Soomaaliya oo mar kale aan ka soo muuqan liiska wadamada ugu amniga daran adduunka
Botswana
Dominican Republic
Mexico
South Africa
Liberia
Gabon
South Sudan
Afghanistan
Venezuela
Waxayna hay’adda Global Law and Order Index, warbixinteeda ku saleysay sharciga iyo kala danbeynta dhibco isku dhafan oo ku saleysan kalsoonida dadka ay ku qabaan Booliska deegaanka, dareenkooda nabad galyada shaqsi ahaaneed iyo dhacdooyinka xatooyada iyo weerarka iyo soo qabashada tuugada, Heerka sare ee dhibcaha, ayaa ka sarreya saamiga dadweynaha oo sheegaya in ay dareemayaan ammaan. Natiijada Index ee caalamka 2017, waxay ahayd 81 ka mid ah 100 suurtagal ah, Siddeedan iyo lix dal, oo ay ku jiraan Venezuela iyo Afgaanistan, ayaa dhibcaha ugu hooseeya celcelis ahaan keenay.
Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay wadamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmibaarits iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.
Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.
Sanadkii tagay ee 2017 ayaa sidaan oo kale warbixin hay’adaha Caalamiga ah ay ka qoreen amni darada ka jirta wadamada caalamka Soomaaliya ka saaray liiska wadamada ugu amniga xun ee adduunka, taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay u jeheysatay dhanka horumarka.
Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa in ay cagaha u dhigto amnigeeda, xilli ay socdaan dhismaha iyo dib u habbeynta hey’adaha iyo ciidammada amniga, waa mid ka mid ah fursadaha tusaalaha u ah dowladda Federaalka Soomaaliya in laga saaro Liiska dalalka degnaansho la’aanta amni uu ka jiro, sida ku cad warbixinta hey’adda Globol Law and Order Index.
Soomaaliya oo mar kale aan ka soo muuqan liiska wadamada ugu amniga daran adduunka
Warbixintan oo sannadle ah ayaa lagu qiimeeyaa waddamada ugu amniga badan iyo tobanka dal ee ugu amni darrada badan caalamka, sida ay baahiso Hey'adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha Amniga caalamka iyo deganaanshihiisa.