar Somaliyed oo la dhihi jiray "Faduma Cali” oo qurux badneyd.

WQ.Cabdulqadir Abiikar Xuseen

Xigasho: Wardheernews.com

BOGGA CAYAARAHA

ZANETTI OO KALSOONI KA MUUJIYAY AWOODA CIYAAREED EE XIDIGAHA XULKA ARGANTINA KADIB BARBARIHII AY LA GALEEN ICELAND

Halyayga xulka qaranka Argantina Javier Zanetti ayaa wuxuu kalsooni xoogan ka muujiyay awooda xulka Tango iyo qaab ciyaareedkooda wanaagsanaa inkastoo ay barbaro la galeen kulankooda ugu horeeyay koobka aduunka 2018 dhigooda Iceland.

"Dabcan barbaraha wuxuu ahaa midaan la fileynin, laakiin tartanka wali waa mid bilaw ah, wali waxaan heysanaa fursad”.

"Xulka Iceland wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiicaan una adag, waxay awoodeen inay ka hor taagaan weerarada halista ku ah, iyagoo si xoogan u cadaadiyay Messi”.

"Dabcan natiijada kulankan waxaa mas’uuliyad weyn saareysaa dhamaan ciyaartoyda kulankeena labaad ee soo aadan"

CROATIA OO GUUL MUHIIM AH KA GAARTAY NIGERIA KULANKOODA FURITAANKA KOOBKA ADDUUNKA

Kabtanka Croatia iyo Kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa guul ku hogaamiyay qarankii markii ay Nigeria ku garaaceen 2-0.

Qeybta hore dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda Croatia.

Waxaana ahaa goolka mid Otareero ah oo uu iska dhaliyay cayaariyahanka Nigeria Oghenekaro Etebo daqiiqadii 32-aad.

Dhan kasta ayaa looga wanaagsanaa Nigeria oo ay aad u yaraayen fursadahooda cayaarta.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kabtanka Croatia Luka Modric ayaa goolka labaad dhaliyay wuxuuna ahaa gool-kulaad ama rigoore.

Dhawr fursadood kale ayaan u suura galin cayaartoyda Croatia in ay shaqaba dul dhigaan.

Waxayan noqdeen hogaamiyaasha Group D iyagoo leh 3 dhibcood halka Nigeria ay guuldaro ku daah furatay koobka adduunka sanadkan 2018

MADAXWEYNAHA XIRIIRKA KUBBADDA CAGTA ADDUUNKA EE FIFA OO BOOQASHO TAARIIKHI AH KU IMAAN DOONA DALKA

Dhawaan Russia waxaa ku kulmay Madaxweynaha Xirrika kubbada cagta Somaliya Cabdi qani Saciid Carab iyo kan FIFA Gianni Infantino iyadoona la faliyo inuu booqasho ku yimaado dalka.

Sida uu ku xaqiijiyay bartiisa Facebook-ga Shaafici Islow oo ah agaasimaha warfaatinka xiriirka Soomaliyeed ee kubbadda cata ayaa sheegay in booqasho taariikhi ah uu dalka ku imaan doona Gianni Infantino.

Xubno kamida xariirka kubbadda cagta dalka ayaa qeyb ka ahaa xariirada lagu casuumay furitaanka koobka adduunka ee Russis ka socanaya sido kalena qeyb ka ahaa cod bixiyenadii u doortay Waqooyiga America marti galinta koobka adduunka ee 2026.

YUHUUDA OO SHEEGATAY MASUULIYADA GOOL KU LAADKII UU KHASAARIYAY LIONEL MESSI!!

Messi ayaa galabta ka khasaariyay gool ku laad xulkiisa Argentina kulan ay la ciyaarayeen xulka qaranka Iceland.

Laakiin arinka la yaabka leh ayaa ah in yuhuudu ay sheegatay masuuliyada goolkii uu khasaariyay Lionel Messi galabta.

Wasiirka difaaca yuhuud ayaa sheegay in Messi ay ku dhacday caro kadib markii uu diiday inuu ciyaaro kulankii la baajiyay ee dhex mari lahaa yuhuuda iyo Argentina.

"Rigooradii uu khasaariyay Messi waxaa sabab u ahaa baajintii uu baajiyay kulankii saaxiibtinimo ee Argentina ay la ciyaari lahayd Israel” ayuu yiri wasiirka difaaca yuhuuda.

Xulalka Argentina iyo yuhuuda ayaa ku heshiiyay kulan saaxiibtinimo inay ciyaaraan sabtigii hore kaas oo lagu ciyaari lahaa magaalada Qudus laakiin digniino loo jeediyay Messi iyo asxaabtiisa ayaa keentay in la joojiyo ciyaarta.

WEERAR: ZLATAN IBRAHIMOVIC OO TABABARAHA XULKA FRANCE EE DIDIER DESCHAMPS KU WEERARAY IN KARIM BENZEMA AANU KOOBKA ADUUNKA U SOO KAXAYSAN.

Halyayga ree Sweden ee Zlatan Ibrahimovic oo ka mid ah dadka aan hadalka la gaban ayaa eedayn culus u soo jeediyay tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps sababtoo ah in aanu Karim Benzema koobka aduunka u soo kaxaysan. Ibrahimovic ayaa sheegay in haddii Deschamps uu u arko in Benzema la’aantii uu xulkiisu fiican yahay in markaas ay ahayd in aanu isagu koobka aduunka iman.

Xidhiidhka kubbada cagta France oo uu hogaaminayo madax waynahooda Noel Le Graet ayaa Didier Deschamps si buuxda ugu taageeray in Karim Benzema uuna ka soo agdhawaan xulka qarankiisa France oo uu muddo dheer ka ganaaxnaa.

Laakiin Zlatan Ibrahimovic oo si wayn u amaanay Karim Benzema ayaa su’aal wayn galiyay xulashadii uu Didier Deschamps kaga soo tagay Karim Benzema ee aanu ku soo darin liiska 23 ka xidig ee France ku matalaya koobka aduunka.

Kadib markii xulka qaranka France uu si liidata guul dirqi ah uga gaadhay Australia ayuu Zlatan Ibrahimovic sheegay in Karim Benzema uu France uga muhiimsanaan lahaa Deschamps haddii uu koobka aduunka isagu joogi lahaa.

Zlatan Ibrahimovic oo ka hadlaya Karim Benzema ayaa BeIN Sports u sheegay: "Aniga ahaan wax caadi ah iima aha in Benzema aanu ku jirin kooxda qaranka.Isagu waa mid ka mid ah kuwa aduunka ugu fiican, waxa uu ku soo guulaystay Champions League, waxa uu ka ciyaaraa Madrid, in aanu isagu kooxda ka mid ahayn waxba uma aha kubbada cagta”.

Zlatan Ibrahimovic oo tababaraha France ee Didier Deschamps eedayn wayn u soo jeedinaya ayaa sheegay in Karim Benzema uu kaga haboonaa in uu koobka aduunka joogi lahaa wuxuuna yidhi: "Haddii uu tababaruhu go’aanka gaadhay isaga oo sheegaya in isagu (Benzema) aanu in ku filan kooxdan u fiicnayn, markaas waxaa waajib ahaan lahayd in aanu tababaruhu halkaas joogin oo ay waajib noqon lahayd iN Benzema uu joogo. waa wax sahlan”.

Ibrahimovic oo wali sii duraya go’anka uu Didier Deschamps kaga yimid Karim Benzema ayaa yidhi: "Anigu waxaan u arkay mid xun in aanu isagu halkaas joogin, sababtoo ah haddii aad doonayso in aad guulaysato, waxaad helaysaa guulaystayaal isla markaana Benzema waa guulayste”.

World Cup - Group C June 16

France 2 - 1 Australia Peru 0 - 1 Denmark

World Cup - Group D June 16

Argentina 1 - 1 Iceland Croatia 2 - 0 Nigeria




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip