WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Sunday December 27, 2015 - 09:55:27 in Featured by
  • Visits: 2185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA DICEMBAR 2015-KA

    BAARLAMAANKA OO ANSIXIYAY HINDISE SHARCIYEEDKA LACAG DHAQIDA IYO MAALGELINTA ARGAGAXISADA Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka ka hortaga l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAARLAMAANKA OO ANSIXIYAY HINDISE SHARCIYEEDKA LACAG DHAQIDA IYO MAALGELINTA ARGAGAXISADA Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argigixisada.

 

Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argigixisada oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka doodayeen mudanayaasha Baarlamaanka, kaasi oo ay soo diyaariyeen gudd iga maaliyada ee Baarlamaanka ayaa waxa ay Xildhibaannadu ku meel mariyeen cod gacan taag ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cis maan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeyta, isago sheegay in 136 mudane ay ogolaatay, sideeed mudane ay ka aamustay, 11 kalena waa ay diideen, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid ansax ah.

"Codeynta hindise sharciyeedkii shalaywaxaa ka aamustay sideed, waxaa diiday 11, waxa ana ogolaaday 136 mudane, waana ansax ah hindise sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Dhinaca kale mudanayasha ayaa waxa ay sii amba qaadeen dood ku saabsan warbixinta gud diga hoosaadka jiheynta siyaadda 2016ka u qaabilsan Baarlamaanka, taasi oo ahayd mid ay albaab ada u xirnaayeen, isla markaana ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd.

NABAD SUGGIDA SOMALIYA OO SOO BANDHIGTAY MAGACYADA DADKA SHIICAYNTA KA WADAY SOMALIYA

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay soo bandhigtay magac yada iyo dokumentiyada laba nin oo u dhashay dalka Iran, kuwaa oo madhabta Shiicaynta ka waday Magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay NISA, uuna ku saxiixnaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, Korneyl C/xakiin Axmed Farey, ayaa waxaa looga hadlay rag Magaalada Muqdisho ka waday baahinta madhabka Shiicaynta.

Qoraalka NISA, ayaa u qornaa:

Hawlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sam eynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqi idada umadda, iyo dalka.

Hay’adda Alkhumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulaje edadiisu tahay findeynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.

Faah Faahin:

Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta had iyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.

Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Alimaamu AlKhumeyni ee safaaradda Iran raacsan.

Mas’uuliiinta Iran

Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin

Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.

Midda kale hay’adda Alkhumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.

Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan oga annay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugna anshaha am niga.

Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleey ahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqayn ah lala.

Nimankaa fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira hawlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.

Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaa lada Muqdisho. Xigasho dhacdo.com

SARKAAL KA TIRSAN URURKA AL SHABAAB OO DIYAARAD LAGU KEENAY MAGAALADA MUQDISHO

Sarkaalkan, ayaa maalintii Arbacada isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ka hawlgala Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, ka gadaal markii uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo Dowladda.

Jimcihii, ayaa waxaa la keenay oo loo soo gudbiyay Magaalada Muqdisho, waxaana la waree gtay Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka. Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Nab ad Suggidu ay su’aalo weydiinayso ninkaasi.

Maxamed Cali Maxamed (Farey), ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku su gan Gobolka Gedo. Sanadkii 2014-ka waxaa uu ka horyimid Ururka Al Shabaab, iyadoona uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Maxamed Cali Maxamed, ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Al Shabaab ee la baxsatay Sakariye Ismaaciil Xersi (Zaki), oo ahaa Madaxii Sirdoonka Ururka Al- Shabaab Ee Geeska Afrika. Zaki wax aa uu Dowladda Somaliya uu isu soo dhiibay bishii December ee sanadkii 2014-ka.

Maxamed Cali waxaa horaantii sanadkan gacanta ku dhigay Maamulkii Al- Shabaab ee laga qabsaday Degmada Baardheere. Maxkamadda Shabaabka ayaa xukun dil ah ku xukuntay bishii March, inkastoo ay Shabaabku markii dambe cafis u fidiyeen.

Farey oo xiriir la soo sameeyay Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Degmada Baardheere, ayaa u ballanqaaday inay nabadgelin doonaan, haddii uu ka tanaasulo fekerka khalafsan ee Shaba abka.

Farey waxaa uu ku dhashay Deegaanka Ceelcadde oo qiyaastii 60-km u jirta Magaalada Gar bahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo, sanadka marka uu ahaa 1973kii. Farey wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay Ururkii Al Itixaad, waxa kaloo uu ka mid noqday Midowdii Maxkamadaha Islaamiga ahaa, isagoona Shabaabka ku biiray wixii ka dambeeyay 2009kii.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI RASMI AH U JOOJISAY DIIWAANGELINTA JAAMACADAHA CUSUB

Waxaa si rasmi ah loo joojiyay diiwaangelinta Jaamacadaha cusub, xilli Jaamacadaha Maga alada Muqdisho ay noqdeen sida tusbax go’ay oo kale, tayadooduna ay aad u hooseyso.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Khadra Bashiir Cali, ayaa waxay shalay iclaamisay in la joojiyay diiwaangelinta Jaamacadaha cusub, illaa muddo aan cadayn.

"Waxaan joojinay diiwaangelinta Jaamacado cusub oo hor leh, waxaana u joojinay sababta ku aaddan inaan kontoroolno tayada Jaamacadaha hadda shaqeeyo iyo sida ay u wax dhiggaan.” Ayay tiri Wasiiraddu.

Wasiiradda, ayaa waxay tani sabab kaga dhigtay, iyadoo ay kormeeri doonnaan Jaamacada ha xilligan ka shaqeeya Caasimadda, maadooyinka ay bixiyaan iyo qaababka ay u hawlgalaanba.

"Waxaan kormeer ku samayn doonnaa Jaamacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho, sida ay wax u dhigaan iyo maadaamooyinka ay bixiyaan.” Ayay tiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Khadra Bashiir Cali, ayaa cadeysay inta uu kormeerkaasi kaga socdo aanay diiwaangelin doonin Jaamacado hor leh, si ay wax kaga ogaadaan tayada Jaamacadaha iminka shaqeeya.

"Illaa kormeerkaas aan ka dhammeynayno wax Jaamacado cusub oo diiwaangelinayno ma jirto.” Ayay tiri Khadra Bashiir Cali oo hadalkan ka sheegtay kulan arrimaha dhalinyarada looga had laayay, oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

XAFLAD LAGU CALEEMOSAARAY YUUSUF DABOGEED OO SHALAY LAGU QABTAY BELEDWEYNE

Xaflad lagu caleemosaaray guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axm ed Hagar Dabageed oo ay ka soo qeybgalleen xubnaha maamulka gobolka, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, haweenka, ururada dhalinyarrada, , sara akiisha ciidammada dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu qab tay hoolka shirarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Xildhibaanad Samiiro Xassan Cabdulle oo xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in bulshada ku dhaqan gobolka looga baahan yahay inay si furan ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo sida ay hadalka u dhigtay dowladda Somalai ay u soo igmatay in uu wakiil uga ahaado gobolka Hiiraan, taa badalkeedana looga baahan yahay maamulka cusub inuu mar walba ku shaqeeyo rabitaanka dadka ku dhaqan gobolka.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sheegtay in Yuusuf Dabageed noqon doono mas'uulkii ugu danbeeyay ee kusoo baxa wareegto madaxweyne, wixii hadda ka dambeeyana bulshada ku dhaqan gobolka soo dooran doonaan qofka ay iyagu rabaan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti, Col. Cismaan Dubad oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa taliska howlgalka midowgga Africa AMISOM ee gobolka Hiiraan waddashaqeyn buuxda la yeellan doono guddoomiyaha cusub, wuxuuna intaa ku daray in mar walba dhinacooda xooga saari doon aan sidii ay maamulka cusub xiriir uga yeellan lahaayee howlaha xoojinta ammniga guud ahaanba gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarrada ee gobolka Hiiraan Maxamed C/llaahi Buuraale ayaa sheegay in doorka dhalinyarrada ku dhaqan gobolka Hiiraan mar walba yahay in mas'uulka uga sar eeya gobolka ka wadashaqeeyaan arrimaha bulshada iyo hormarinta dhalinyarrada oo sidda uu hadalka u dhigay ah door muhiim u baahan in si gaar ah idhaha loogu hayo.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa ugu da mbeyn ka hadlay xafladda isagoo sheegay in isaga oo dareensan culeyska mas'uuliyada oo igma day si dhaw ula shaqeyn doono guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka qeybg alyaasha xafladda ka hor ballanqaaday inuu xoojin doonno midnimada iyo waddajirka bulshada kala duwan ee ku dhaqan guud ahaanba gobolka Hiiraan.

Laakiin dhanka kale, guddoomiyaha gobolka ayaa ka dhawaajiyay in marnaba maamulka aqbali doonin wax kasta oo qal qal ku ah sidda uu hadalka u dhigay ammniga, isaga oo ka digay in magaalada lagu qabto kulamo siyaasadeed oo la soo marin maamulka uu isaga guddoomiyaha ka yahay.

Ugu danbeyn, waa markii saddexaad ee Yuusuf Axmed Hagar [Dabageed] loo magacaabo xil ka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan isagoo labo jeer oo hore xilka soo qabtay.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DHAGAX DHIGAY GAROONKA DIYAARADDAHA EE GAROOWE

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay dhagax dhigay garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Garowe.

Munaasabadii garoonka lagu dhagax dhigaayay ayaa waxaa kasoo qeyb galay gudoomiyaha barlamaanka Axmed Cali Xaashi, madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan faroole iyo ku xigeenkiisii General Cabdisamad Cali Shirre, iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa balan qaaday inuusan cidina ku halayn doonin dhismaha garoonka diyaaraddaha Garowe, islamarkaana uu isagu mas’uul ka ahaan doono garoonka dhismihiisa iyo wax walba oo u baahan yahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiri doono garoon saddexaad oo loo baahan yahay in shacabka Puntland iyagu dhistaan, isla markaana aysan cid kale sugeyn.

SHIRKII JAAMACADDA CARABTA OO LAGA SOO SAARAY GO’AANO KU SAABSAN SOOMAALIYA ..

Magaalada Qahira ee wadanka Masar waxaa lagu soo gabagabeeyay shir gaar u ahaa mad axda Jaamacadda Carabta, iyadoo Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cusmaan.

Kulanka waxaa kale oo ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka socda dowladaha Jaama cadda Carabta, kuwaasi oo mudadii uu socday shirka kaga hadlay arrimo ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dowladaha Carabta dhibaatooyinka u gaarka ah isla markaana loo xoojin lahaa xiriirka dalalka.

Eng. Saalax Sheekh Cusmaan oo ka warbixinayay go’aanada ka soo baxay shirka Jaamac adda Carabta ayaa sheegay in madaxda Jaamacadda Carabta isku waafaqday sidii la isaga tag eeri lahaa dhinacyada ka hortagga dhulgariirka.

"Madaxda shirka Jaamacadda Carabta waxaa la isla gartay in Soomaaliya laga taageero dib u dhiska iyo horumarka| ayuu yiri Wasiir Saalax oo sheegay dhinaca kale inuu kulamo kala duwan la qaatay dhigiisa Wasiirada Jaamacadda Carabta.

Go’aanada ka soo baxay shirkii Jaamacadda Carabta waxaa ka mid ahaa:

1.In loo baahan yahay xoogga la saaro ka hortaga khatarta dhul gariirka & masiibooyinka dabiiciga ah.

2.In shirka soo socdo looga hadlo dib u dhiska Soomaaiya iyo Horumarintiisa.

4.In lagu dadaalo isdhexgalka bulshada gaar ahaan degaanada kala duwan & baahida ay qabaan dadka curyaamiinta ah si ay u helaan nolol wanaagsan.

7. In la hindiso – xalna loo keeno dhibaatooyinka ku saabsan saboolnimada faqriga ee ka jira meel kala duwan.

8. In ay laga maarmaan tahay in istiraatiijiyad horumarineed, deegaaneed oo dhamaystiran ujeedadeeduna tahay is dhexgalka bulshada & in la yareeyo saboolnimada faqriga bulshada.

GANACSATADA DEKEDA MUQDISHO OO LOOGU DIGAY IN AYSAN DEKEDA KA SOO DEJIN BEDEECOOYINKA IYO RAASHIINKA DHACAY

Ganacsatada Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa loogu digay in aysan dekeda muqdisho ka soo dejin Bedeecooyinka iyo raashiinka dhacay.

Shirkada Bolakoon oo ah Shirkad ka howlgasha Dekeda Muqdisho qaabilsana ka hor taga iyo tayada Bedeecooyinka iyo raashiinka laga soo dejiya Dekeda.

Shirkada ayaa Shalay gudaha Dekeda Muqdisho ku soo bandhigtay Badeecooyin dhacay oo laga soo dejiyay Deked.

Shirkada Bolokoon ayaa sidoo kale soo bandhigtay badeecooyin dhacay oo qeybo kala du wan ka koobnaa.

Maxamed Daahir oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada Bolakoon ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay badeecooyinka ay qabtee

GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO DHAGAX DHIGAY MASJID LAGA DHISAYO AQALKA DOWLADDA HOOSE…

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Ji mcaale "Madaale” ayaa shalay y dhagax dhigay masaajid Loo dhisayo Áqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay In uu Yahay dhagax dhigii shanaad intii Lagu jiray Bishan waxayna Ka mid tahay ayuunyiri hormarka ay magaaladu ku tilaabsanayso.

sidoo Kale Gudoomiye madaale ayaa Ka warbixiyey Xaaladda Guud ee Magaaladda Muqdi sho gaar ahaan dhinacyada amaanka iyo Nadaafada wuxuna sheegay in horumarofiican Laga gaa ray bilic soo celinta caasimadda.

Ugu Dambentii duqa caasimadda ayaa u Mahadceliyey Hey.adda ZAMZAM oo dhiseysa Mas aajidkan, oo ay inta badan ku cibaadeeysan doonaan shaqaalaha dowladda hoose.

GUDDOOMIYIHII DEGMADA SHINGAANI SICIID C/QAADIR SICDII OO DIB LOO SOO CELIYAY

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale u magacawday Siciid C/qaadir Siciid Guddoomiyaha degmada Shingaani, kadib markii xilkan laga qaaday bishii June ee sanadkan.

Wareegto ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Ax med Xasan Yallaxow oo ahaa Guddoomiyihii degmada Shingaani, iyadoo lagu bedelay Sicdii C/qaa dir Siciid oo horay xilkan looga qaaday bishii June ee sanadkan.

Sidoo kale wareegtada magacaabista Guddoomiyaha degmada Shingaani ayaa ka dambey say soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Siciid C/qaadir Siciid ayaa waxaa xilkan ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), hase ahaatee xil ka qaadista ay ka timid Wasaaradda Arri maha Gudaha.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in xil ka qaadistii Siciid C/qaadir Siciid ay la xiriirtay balan qaadyo xilal oo dowladda Soomaaliya u sameysay Maamulkii Ximan iyo Xeeb, xilligii Cadaado ay taallay gogashii shirka maamul u sameynta Galmudug.

Xil ka qaadistaas kadib ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay Guddoomiyeyaasha degmooy inka ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Hodan loogu magacaabay Axmed Salaad oo horay u ahaa Guddoomiyihii degmada Cadaado.

Dad badan ayaa saluugsanaa qaabkii loo maray xil ka qaadista Mr Siciid C/qaadir Siciid oo noqday ninka kaliya ee xilka laga qaaday Guddoomiyeyeyaashii dhalinyarada ahaa ee sanadkii 2014 xilalka degmooyinka qabtay.

GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO SHEEGAY IN SHIR AANAY OGAYN AAN LAGU QABAN KARIN MAGAALADA BALEDWEYNE

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanan Magaalada Baledweyne lagu qabin karin kulamo aanay ka warqabin.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inaysan marnaba aqbali doonin in la qabto kulamo lagu dacaayadaynaayo Madaxda Dowladda Somaliya, Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanadaba.

Gudoomiyaha oo shalay xilka la wareegay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan in la dhali ilo Madaxda Dowladda, laguna dhaliilo waxqabadkooda, balse aanay soo dhawayn doonin in warar aan jirin laga sheego.

Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu ugu baaqay inaysan isku dirin shacabka, maad aama uu Siyaasiyiinta ku eedeeyay inay yihiin kuwo markasta dadka isku dira, oo qaab qabiil u kala qaybiya.

Yuusuf Axmed Hagar, ayaa sheegay inuu jiri karo mucaarad dhaliili kara Dowladda iyo Maa mulka Gobolka Hiiraanba, hase ahaatee waxa ay diidayaan uu yahay in isbaaro loo dhigto buu yiri Madaxda Dowladda.

Yuusuf Dabageed, ayaa ku celceliyay inaysan marnaba yeeli doonin in warar aan sal iyo raad lahayn laga sheego Madaxda Qaranka, taasi bedelkeedana ay soo dhawaynayaan in wixii ka khaldan lagu dhaliilo.

Hadalka ka soo yeeray Mr. Dabageed, ayaa ku soo beegmaaya, xilli Odayaasha Dhaqanka & Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan, ay qaarkood diidan yihiin inay ka qaybgalaan Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, oo maalmaha soo socdo lagu wado in uu ka furmo Magaalada Jowhar.

WAFDI UU HOGAAMINAYO GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA DARAJADA KOOBAAD EE CIIDAMADA OO GAARAY BELEDWEYNE

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka XDS ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

G/le Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha maxkamadda Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada ay shalay u tageen Beledw eyne ay tahay baaritaan ay ku sameeynayaan waxa ka jira wararka sheegaya in askar ka tirsan cii danka qalabka sida ay ku lug laheen dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay safarkiisa ku wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan cii danka XDS iyo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, isagoo tilmaamay iney hal kaasi ka bilaabayaan baaritaan buuxa oo la xiriira haddii ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan ciidamada oo ka qeyb qaatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Beledweyne.

"Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxeey balan qaadeeysaa ciddii ay ku caddaato arintaasi iney talaab cad ka qaadi doonto sida hore looga bartayba” ayuu yiri gudoomiyaha maxkam ada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida G/le dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Arinta labaad ee muhiimka ah iyadana waxaa waaye waxaa bishaan gudaheeda laba mar xabsiga Beledweyne ka dhacday in maxaabiis ku jirtay xabsiga ay baxsato, arintaasi waxaad ogtihiin in loo xiray taliyihii xabsiga Beledweyne iyo taliyihii qey bta guud ee gobolka Hiiraan u qaabilsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, arinta labaad ee uu yi mid wafdigu waa xaqiijinta sababta rasniga ah ee ay u baxsadeen Maxaabiista”.

 

JAPAN OO KA CABANEYSA IN LAGU XADGUDBAY

Japan, ayaa sheegtay inay cabasho rasmi ah ka soo saartay Beijing oo ku saabsan markab kuwa ilaalada xeebaha Shiinaha iyo labo kale oo soo galay, wax ay Tokyo u aragto biyaheeda oo u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee badda bariga Shiinaha.

Ilaalada xeebaha Shiinaha, ayaa sheegay in markab Shiinaha oo madaafiic ku xiran yihiin uu joogay ku dhowaad saacad jasiiradaha lagu muransan yahay ee Senkaku.

Sida laga soo xigtay saraakiil Japan ah, tani ayaa ah tii ugu horeysay oo markab Shiinuhu leeyahay oo hubeysan ku soo galay biyahood u dhow jasiiradaha.

Xiisad ku saabsan cidda leh jasiiradaha aan la daganeyn uu Shiinuhu ugu yeero Diaoyus, ayaa sare u kacay sanadihii dhawaa.

DAABULIDII DAGAALYAHANADA FALAAGADA SUURIYA IYO QOYSASKOODA OO LA HAKIYAY.

Daabulidii la qorsheeyay ee dagaalyahanada falaagada Suuriya iyo qoysaskooda ee laga soo qaadayay xerada qaxootiga Yarmouk ee koonfurta Dimisheekh, ayaa la hakiyay.

Basas waaweyn, ayaa horay u yimid xerada si ay u qaadaan dagaalyahanada oo ay ku jiraan kuwa badan oo ka tirsan kooxda IS iyo jabhadda Alnusra, iyagoo la geynayo qeybo ka mid ah dalka oo ay kooxahaasi maamulaan. Taa badalkeeda, ayey Qaramada Midoobay awoodeysaa inay qeyb iso badi gargaarka ay u baahan yihiin kuwa halkaas ku xayirmay.

Waxaa jira warar iskhilaafsan oo ku saabsan sababta uu uguuldareystay heshiiska ay dhex dhexaadineysay Qaramada Midoobay. Dadka qaar, ayaa sheegaya in dhimashada taliye sare oo falaagada ah, Zahran Alloush, oo ku dhintay duqeynta cirka ay keentay in heshiiska laga noqdo. Kuwa kalena waxay sheegayaan sababo dhinaca sahayda ah.

QOFKII UGU MIISAANKA BADNAA CAALAMKA OO GEERIYOODAY …

Ninka dunida ugu cuslaa oo la oran jirey Andres Moreno ayaa dhintey kadib markii uu wadna ha istaagay. Mr Moreno oo ahaa 38 sano jir ayaa markii uu wadnaha loogaga soo booday ay qoys kiisu ula carareen isbitaalka magaalada Ciudad Obregón ee gobolka Sonora dalka Mexico.

Anderes Moreno oo culeyskiisu ahaa 445 kilogram ayaa neefsan waayay waxayna go’a ansadeen qoyskiisa in ay geeyaan isbitaalka.

Ciyaaryahanka kubbada cagta ee Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa oohin ka keenay Mr Moreno kadib markii uu u soo direy funaanada uu ku ciyaaro oo saxiixan taasoo uu ku dhiirigeliyay in culeyska uu iska dhimo.

Warka dhimashada Moreno ayaa yimid labo bilood kadib markii lagu sameeyay qalliin si aad ah culeyskiisa loogu dhimay. Mexico ayaa ah dalka dunida dadkiisa ay ugu culus yihiin, boqolkiiba toddobaatan shacabka dalka Mexico wax ay yihiin qaar culeyskoodu uu ka badan yahay dadka caadiga ah.

Dalka Mexico ayaa waxa uu yahay dal cudurka sokorta ama macaanta ay aad ugu badan tahay waxaana sanad walba u dhinta dad kabadan 80,000 oo ruux.

Rikoorka qofka duniga ugu culeyska badan leh ayaa waxaa hore u haystay nin sidoo kale u dhashay dalka Mexico Manuel Uribe kaasoo sanadkii hore dhintey isagoo 48 sano jir ah.

Qofkii ugu cuslaa caalamka ee soo maray taariiqda waxa uu ahaa nin u dhashay dalka Mar aykanka Jon Brower Minnoch kaasoo culeyskiisu ahaa 635 kilogram waxana uu ninkan dhintey san adkii 1976 isagoo da’adiisu ahayd 42 sano jir.

Dalka Ingiriiska ayaa qofkii ugu cuslaa ee soo mara Carl Thompson waxa uu dhintey sanad kan 2015 isagoo ah 33 sano jir waxana uu culeyskiisu ahaa 395 kilogram.

MADAXWEYNAHA TURKIGA OO BADBAADIYAY NIN DOONAYAY IN UU ISKA TUURO KAABAD AMA BUUNDO DHEER..

Rajeb Dayib Erdogan Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu bad baadiyay nin sabool ah oo doonayay in uu iska tuuro Buundada ugu dheer dalka Turkiga oo ku taala Magaalada Istanbuul.

Ninkan saboolka ah oo la sheegay iney nolosha ku adkaatay ayaa doonayay in uu iska tuuro Buundada Bosphor, si uu u geeriyoodo, waxaana arintaasi ka war heshay Madaxtooyada Turkiga, iyadoo durbadiiba uu madaxweynaha Turkiga uu si deg dge ah usoo gaaray buundadaasi oo ah halka uu ninkaasi doonayay in uu iska tuuro.

Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaday ninka doonayay in uu istuuro ayaa ka codsaday in uusan is dilin uuna la kulmo Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan, ninkan ayaana aaminin warka ciidanka, waxaana ugu dambeyn laga furay daaqada gaarigii uu saarnaa Madaxwenaha, ninkan ayaana markii uu arkay Madaxweynaha ka laabtay go’aankiisa isagoo soo aaday dhinaca gaariga uu saarnaa Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo gaarigiisa ku jira ayaa waxaa loo geeyay ninka doonayay in uu Buundada iska tuuro, waxa uuna ninkan uga warbixiyay Madaxweynaha daruufta heeysata ee ku kalifay in uu is dilo, Madaxweynaha ayaa ninkaasi u muujiyay naxariis isagoo ka qiirooday duruufta dhinaca nolosha ah ee ninkaasi soo wajahday, wuxuuna madaxweynuhu ninkaasi u sameeyay balan qaad u sameeyay ninkaasi, isagoo markiiba telfoon u diray Madax kale kuna amray in loo qabo ninkan waxa uu doonayo.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan, oo ah Hogaamiye Naxariis badan dadkuna aad u jecel yihiin ayaa sabab u noqday in uu bad baadiyo nolosha ninkaasi saboolka ah.

WARBIXIN: MAXAAD KA OGTAHAY MADA XDA AFRIKA KUWOODA UGU HANTIDA AMA DHAQAALAHA BADAN?

Qaaradda Afrika oo ah Qaaradda 2aad ee ugu weyn caalamka, isla markaana ah tan 2a ad ee u gu dadka badan caalamka oo dhan, ay aa waxay ka kooban 54dal oo ay hoggaami yaan madax qaa rkood ka mid ah ay soo hogg aaminayeen dalalko oda muddo Rubuc Qarni ka badan. Ma daxda qa arkood iyo qoysaskoo da ayaa ah kuwo aad qani u ah oo haysta dhaqa ale ay ka sameeye en khay raadka wa ddamadooda dhexceegaaga; balse shacabk ooda ay yihiin kuwo faqiir ah, waxayna ho ggaa m iyeyaashaani leeyihiin shirkado kala duwan oo ay ugu magacdareen xubno qoysaskooda ka mid ah.

Haddaba, warbixin ay soo daabacday shab akad lagu magacaabo Africacradle ayaa loo ga hadlay 10hoggaamiye oo isugu jira madax weynayaal iyo boqorro ka taliya qaar ka mid ah waddamada Afr ika iyo kuwo xukunka horay u soo qabtay, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwa ugu qanisan ma daxda Qaaradda Afrika.

KAALINTA KOOWAAD: Jose Eduardo dos Santos oo ah madaxweynaha Angola oo la sheegay in uu haysto hati gaaraysa $20 Billion, wuxuuna dalkiisa soo xumayay muddo 36sa no, ka dib markii xu kunka la wareegay 1979kii. Warbixinta ayaa lagu xusay in 70% shac abka dalka Angola ay ku nool yihiin wax ka yar laba doollar maalintii. Sidoo kalena gabadhiisa oo lagu magacaabo Isabel dos San tos ayaa ka mid ah dadka ugu dhaqaalaha badan Qaar adda iyadoo lagu sheegay dhaqaalaha ay hay sato $3.8 billion. Waxaa sidoo kale lagu she egay in loo aqoonsaday inay hadda tahay haw eeneyda ugu taajirsan Qaaradda Afrika, isla markaana ay tahay haweeneyda Madowga ah ee caalamka ugu Hodansan.

KAALINTA LABAAD: Mohammed VI oo ah boqorka waddanka Morocco iyadoo lagu shee gay hantida uu haysto inay gaarayso $2.5 Bil lion, isagoo xukunka dalkiisa haya 15sano, waana hoggaamiyaha ganacsatada waddankii sa. Boqorka waddanka Morocco ayaa xuku nka la wareegay sannadkii 1999kii, markaa soo uu dhintay abbihii oo dalkaas boqor ka ah aa. Wuxuuna markiiba dib u habeyn ku same eyay xaaladaha bani’aadamnimo ee dalkaas oo buuq uu ka jiray, isagoo la dagalamay faqri ga.

KAALINTA SADDEXAAD: Teodoro Obiang Nguema Mbasogo oo ah madaxweynaha dal ka Equatorial Guinea oo uu xukumayay 36sano, isagoo la wareegay xukunka 1979kii, ka dib markii uu afgambi ku sameeyay adeer kiis Francisco Macias Ngue ma; iyadoo lagu sheegaa hantida uu haysto $600 Million. Wuxuu dadaal u galay inuu soo saaro shida alka dalkiisa, howshan oo sanna dkii 1990kii uu billaabay. Madaxweyne Mbaso go & qoyski isa lagu eedeeyo inay la wareege en dhaqaala ha dalkiisa. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 kii ayay $70 million oo doollar oo uu lahaa wii lkiisa gacanta ku dhigtay. Ink astoo Equatorial Guinea ay tahay waddanka 2aad ee ugu qani san Afrika, haddana shacab kiisu waxay ku no ol yihiin meel ka hoosaysa heerka saboolnima da Afrika.

KAALINTA AFARAAD: Uhuru Kenyatta oo ma daxweynaha Kenya oo horrantii 2013kii loo doortay hoggaaminta waddankiisa ayaa hadda na hantida uu xilligan haysto waxaa lagu shee gay inay tahay $500 Million. Madaxweyna ha Kenya oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee ka taliya dalka Kenya, Jomo Kenyatta, ayaa la sheegay in isaga qoyskiisa ay xilligan leeyihiin shirkado kala duwan, dhul baaxad weyn iyo bangiyo. Wuxuu isku arkaa inuu yahay ruux bulshaawi ah.

Xafladdii caleemosaarkiisii xilka madaxwey naha ayuu sheegay inuu ka shaqeyn doono si dii Kenya uu uga sameyn lahaa isbedel dhaq aale oo baaxad leh, inuu u sameyn doono isbi taallo hooyada iyo dhallaanka lagu daweeyo iyo inuu ka shaqeyn doono midnimada shacab ka Kenya.

KAALINTA SHANAAD: Paul Biya oo ah ma daxweynaha dalka Cameroon, kaas oo xilka dalkiisa hayay muddo 33sano ah; isagoo xuk unka dalkiisa la wareegay November, 1982kii. Waxaana dhaqaalaha uu haysto lagu sheegay inuu dhan yahay $200 million. Inkastoo uu han tidaas haysto, haddana waxaa jirta in 48% sha cabka dalkiisa Cameroon ay ku nool yihiin me el ka hooseysta xariiqa saboolnimada.

Wargeys kasoo baxa Faransiiska ayaa soo daabacay sannadkii 2009kii in madaxweyne Paul Biya uu yahay madaxweynaha ugu khara shka bixinta badan madaxda caalamka oo dhan xilliyada fasaxyada; iyadoo ay ku baxdo dhaqaale aad uga badan tan ku baxda madax weynayaasha dalka Mareykanka. Waxayna ja riidaddu warbixinteeda ku xustay in dhaqaala ha ku baxa uu gaarayo $40,000 maalintiiba.

KAALINTA LIXAAD: King Mswati III oo 15kii sano ee u dambeysay boqor ka ahaa dalka Swaziland ayaa ka mid ah boqortooyooyinka dunida ugu taarjisan. Waxaana hantida uu haysto la sheegay inay gaarayso $100 million.

Sdioo kale, boqorka ayaa lagu xantaa inuu qabo 13haween ah, kuwaasoo uu ugu same eyo shoobin sannad walba lacag dhan $6 mil lion. Dhanka kalena waxaa la sheegay in sann adkii ay ku baxdo biilasha guryihiisa lacag dhan $61 million.

Dadweynaha Swaziska ayaa 63% waxaa la sheegayaa inay ku nool yhiin wax ka yar $1.5 maalintii. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa la sheegay in gaariga raaxda ah ee uu bororkan ku socdo uu ku fadhiyo lacag dhan $500,000.

KAALINTA TODDOBAAD: Goodluck Jona than oo aha amadaxweynihii hore ee Nigeria ayaa la sheegay inuu isaguna haysto lacag dhan $100 Million. Wuxuuna la sheegay inuu dhaqaalahaas tabcaday intii uu xukunka hay ay, iyadoo Nigeria lagu tilmaamo dalalka ugu musuqmaasuqa badan Afrika. Jonathan ay aa la sheegay dadaal badan u soo galay sidii uu dalkaas horumar u gaarsiin lahaa shacab ka Nigeria, balse waxaa uu ku guuldarreystay doorashadii madaxnimo ee horraantii sannad kan ka dhacday dalkaas, iyadoo uu xilka kaga guuleystay Mohammedu Buhari.

KAALINTA SIDEEDAAD: Robert Mugabe oo ah madaxweynaha Zimbabwe ayaa la sheeg ay inuu haysto dhaqaale gaaraya $100 Million, isagoo xukunka dalkiisa hayaa 35sano. Mog abe ayaa la sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay yihiin kuwa ugu qanisan Zimbabwe oo dhan, waxaana uu dhowr jeer ku guuleystay xilka ma daxweynenimo ee dalkiisa, iyadoo lagu tilma amo kaligiitaliye aan ogoleyn inuu xukunka wareejiyo, cimrigiisuna wuxuu haatan mara yaa 91sano.

KAALINTA SAGAALAAD: Jacob Zuma oo madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa han tida uu haysto waxaa lagu sheegay $75 mill ion. Wuxuuna magaalada Pretoria oo xarun u ah dalkaas uu ku leeyahay baar lagu magacaa bo "Fat Zuma Burger”, sidoo kalena wuxuu lee yahay koox kubadda cagta ciyaarta oo la yir aahdo "Nkandla Angels”) iyo ganacsi kale oo fara badan.

Qoyskiisa ayaa la sheegay inay haystaan hanti badan, iyadoo la sheegaa inay jiraan sha cab fara badan oo Koonfur Afrikaan ah aysan haysan lacag ay ku noolaadaan. Waxaana Zuma dhawaan ay shacabka dalkaas ka dalba deen inuu xilka baneeyo maadaama uu ku gu uleysan waayay inuu qalalaase ku yimid dhaq aalaha dalkaas uu waxkaqabto.

KAALINTA TOBANAAD: Idriss Deby oo ah madaxweynaha Chad ayaa isna la sheegay in uu haysto lacag dhan $50 Million, wuxuuna xu kunka dalkaas hayaa muddo 25xano ah, isa goo xukunka qabtay sannadkii 1990kii.

Shacabka dalka Chad ayaa la sheegay inay ku nool yihiin nolol aad u liidata, isla markaana uu madaxweynuhu urursaday dhaqaalihi dalka as intooda badan, taas oo uu qaarkeed ku sa meysay shirkado waaweyn.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip