Meeqa qof oo aan dukan salaada ,Soomana bisha Ramadaan ayaad taqaan? =Nasashada Jimcaha.Q-99aad=

0
Sunday June 10, 2018 - 21:10:29 in Wararka by
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meeqa qof oo aan dukan salaada ,Soomana bisha Ramadaan ayaad taqaan? =Nasashada Jimcaha.Q-99aad=

    1-Nin Reer Gaalkacyo ah oo sooman ayaa u yimid Saaxiibadii. waxa ay ku yiraaheen: Hebeloow ma Tukatid waadna soontaa ee maxaad ka wadaa?. Waxa uu yiri: wadaad ayaan ka maqlay ( Wa Soowmu lii) soonka ajirkiisa Allaa ayaa leh oo si gaar ah u bixiya. Hu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Reer Gaalkacyo ah oo sooman ayaa u yimid Saaxiibadii. waxa ay ku yiraaheen: Hebeloow ma Tukatid waadna soontaa ee maxaad ka wadaa?. Waxa uu yiri: wadaad ayaan ka maqlay ( Wa Soowmu lii) soonka ajirkiisa Allaa ayaa leh oo si gaar ah u bixiya. Hunguri dartii halaguu cadaabo waa nasab ka bax, Salaad yeelkadeede, iga waloow Aniga iyo Ilaaheey Saxan Bariis dartii in aanan ku kala tegeeyn. (Fiiri Sawirka: 1aad)

(Meeqa qof oo aan dukan salaada ,Soomana bisha Ramadaan ayaad taqaan. Alla ha soo hanuuniyo)

2- Ugaas Ciise oo Habeenkaa Aqal galayay ayaa xaaskiisii cusbaa Salon geeyay ,kadibna si aan caadi aheeyn ayaa loo soo dhalaaliyay . Hooyadii ayaa ku tiri: Maashaa Allaah, Gabadhu weyn nuureysaa.Markaa ayuu ku yiri: Hooyo waxa nuuraya iyada ma ahan ee waa lacagteydii. F S : 2aad.

( Ar masuulkaani qurux badanaa, maya ee waa………)

3- Berrigii Michael Jackson uu heystay Suuqa Heesaha Mareykanka, ayaa waxaa Amerika tagay Axmed Cali Cigaal. Mid reer Bari ah oo Mareykanka joogay ayaa kuwa mareykan ah oo deriskiisa ahaa ku yiri: Michael Jackson Hadeey u dhamaatay soow ma ogidiin in Ina Cali Cigaal yimid. F S : 3 & 4aad.

( Reer barigu dadkooda waa faansadaan gaar ahaan Fanaaniintooda, ee Fanaaniinta Somali oo dhan ha wada faaniyeen)

4-wiil gabar yar loo guuriyay ayaa gabadhii wuxuu ku wareeriyay habeen kasta kaalay, kaalay. Iyadiina markii ay adkeeysan weyday ayey fekertay. Habeenkii oo kaliya ayaa la isku ogaaye waxa ay bilaawday in Habeen iyo Maalinba ay ku tiara : kaalay , kaalay, adiguna kaalay fursad nasashana wey u diiday.

Markuu tabar dhigay ayuu u cararay Gurigii hooyadii. Gurigii ayuu ku arkay Orgi eryanaya Ri’ oo laga celcelinayo,intuu soo booday ayuu ku yiri: war waxba ha celcelinina isagaa guriga Hooyadii u carari doonee. F S: 5aad.

( Xildoon fafakanaya hadaad aragto, xilka u dhiib ,somaaliyaan aqaan, isaga oo dad kale eedeeynayo ayuu u carari doonaa Gurigii hooyadii).

5-Wadad Imaam ka ahaa Masjd ayaa Salaada Taraawiixda ku Akhrin jiray Suurada dhaadheer habeen kasta, Habeenkii Dambe ayuu Aayadii Gefay. Oday reer Gaalkacyo ahaa oo safka dambe ku jiray ayaa hal mar qeyliyay isaga oo leh: ilma Adeerayaaloow yaan loo sheegin.

( Gudigii Dastuurka oo dadka ku wareeriyay Dastuurkii hore iyo kii dambe, ayaa waxaa soo yeertay Dastuurkiiba waa la xaday. Mid ayaa yiri: ilma adeera yaaloow Cidda xadday ha u sheegina)

6- Nin reer waqooyi ah oo Masjid ku dhax duceysanay oo leh: Allahayo, Markan oo kaliya i sii 1 Milyan oo Doolar , ayaa waxaa soo ag fadhiistay mid reer Koofur ah, markaa ayuu ku duceystay Allahayoow maanta i sii Lacag aan ku qadeeyo.

Kii reer waqooyiga ahaa ayaa ka carooday, haddana siiyay 5 Dollar. Markaa ayuu ku yiri: bax, naga tag oo ku soo Qadey, war 1 Million oo Dollar ayaa Samadda iigu soo socta ee dalabkaaga raqiiska ihi yuuna Hawada ka dhigin Network busy, oo irsaaqadii naloo qoray hana seejin. F S : 6 & 7aad.

( war hadaan Somali nahay Barwaaqo iyo shidaal la soo saarayo ayaa la sheegayay, armaa maamul gubaleedyadu ka dhigaan Network busy).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip