WARBIXIN: Shan Xiddig Oo Ay Liverpool U Dhaqaaqi Karto Si Ay Ugu Taageerto Xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino Xilli Ciyaareedka Dambe

0
Thursday June 07, 2018 - 09:16:17 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Shan Xiddig Oo Ay Liverpool U Dhaqaaqi Karto Si Ay Ugu Taageerto Xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino Xilli Ciyaareedka Dambe

    Kooxda Liverpool ayay u badantahay in ay xiddigo weerar ah ku soo dari doonto kooxdeeda xagaaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayay u badantahay in ay xiddigo weerar ah ku soo dari doonto kooxdeeda xagaaga.


Reds ayaa si aad ah ugu tiirsanayd xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino xilli ay qaab ciyaareed cajiib ah ku jireen 3-da xiddig.

Laakiin dookh la,aantii finalkii champions League ayaa Jurgen Klopp ku qasbi doonta in uu kooxdiisa ku soo daro xiddigo uu la tartansiiyo xiddigahaas.

Waxa shalay so baxay warar lama filaan ah oo kooxda la xiriirinayay xiddiga kooxda Stoke City ee Shaqiri yo xiddig reer Nigeria ee Moses Simon.

Hadaba waxa aan warbixintan ku eegi doonaa 5-ta xiddig ee ay Liverpool u dhaqaaqi doonto si ay ula tartansiiso xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane & Roberto Firmino xilli ciyaareedka dambe.

Leon Bailey:Xiddigan ayaa ka ciyaara horyaalka Bundesliga waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 9 gool sidoo kale 6 kale caawiye ka noqday waana xiddig tayo fiican iyo waliba farsamo leh.

Wilfried Zaha:Xiddiga Crystal Palace ayaa ku raaxaystay xilli ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Salah ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican premier League marka loo eego gasta isaga oo ah xiddigii ugu badnaa ee sidaas sameeyay.

Christian Pulisic:Waa xiddig si joogto ah loola xiriiriyo Kooxda Jurgen Klopp, Christian Pulisic ayaa ah xiddig aad u fiican oo kooxdiisa BVB la qaatay xilli ciyaareed heer sare ah kooxdiisana ka caawiyay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Riyad Mahrez:Waa xiddig lala xiriiriyay kooxda Liverpool suuqii January xiddigan ayay Reds u doonaysay in ay badal uga dhigto Philippe Coutinho suuqii January laakiin heshiiska ayaan dhicin Reds ayaa haatan u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga xilli uu xiddigu kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda”.

Memphis Depay:Xiddiga reer Holland ayaa laba xilli ciyaareed oo adag ku qaatay kooxda Man United laakiin 24 jirkan ayaa dib u dhisay sumcadiisa markii uu ku biiray Lyon, Depay ayaa ka ciyaari kara weerarka tooska ah iyo walbiga garabka bidix waana mid uu Klopp jecelyahay xiddigaha boosaska badan ka ciyaari kara.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip