Maqaal: Farmaajo iyo Khayre Horta Khudaar ma Cunaan?

0
Sunday June 10, 2018 - 23:35:30 in Wararka by
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Farmaajo iyo Khayre Horta Khudaar ma Cunaan?

    Waxay Murmaan Aakhirkii Waxay Gaartey in Gacanta la isugu Tago Ka dib markii uu Islaantiisii uu qabay uu ka waayey Xogaa Khudaar ah ay u soo Raacin jirtey marka la Afurayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay Murmaan Aakhirkii Waxay Gaartey in Gacanta la isugu Tago Ka dib markii uu Islaantiisii uu qabay uu ka waayey Xogaa Khudaar ah ay u soo Raacin jirtey marka la Afurayo.

Markii lagu soo baxay ayaa islaantii waxay ku Calaacashey " Ma anaa wadooyinka Xirey marka uu I Weydiinayo Khudaar " waxay u sii daba Dhgtey " Saaxiib Gardaro ha igu maagin, garteenana aan u Dhigano dadka deriska ah ”

Dadkii Deriska ahaa ayaa Gartii galey waxay Ninkii ka Dhaadhiciyeen in Khudaar La’aanta ay sabab u Tahay Jididkii la soo mar siin jiirey ayaa la Xirey iyadoo Dowladu sheegtey in Amaanka la Sugayo marka Saaxiib iska Dulqaado inta ay wax iska badelayaan.

Nin Odey oo Dhageysanayey garta oo isna ay ku dhacdey Khudaar la’aan Maalmihii ugu Dambeeyey ayaa waxaa uu yiri "waxaan idiin weydiiyey Farmaajo iyo Khayre Khudaar ma Cunaan” Markaas baa nin kale oo ag taagnaa yiri " Ma kuwaas baa Khudaar waayi kara Xitaa Diyaarad baa loogu Keenayaa.

Markaas baa dadkii Goobta fadhiyey waxay hal Mar ku Cataabeen " Ileen Shacabkaa loo Xoog weyn yahay oo laga adag yahay, ma Dhib baan Qabi lahayn hadii maanta Shacab iyo Madax ay wada Sinaan lahaayeen , Waxay soo qaateen Khudbnadii uu jeediyey Madaxweyne Farmaajo markii uu Tartanka ku jirey oo ahaa "Hadii la I doorto jid Dambe la Xirmaayo "

Ugu Dambeyn Kumaan Kun oo Soomaali ah ayaa ku Nool ka ganacsiga Khudaarta marka Xirnaashaha wadooyinka waxay sababa u Noqdeen in Qoysas badan ay maanta ay la’ yihiin waxay Quutal Daruurigooda ku iibsadana sidoo kale waxaa Xirnaashaha ay Sababeen Khasaarooyin badan ka dib markii ay Halaabeen Khudaartii Ganacsiga u soo Wadeen.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip