Ra'iisul Wasaare Kheyre oo sameeyay qaabkii ay u garab ordayeen Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

0
Saturday June 16, 2018 - 19:18:56 in Wararka by
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo sameeyay qaabkii ay u garab ordayeen Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyay qaabkii Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga Kim Jong Un ay u garab ordayeen gaadiidkiisa, iyadoo ay noqotay hadal heynta ugu badan ee Baraha Bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyay qaabkii Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga Kim Jong Un ay u garab ordayeen gaadiidkiisa, iyadoo ay noqotay hadal heynta ugu badan ee Baraha Bulshada.

Arrintan ayaa dhacday maalintii shalay, markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka soo laabtay booqashada goobaha dabaal degga Maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo albaabka hore ee Madaxtooyada sii galayay dhinac ordayay Ilaalo ku labistan dharka Suutka loo yaqaano oo madow ah.
Sawirka Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha oo ay dhinac socdaan gaadiidka aan xabadaha karin ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, iyadoo dadka ay isla meel dhigayeen sida qaabkii Ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa markii uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Kuuriya Moon Jae waxaa kolonyadiisa loo yaqaano Limo dhinac ordayay 12 ka mid ah Ilaaladiisa qaaska ah ee daba ordayay.

Sidoo kale kulankii taariikhiga ahaa ee Kim Jong Un iyo Donald Trump ku yeesheen Singapore ayay ka soo muuqdeen, markii uu Kim Jong Un gaaray Singapore, si la mid ah sidii markii uu la kulmayay Madaxweynaha Koofur Kuuriya ay u dhinac ordayeen gaarigiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip