Chelsea oo si la yaab leh ugu soo biirtay dagaalka loogu jiro Saxiixa laacibka Reer Brazil ee…

0
Monday June 04, 2018 - 11:15:21 in Wararka by
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo si la yaab leh ugu soo biirtay dagaalka loogu jiro Saxiixa laacibka Reer Brazil ee…

    Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay kula dagaallanto Real Madrid iyo Liverpool saxiixa laacaibka goolka u qabta kooxda AS Roma ee Alisson Becker. Xiddigga reer Brazil ayaa horraan diiradda ugu saarnaa kooxaha Liverpool iyo Real Mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay kula dagaallanto Real Madrid iyo Liverpool saxiixa laacaibka goolka u qabta kooxda AS Roma ee Alisson Becker. Xiddigga reer Brazil ayaa horraan diiradda ugu saarnaa kooxaha Liverpool iyo Real Madrid kuwaas oo si xoog leh isugu garbinaya saxiixiisa, waxaase hadda safka soo galay kooxda ka dhisan galbeedka London ee Chelsea.

Blues ayaa dooneysa goolhaye cusub kaasi oo leh tayo sare, maadaama uu Thibaut Courtois diiday inuu heshiis cusub qalinka dul dhigo waxaana loo badinyaa inuu dooran doono ku biiritaanka kooxda Real Madrid.

Jack Butland ayaa ku jira liiska goolhayeyaasha ay dooneyso kooxda macallin Antonio Conte, kaasi oo xulka qaranka England kala qayb galaya koobka adduunka ee bishan bartamaheeda ka furmaya dalka Russia.

Dagaalka loogu jiro Alisson ayaa hadda noqonaya mid saddex geesood ah, Real Madrid waxa ay dooneysaa inay ku kabto Keylor Navas, halka Jurgen Klopp uu doonayo inuu safkiisa xagaaga dambe ka adkeeyo dhanka goolka, maadama bandhig liito ay sameynayaan Simon Mignolet iyo Loris Karius.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip