Macalinka Xulka Masar oo Daaha ka Rogay Hadii uu Cayaari Karo Mo Salah Kulankooda Kowaad ee Koobka Adduunka

0
Thursday June 07, 2018 - 09:21:48 in Wararka by
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinka Xulka Masar oo Daaha ka Rogay Hadii uu Cayaari Karo Mo Salah Kulankooda Kowaad ee Koobka Adduunka

    Qaranka Egypt ayaa rajo buuxda ku qaba in Mohamed Salah uu taam noqon doono kulankooda kowaad ee koobka adduunka oo ay la dheelayaan Uruguay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaranka Egypt ayaa rajo buuxda ku qaba in Mohamed Salah uu taam noqon doono kulankooda kowaad ee koobka adduunka oo ay la dheelayaan Uruguay.



 

Xiddiga Liverpool ayaa ka dhaawacmay garabka finalkii Champions League ee 26-ka May iyadoo la filayay inuu maqnaanayo ugu yaraan seddax asbuuc.

Laakiin iminka sida uu shaaca ka qaaday macalinka Egypt Hector Cuper Salah oo 25 jira ayaa laga yabaa inuu soo laabto ka hor kulankooda ku jadwaleysan 15 june ee cayaartooda kowaad ee koobka adduunka.

Cuper, oo guuldaro kala kulmay qaranka Belgium kulan saaxiibtimo ayaa sheegay: "War wanaagsan ayaan ka helnay dhakhtarkeena – waxaan rajeynaya inuu naga mid noqdo ka hor cayaarta Uruguay.

” Waan ku rajo weynahay waana sameyneyna sida inoogu wanaagsan.

"Marxaladdan soo kabsashadiisa ma ahan kaliya daaweyntiisa garaba, laakiin sidoo kale waxaan u baahanahay inaan horumarin karno adkeysigiisa iyo taam ahaanshaha sababtoo ah dhaawaca ayaa ka hor istaagay inuu tababarto sida caadiga ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip