Messi uma nixin shacabka Falastiin ee …… (Sababta dhabta ah ee loo baajiyay ciyaarta oo la ogaaday)

0
Thursday June 07, 2018 - 09:24:47 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi uma nixin shacabka Falastiin ee …… (Sababta dhabta ah ee loo baajiyay ciyaarta oo la ogaaday)

    Messi ayaa loo sheegay in la beegsan doono isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa haddii uu cag soo dhigo Qudus isaga oo u imaanaya heshiis uu la soo galay yuhuuda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Messi ayaa loo sheegay in la beegsan doono isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa haddii uu cag soo dhigo Qudus isaga oo u imaanaya heshiis uu la soo galay yuhuuda.



 
 
Waxaa isi soo taraya wararka ku aadan qaabkii loo baajiyay kulankii dhex mari lahaa xulalka Argentina iyo yuhuuda.

Saxaafada ayaa si wayn u hadal haysa in baajinta kulankaas uu qayb wayn ka qaatay Messi kaas oo aan la dhicin xasuuqa yuhuudu ay ka wado falastiin.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah mid ka duwan warkaas, waxaa la ogaaday in Messi uu u baajiyay kulankaas kadib hanjabaad xoog leh oo uga timid dhaq dhaqaayada islaamiga ee ka dagaalama Falastiin iyo wadamada islaamka.



Warkaan waxaa sii xaqiijisay wasiirada dhalinyarada iyo Sportiga yuhuuda eeMiri Regev taas oo si cad saxaafada uga hor qiratay in Messi uu u cabsaday naftiisa iyo qoyskiisa.

Waxay sheegtay in sababta dhabta ah ee xulka Argentina uu u diiday inuu ku ciyaaro Qudus ay tahay halis soo wajahday Messi iyo qoyskiisa iyo waliba hanjabaad hawada loo mariyay.

Waxaa xusid mudan in Messi uu yuhuuda booqday dhawr jeer waliba xili ay xasuuq daran ku hayso walaalaha reer Falastiin, sida muuqatana maanta naftiisa ayuu la cabsaday ee kama nixin shacabka muslimka ah ee la dhibaataynayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip