Xulka Kubadda Cagta ee Uruguay oo 1-gool ah uga badiyay Xulka Masar+Sawiro

0
Friday June 15, 2018 - 19:39:42 in Wararka by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Kubadda Cagta ee Uruguay oo 1-gool ah uga badiyay Xulka Masar+Sawiro

    Waxaa galabta la ciyaray kulankii labaad ee Koobka Aduunka tan iyo markii uu shalay ka furmay Dalka Russia. Iyadoo ay khamiistii Xulalka Russia iyo Saudi Arabia lagu furay tartanka Koobka Aduunka ee sanadkaan, martigaliyeyaashuna waxay 5-0 uga adkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa galabta la ciyaray kulankii labaad ee Koobka Aduunka tan iyo markii uu shalay ka furmay Dalka Russia. Iyadoo ay khamiistii Xulalka Russia iyo Saudi Arabia lagu furay tartanka Koobka Aduunka ee sanadkaan, martigaliyeyaashuna waxay 5-0 uga adkaadeen Xulka Saudi Arabia, waxaana maanta la ciyaarayaa kulamo kale,iyadoo kulankii ugu horeeyay ay badiyeen Xulka Kubadda Cagta ee Uruguay.

Uruguay oo wareegga afar dhammaadka ku hartay koobkii aduunka ee 2010-kii ayaa ciyaarta ugu horreeysay ee Group-keeda la dheeshay Masar oo ilaa iyo 1989 markii ugu horreeysay ka soo qeyb gashay.

Qeybtii hore ee Ciyaarta weerar iyo weerar celis kadib waxay ku soo dhammaaday kulankii galabta 0-0, iyadoo qeybtii dambe aysan wax badan is bedelin marka laga yimaado in Uruguay oo ku duuleysay Edison Cavani iyo Luis Suarez ay heleen fursado badan hadana intii badneyd waxba la iskama dhalin.

Ugu dambayntii daqiiqaddi 89-aad waxaa goolka guusha siiyey Uruguay Jose Gimenez, sidaas ayey Uruguay ku heshay sadexdii dhibcood ee ugu horreeyey ee tartanka, waxaana ciyaarta Keydka ka soo kicin ciyaaryahan Mohamed Salah, isagoo ku dhammeystay kaydka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip