Steven Gerrard Oo Buugiisa Cusub Kaga Hadlay Labada Nin Ee Uu Ugu Neceb Yahay Kubada Cagta Ingariiska.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:36:44 in Sports News by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Steven Gerrard Oo Buugiisa Cusub Kaga Hadlay Labada Nin Ee Uu Ugu Neceb Yahay Kubada Cagta Ingariiska.

    Kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard ayaa buugiisa cusub ee 'My Story' waxa uu ku magacaabay labada nin ee uu ugu neceb yahay kubada cagta Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard ayaa buugiisa cusub ee 'My Story' waxa uu ku magacaabay labada nin ee uu ugu neceb yahay kubada cagta Ingariiska.

Buugiisa cusub oo qeybo ka mid ah lagu soo bandhigay jariirada The Guardian ayuu Gerrard kaga hadlay inuusan jecleyn garsoore Martin Atkinson, madaama uu qeyb ka ahaa labo waxyaabood oo uu Gerrard jecel yahay in laga masaxo taariikhdiisa.

Tan hore Atkinson ayaa tababare ka ahaa kulankii uu sibxaday Gerrard ee Chelsea ee ay Liverpool ku weysay horyaalka Premier League, halka uu sidoo kale ahaa garsoorihii siiyay casaanka kulankiisii ugu danbeysay ee Liverpool ee uu la ciyaarayay Man United isagoo garoonka ku jiray kaliya 38 ilbiriqsi ka dib markii uu isku istaagay Ander Herrera.

Seattle Sounders v Los Angeles Galaxy
"Ma aanan jecleysanin muuqaalka wajigiisa” ayuu yiri Gerrard ka hor inta uusan ka hadalka ciyaartii uu casaanka siiyay dhihin "Waan necbahay isaga.”

Atkinson iyo Gerrard isku dhacooda waxa uu ahaa xilli dhow, laakiin naceybka uu u qaba Stuart Pearce ee uu ku xusay buugiisa ayaa ka sii fog. Sannadii 2012, Pearce ayaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay shaqada xulka England hal kulan ayuuna qabtay, waxaana uu ku wargeliayy Gerrard inuu Scott Parker ka dhiganayo kabtan kulankaas.

Dhibaatada waxa ay aheyd inuu Pearce ugu sheegay Gerrard warkaas isagoo ku jira suuli ku yaala huteel ay deganaayeen oo ku yaala banaanka Watford.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip