Jamie Carragher Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Uu Si Aad Ah Ugu Doonayo Inay Arsenal Hanato Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:34:20 in Sports News by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamie Carragher Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Uu Si Aad Ah Ugu Doonayo Inay Arsenal Hanato Premier League Xilli Ciyaareedkan.

    Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa si weyn u doonaya inay Arsenal ku guuleysato koobka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Kooxda Gunners ayaa haatan kaalinta labaad kaga jirta kala sareynta horyaalka Premier League, iyagoo labo dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa si weyn u doonaya inay Arsenal ku guuleysato koobka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Kooxda Gunners ayaa haatan kaalinta labaad kaga jirta kala sareynta horyaalka Premier League, iyagoo labo dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Leciester City.

Kooxda Arsene Wenger ayaana haatan ugu cadcad inay koobka hantaan bisha Mat ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Man City habeenkii isniinta, waxaana Carragher uu sheegay inuu doonayo inuu arko ninka reer France oo kor u qaadaya koobka sannada 2016.

"Inaan arko Leicester oo hogaanka u heysa waqtiga ciida gaalada waxa ay aheyd mid fantastik ah” ayuu Carragher ku qoray maqaalkiisa jariirada Daily Mail. "Sheekadooda 2015 waxa ay aheyd sida mid la qoray, waxaana rajeynayaa inay u sii socoto ilaa intii macquul ah. Laakiin haddii aan xusho kooxda noqoneysa Champions bisha May, kama labalabeyeen waxaan dooran lahaa Arsenal.

Jamie-Carragher
"Sababta ugu weyn ee aan u doonayo inay Arsenal horyaalka hanato waa Arsene Wenger. Waxa uu bedelay kubada cagta markii uu yimid England laakiin shantii ama lixdii sanno ee ugu danbeysay waxa uu eedeyn badan kala kulmay saxaafada, qabiirada isboorti ee aan aniga ka mid ahay, Jose Mourinho iyo xitaa taageerayaashiisa. Laakiin Wenger ayay yar tahay inuu jawaab celin ka bixiyo dhaleeceyntaas, waxana uu isku dayaa inuu qaato eedeymaha loo soo jeediyo.

"Kooxdiisa waxa ay u dhaqaaqeysa wadada saxan, ka dib labo jeer oo ay FA Cup ku guuleysteen waxaana jeclaan lahaa inay Premier League ku guuleystaan mar kale. Waxa ay ahaan laheyd koob lagu maamuuso waayihiisa ciyaareed ee cajiibka ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip