Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar oo is-weydaarsaday hambalyada Ciidda
Sida ay qortay Wakaaladda wararka ee SONNA wada hadalka qadka taleefanka ee dhex maray labada Madaxweyne ayaa ahaa mid ay isku weydaarsadeen hambalyada Ciida.
"Waxaan u rajeeynayaa Masar iyo shacabkeeda aan walaalaha nahay horumar iyo baraaro joogta ah, annaga oo sidoo kale guul Alle u weydiinayna Golaha Xukuumadda Cusub ee dhawaan aad xilka u magacawday Madaxweyne.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Dhankiisa, Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoona Alle uga baryey guud ahaan shacabka
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Masar iyo Soomaaliya, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u dul maray Madaxweyne Alsiisi, tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qaadday xasilinta amniga iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Masar ayaa xaqiijiyey in dalkiisa Masar ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona muujiyay sida ay uga go’antahay in la joogteeyo, korna loo qaado xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar oo is-weydaarsaday hambalyada Ciidda
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Masar CabifataaxSiciid Alsiisi, ayaa ugu hambalyeyay shacabka iyo hoggaanka dalkaas maalmaha barakeysan ee Ciidda Fidriga.