Cabdifitaax waa Kabalyeeri Hadana Jaamacad Dhigta !!!

0
Wednesday June 06, 2018 - 00:24:04 in Wararka by
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdifitaax waa Kabalyeeri Hadana Jaamacad Dhigta !!!

    Qofka Marka uu Dhalinyaro yahay, waxaa wanaagsan in uu ka Faaideysto Waqtigiisa, waxaa Mararka qaar aad arkeysa Qof Dhalinyaro ah oo iska Baaga Muudo ah oo shaqo iyo waxbarasho midna aan heyn , markaad Tiraahdid walaal maad waqtigaada ka faaideysatid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka Marka uu Dhalinyaro yahay, waxaa wanaagsan in uu ka Faaideysto Waqtigiisa, waxaa Mararka qaar aad arkeysa Qof Dhalinyaro ah oo iska Baaga Muudo ah oo shaqo iyo waxbarasho midna aan heyn , markaad Tiraahdid walaal maad waqtigaada ka faaideysatid markaas buu wuxuu leeyahay " Saaxiib wadanka waad u jeeda marka xaaladdaan laga baxo ayaa shaqo iyo Waxbarasho Bilaabayaa.

Cabdifitaax Cabdicasiis ismaaciil waa wiil Dhalinyaro ah oo ad u Firfircoon , waqtigiisa waa uu qaybiyey Labo waqti uu waxbarto iyo waqti uu Shaqeysto, waxaana uu Meesha ka saarey Dhalinyarada aan hore u soo sheegey ee ku Marmarsiyoonaya Xilgaan lama shaqeysan karo waxna lama Baran karo.

Cabdifitaax waxaa kula kulmey Hotelka Furaad ee Magaaladda Muqdisho Habeenkii Xaley Xili ay Bahda Warfaafinta ay Hotelkaas ay Afur ugu sameeyeen Ducaada Culimada Soomaaliyeed Xiliga aan Kulmeyney Wiilkaas Dhalinyarada ah waxaa uu ahaa Adeege Dhinaca Raashinka (Kabalyeeri”

Mar aan la sheekeystey waxaa wax ka weydiiyey Xaaladiisa waxaana uu yiri " Walaal Xiliyada ama waqtiga waa ii qaybsan yahay, mar waxbaan Bartaa marna Shaqadaan aad u jeedo ayaa ka shaqeeyaa” aad baan ugu farxay marka uu warkaas ii sheegey, waxaan Iri ii soo dhawow waxaana weydiiyey Waxbarashadiisa markaas buu iigu Jawaabey "waxaan Dhigtaa Jaamacad waxaan marayaa Semeterkii 2-aad” isagoo Faraxsan ayuu ii sii daba dhigey.

"Waxaan aad ugu Rajo weynahay in aan Dhameysto Jaamacada ilaa aan ka gaaro BHD, marka waxaan aad uga Xumahay Dhalinyarada weli aan Waqtigooda ka faaiideysan waliba u Hanqal taagaya Dal shisheeye waxaana leeyahay " Haybad waxaad ku leedahay Dhulkaada Hooyo” waxaa uu intaas sii raaciyey.

" Shaqada waa Sharaf waayo Kharashka aan halkaan ka helo waxaa isaga dabaraa Jaamacada , marka waxaan leeyahay Dhalinyarada Waalidkood iyagoo aan waxba haysan ku dhibaya in ay Jaamacad ka bixiyaan in ay Shaqeystsaan Wadanka wax badan oo laga shaqeysan karo ayaa yaala marka waxaan aad jecelahay in aan Shaqada Kabalyeeriga aan meel sare ka gaaro sidoo kalena Jaamacada aan dhameysto.

Wiilkaan Dhalinyarada markii aan wareysanayey waxaa ii yimid Rag Saaxiibadey oo kala ah Axmed Maxamuud Dhicisow,Cabduqaadir Qoslaaye iyo Cabdirisaaq Salaad markaan u sheegey Wiilkaan aad bay u gacan qaadeen una Hambalyeeyeen waxana yiraahdeen " Waa Tahay Ruux ku dayasho Mudan”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro


E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Tel 00252615532494



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip