Zinedine Zidane ayaa shabaqa soo taabtay, sidoo kalana waxaa laba gool dhaliyay Thierry Henry iyo Vincent Candela, halka ay halyeeyada dunida inteeda kale laga soo aruuriyay laba gool ka heleen xiddigaha reer Spain Fernando Morientes iyo Gaizka Mendieta.
Dhamaan ciyaartoydii France u qaaday koobkii Aduunka 1998 ayaa xaadir ahaa marka laga reebo Didier Dechamps oo ku maqan Russia, kaas oo ah tababaraha qarankiisa, maadaama tartanka koobka Aduunka uu berito furmi doono.
Sidoo kale waxaan soo xaadirin kulanka weeraryahankii hore Juventus David Trezeguet kaas oo xulka la qaaday koobkii Aduunka iyo sidoo kale Euro2000, wuxuuna ku maqan yahay isna Russia maadaama uu halkaas hawlo shaqo u aaday.
Sabri Lamouchi iyo Ibrahim Ba ayaa labadaas halyeey booskooda galay kuwaas oo ka qeybqaatay kulankii lagu ciyaaray magaalada Paris.
Tababarahii u qaaday France koobkii Aduunka 1998 ayaa maamulayay halyeeyada, wuxuuna kusoo bilaabay kulanka 10-ka mid ah safkiisi final-kii tartanka, kaliya Didier Dechamps ayaa waayay waxaana galay booskiisa Thierry Henry.
FRANCE 98 XI: Barthez, Thuram, Blanc, Desailly, Lizarazu, Karembeu, Petit, Djorkaeff, Zidane, Henry, Guivarc’h.
KEYDKA: Lama, Charbonnier, Candela, Djetou, Leboeuf, Boghossian, Lamouchi, Vieira, Pires, Ba, Dugarry, Diomede
HALYEEYADA DUNIDA: XI: Toldo, Zenoni, Simic, Aldair, Saveljic, Rommasi, Davids, Stoijkovic, Eto’o, Vieri, Stoitchkov
KEYKA: James, Bilic, Issa, Ntampizas, Mendieta, Stanic, Karagounis, Morientes, Kluivert, Bolt
Kulanka wuxuu ka dhacay garoonka U Arena Stadium meel la yiraahdo Nanterre dhinaca galbeedna kaga beegan magaalada Paris, sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay orodyahanka reer Jamaica Bolt kaas oo halyeeyada laga soo xulay caalamka intiisa kale ka mid ahaa.
Jiilkii Dahabiga Ahaa Ee France 98 Oo Guul Gaaray, Halyeeyadii Ay La Ciyaareen, Wenger Oo Guuldaro Lasoo Laabtay & Faah-Faahinta Kulankii Ka Dhacay Paris.
Labaatan Sano ayaa laga joogaa markii ay Faransiiska qaadeen koobkii Aduunyada ee ciidooda lagu qabtay sanadkii 1998, waana tartanka kaliya oo ay sheegtaan ebidkood marka laga hadlo koobka Aduunyada ee lasoo bilaabay sanadkii 1930, haddana midkii 21-